Tusaale, waynu salaadna, waynu soona, waynu sadaqadaysana laakin marka ay timaado aayada uu Ilaahay(scw) leeyahay ha is xamanina, ha is yasina, ha is xaqirina, nafta lagaa xaarantimeeyay ha dilin, Sinada ha u dhawaan(ha ku dhicin maaha!)... Kuma dhaqano ee waa maxay sababtu?
Tariikhdu waa 'lap-ka' aqoonta-bulshada(social science), sida aqoonta saynisku ay u leedahay 'lap' lagu kala hufo aragtiyaha teeda saxda iyo teeda khaladka ah. Sidaas awgeed, si aynu u ogaano aqoonta ay la socoto wax qabadku intee in leeg ayay bulshada raad ku yeelatay iyada aynu milicsano. Waxaan soo qaadan doona labo caalim oo muslim ah oo midna cilmiga diinta wax tar weyn u gaystay, ka kalena aqoonta maadiga ah. Waliba waxaan isku dayayaa in taariikhdooda isku soo dhaweeyo si odorsku qiimo u yeesho. Aan ku horeeye aqoonta diinta, Imamu Axmad ibn Xanbal, waxa uu noola intii u dhaxaysay 778 ilaa 855 taariikhda Miilaadiga. Waxa uu ahaa aqoonyahan ku talax tagay aqoonta xadiiska, fiqiga iyo aqoonta usuusha xadiiska. Waa aqoonyahanka qoray buugga xadiiska ah ee loo yaqaan Musnad Imamu Axmad oo ka kooban 30,000 xadiis. Ardaydiisa waxa ka mid ah labada aqoonyahan ee Bukhaari iyo Muslim oo iyana qoray labada buugg ee ugu badqabka badan adduunka marka kitaabka Quraanka ah laga yimaado. Axmad waxa loo tiiriyaa aasasaha madhabka fiqiga ee Xanbaliyada. Su'aal ayaan idin waydiiyay hadaba, Axmad ubuxii uu ka tagay intee in leeg ayay bulshada adduunka anfacday?
Aqoonyahanka labaad ee aan soo qaadanaya waa Abu Bakar Muxammad binu Sakariya Al-Rasi oo noola intii dhaxaysay 864 ilaa 923 taariikhda miilaadiga. Al-rasi oo ay reer galbeedku u yaqaanan (Rhazes) waa aqoonyahan aha aqoon-guuraysa(polymath). Waxa uu wax ka yaqaanay aqoonta dhakhtarnimada,kimistariga, falsafada.. Waxa la sheega in uu 113 buugg ka qoray aqoonta dhakhtarnimda oo kaliya. Waxa ugu caansan buuggiisa loo yaqaan الحاوي oo aan filaayo in 25 majaladood ka koobaan yahay. Waa ninkii iska laha aragtiyaha curiyaasha isku dhafan(chemical compond) alcohol iyo sulphuric acid. Waxa uu sidoo kale ahaa nin aad u akhlaaq fiican, waxa la sheega in uu yidhi bukaanka saacad saacad ha looga war hayo. Xitaa mar marka qaarkoodu waxa uu tabarucaad siin jiray bukaankii masaakiinta ahaa ee ku jiray dhakhtarkii baqdaad oo xiligaas ahaa dhakhtarka adduunka ugu wayn. Buuggisa al-Xaawi waxa loo turjumay markii ugu horeysay luuqada laatiniga taariikhda miilaadiga ahi markii ay ahayd 1486, waaxana turjumay nin Talyaani ah. Waaxana uu ahaa mid ka mid ah buuggta Yurub iyo galbeed ay kaadirkoodu dhigtan. Suaashi hore aan soo celiya, Al-Rasi aqoontu ka tagay ma tahay mid adduunka(hada muslim oo kaliya maaha) oo dhani ku faa'iday oo anfacday?
Malaha qoraalka waan dheereeyay, ii cudur daara. Waxaan ku soo afmeeraya marka 1) Aqoonyahanka dhabta ah ee niyadiisu ay tahay in uu bulshada wax tarow waanu kuu baahanahy ee na maal gasho aad ilaa maalinka qiyaame naga faa'ideda. 2) Aqoonyahanka dhabta ahow aqoontu adiga ha ku badasho. 3) Aqoonyahanka dhabta ahow, wax walba ha iska xambaarin ee aqoonta huf oo haadi. Ka dib wixii qashin ah ee aan qiyamkaaga(diintaada) u qalmayn iska reeb. 4) Aqoonyahanka dhabta ahow, bulshadani way bugta oo ma taqaan qiimaha uu leeyahay aqoonyahanka wanaagsani ee noqo dhakhtar u dul qaata bukaankiisa. 5) Aqoonyahanka dhabta ahow tusaale(role model) ee ha noqon mid laga cararo aragiisa oo bilaa raxmad ah, bila dhaqan ah, bilaa ixtiraam ah. 6) Aqoonyahanka aanu u baahanahyow, ha noqon mid qolo, magaalo, dawlad, reer, xisbi iyo urur gooni ah ku kooban ee isku day in aad bulshada Muslimka isku si ugu adeegto, adiga oo eegaaya ereyga Tawxiidka. Haddii ay taasi kugu adkaato inta aad isku Afka tihiin si siman ugu wada adeeg.
Wax badan waan jecla in aan idinla wadaago laakin, dagalkan yar ayaan ii samaxayn. Sidaas awgeed wixii aan khaldmay ha la i saxo.
سبحانك اللهم وبحمدك، أشهد أن لا إله إلا أنت، أستغفرك وأتوب إليك
Nabi shucayb ayaa leh "....Ma doonaayo in aan idinka idinka duwanaado(yacni waxaan idin faraayo), waxaan raba in aan idin islaaxiyo intii aan awoodo"
Seddexdaas aayadood qofkasta oo daaci ah waxa loo baahanyahy in uu aad u dhugto. Sidoo kale dadka aqoonta bartay aayaduhu way ku socdan. Aqoonta badh ka mid ah waa dabeecado wanaagsan. Sidaas awgeed aqoonta ha kaydsan uun ee korkaaga haka muuqato, inta aadan dadka u gudbin. Soomaaliduna waxay ku maahmaahda "Ninkaad kabaha ka tolonaysid kabihiisa la eega".
Wali waxaynu ku jirna dhinicii tabnaa ee(negative side), maxaa dhacaaya aqoonta haddii aad qarisid? Masaladanina waa nooc ka mid ah in aad aqoonti dadka la gaadhi wayday, siday doontoba hakaa ahaate. Abu Hurayra ayaa yidhi: "Dadku waxay dhahayaan [Abu Hurayra xadiis badan ayuu wariyay], haddii aanay kitaabka Alle(swt) ku oolin aayadii; xadiis maan wariyeen. Ka dib ayuu akhriyay aayada 159 ee suuratu Al-Baqra:
Sidaas awgeed waxaynu leenahay qofka muslimka ah uma haboona in uu aqoonta qariyo. Nabiguna(scw) waa kii laha xadiiska uu abu Hurayra warinaayo ee Tarmidi iyo qayrkiiba soo saareen "Qofka Cilmi la waydiiyo ee qariya isaga oo garanaaya waxa lagu qabta xagamayaasha naarta". [Tarmidi: 2649]
Maqaalka intii hore oo dhan waxaynu ka soo waramaynay qofk aqoonta Alle(swt) ku galadaytay ee sida taban(negative) u isticmaala. Bal hadaba aynu isla odorosno qofka sida toolmoon uga faa'idaystay. Aqoonyahanadu dhaxalka ugu weyn ee ay ka tagaan waa aqoon, sidaas awgeed maaha dad xoolo buuxsada sida ganacsatada. Waxay ka tagaan dhaxal ma guuraan ah, oo xitaa siduu nabigu(SCW) sheegay marka ay dhintaan u socda.[Muslim:1631 iyo Da'uud: 2880]. Imisaad haantiilayaal taqaanen oo xoolo badan haystay, hadana mudo yar ku kacay. laakin imisaad taqaana aqoonyahan buugg qoray in ka badan 10 qarni ka hor oo maanta lagu dhaqmaayo wixii uu ka tagay. Tusaale, Imamu Bukhaari(AHUN) waxa uu noola 194 ilaa 256 taariikhda Hijriga; dhaxalkii uu xiligaas ka tagay maanta waxa laga jooga mudo ku siman 11 qarni ilaa maanta wax qabadkii uu ka tagay waa laga faa'iday. Iska daayo, waxa uu qoray kitaabka labaad ee ugu badqabka badan marka laga yimaado kitaabka quraanka.
Nabigu(scw) waxa uu leeyahay xadiiska caanka ah ee aad wada taqaanan: "Waxa idinku khayr badan qofka quraanka barta ee bara dadka". Xadiiska labada camal ee khayrka lagu helaayo way isku sidkan yihiin(direct proportional). Waxa kale oo aynu ka qaadan karna in qofka aqoon wax tar leh barta; ka dib dadka ugu faa'ideeya oo bara in uu ka dabo tagaayo khayrkaas xadiisku sheegaayo. Aqoonyahanadii waa weyna ee Salafka waxa laga sheega in ay iska daa wax kale ee ay ku dadaali jirin xadiiska ay maqlaanba in ay hirgaliyaan. Tusaale, Axmad Ibn Xanbal ayaa waxa laga soo wariyaa in uu yidhi "Xadiiska nabiga(scw) maan qorin ilaa waa ku dhaqmay". Axmad sidaad u taqaanan mooye, waxa uu leeyahay kitaabka Musnad Imamu Axmad waana 30,000 oo xadiis; cajiib!!
Hadaba aqoontu oo lagu dhaqma raad noocma ah ayay ku leedahay bulshada dhexdeeda? Aqoontu waa waxyaabaha qudha ee aadamaha hab dhaqankiisa badala. Waliba inagu hadaynu nahay bulsha haysata diinta Islaamka oo ah diinta akhlaaqda iyo qiyamka waa lagama maarmaan in qofka ay aqoontu badasho haddii ay niyado sax tahay. Bal adigu sawiro bulsho wada akhlaaq iyo dhaqan fiican. Bulsho wakhtigeeda, khayraadkeeda iyo qiyamkeeda midna aan ku xadgudbayn maxay soo baxaysa? Aniga ayaa isu jawaabaaye waxay soo baxaysa bulsho miid ah sida malabka ama keedka liinta ah ee loo yaqaan utrujada, ama geedka ay Soomaalidu aadka u taqaano ee geed xamarka, kaas had iyo gooraale shaaha lagu darsado. Waa geed udgoon, shaha marka lagu daran wanaajiya. Dhibta in haysata ayaa waxa ay tahay aqoon inaguma yara ee waxa inaga dhiman dhaqan galintii.
Maanta waxaynu yara milicsanayna xidhiidhka ka dhexeeya aqoonta iyo hirgalinteeda. Ma rabo in aan xayndaabka maqaalka ka baxo, intii awoodayda waxaan isku dayaya in aan mawduuca ku koobnaado. Laakin waa laga yaaba in aan mar-mar adeegsado taariikhda iyo sabbanka lagu jiro xaalada taagan. Waxa ii raad-raac noqonaaya inta ugu badan Quraanka, Sunnada iyo aqoon-baadhista aqoonyahanadu sameeyen.
Aadamuhu wuu karaamaysanyahy, waxyaabaha ugu waaweyn ee karamadiisa ka mid ah waa garaadka. Sidaas awgeed maktabaddu waa hoyga aqoonta, laakin buugga aqoontu ku duugantahay haddii uu waayo cidii hirgalin lahayd aragtiyaha uu sidu waxba ma soo kordhinayso. Waxa kale oo la mid ah qaadka moobilkaaga xogta lagu shubo ma dafiro ee wuu kaydiya. Qofka aqoonta barta ee ayna soo dhaafin kaydiyihiisa waxa uu la mid yahay moobiilkiisa qaadkiisa. Alle(swt) isaga oo qolada inta ay aqoonta baratay ee ku dhaqmi wayday inooga waramaya waxa uu tusaale inooga dhigay yuhuud oo inta kitaabkii tawraad loo soo dejiyay dabada ka tuurtay. Bal aayadan u fiirso[Jumuc: 5]
Aayadu waxay ku tusinaysa dhawr arimood. 1) In yuhuud kitaabka tawraad aanay ku dhaqmin 2) Markii ay ku dhaqmi waayen in Alle(swt) tusaale uga dhigay dameer kutub dusha laga saaray. Dameerku waxa saaran in uu kutub yahay iyo in uu yahay rar ma kala yaqaan, sidaas awgeed waxa la mid ah qofka aqoonti/waxyigii u dambeeyay sida ee aan garanayn qiimaha uu leeyahay. Macnaheedu maaha waan garanaya qiimeheeda, waligaba garo haddii aadan ku dhaqmayn waxaad la mid tahay tusaalaha sare. Alle(swt) waxa kale oo uu inooga waramay in ay iskadaa dameer ee ay xayawaanka ka liitan. [Acraaf: 179]
"Waxaanu naarta u abuurnay in badan oo ka mid ah jinka iyo iinsiga(dadka). Waxay leeyihiin qalbiyo aan waxba fahmayn, waxay leeyihiin indho aan waxba arkayn, waxay leeyihiin dhago aan waxba maqlayn. Kuwaasi waa xoolaha oo kale bal(ka kaalay 'e) way ka liitan. Waxay ku suganyihiin mooganaan"
Aadamihii karaamaysna waa kaas lagu tilmaamay in uu xayawaanka ka liito, Illaahay ayaynu ka magan galnay walaalayaal.
Waxa jirah qolo kale oo ayna is lahayn hadalkooda iyo falalkoodu. Waa dad wax sheegaaya laakin iyagu waxa ay sheegayaan kuma dhaqmayaan. Sidoo kale, wax ayay dadka uu sheegayaan naftooda iyo ehelkooda toona kuma dhaqayaan. Qoladaas isaga oo Alle(swt) inooga waramaaya waxa uu ina leeyahay:
Ibn Cabaas ayaa nin u yimid isaga oo leh waxaan raba in aan dadka samaha faro xumahana ka reebo, ka dib ayuu ku dhahaya ibn Cabaas oo sidaas ma yeeshay adigu. Ninkii wuxu ugu jawaabayaa "waan rajaynayaa(yacni in aan sameeyo)." Markaas ayuu ibn Cabaas odhanaya saddex aayadood oo Quraanka ku yaala ayaan ka baqa in ka ku dhaco. Aayada 1) waa aayada sare. 2) Aayada labaadna waxay ku jirta suuratu Saf aayada 2aad: oo uu Alle(swt) leeyahay:
-استغفر اللّٰه ☁️ - سُبحان اللّٰه ☁️ - الحمدللّٰه ☁️ - لا إله إلا اللّٰه ☁️ - اللّٰهُ أكبر ☁️ - سُبحان اللّٰه و بحمدهِ ☁️ - سُبحان اللّٰه العَظيم ☁️ - استغفر اللّٰه و أتوبُ إليهِ ☁️ - لا حول و لا قوة إلا باللّٰه ☁️ - اللهُمَّ صلِ علىٰ نبينا محمد ☁️ - لا اله الا انتَ سُبحانك اني كُنت من الظالمينَ ☁️ - حسبي اللّٰه لا اله الا هو عليه توكلت وهو رب العرش العظيم ☁️ -لا إله إلا الله وحده لا شريك له له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير
Xuska Alle waa mid kamid ah cibaadooyinka ugu muhiimsan ee diinta Islaamka, waana ficil ku salaysan in la xasuusto Alle (SWT) si joogto ah, oo loogu dhawaaqo magaciisa barakaysan si qalbi leh iyo luqad ahaanba. Alle wuxuu Qur’aanka ku sheegay:
1_waxaa la dhisay masjidkii nabiga ee sharafta badnaa
2_ Waxa la jideeyay aadaanka
3_waxaa cadaawadeeda muujisay yuhuudii madiina daganeed iyagoo islaamka la colaatamaya Munaafiqiintuna way ku garabsiinayeen cadaawadaas
4_wuxu la dhigtay rasuulku balan iyo heshiis dhexdooda yaala oo ah inaanay dhibin nabigaﷺ oo aanu la dagaalamin diintoodana soo fara gashan.
Munaafiqiintana wuxu ku aqbalay waxa muuqda waanu iskaga tagay waxay qarsanayaan ileen munaafiq balaayuu uurka ku haystaaye
5_waxa la ogolaaday dagaalka inay muslimiintu cadawgooda la dagaalamaan
6_dagalaaku wuxu ku bilaamay duulaamo yar yar sababtiisuna waxay ahayd safar qureeshi lahayd oo nabigu jid gooyo ku sameeyay Waxaana dhacay 47 duulaan iyo 27 dagaal
7_waxa dhintay nabiga wllkii xaga nuugmada ay ka walalo haayeen oo la odhan jiray cuthmaan binu madcuum ka dibna nabigu wuxu amray in la rusheeyo qabrigiisa wuxuuuna dul dhigay dhagax uu yiri waan ku aqoonsanayaa qabriga wllkay🌸