Chanelkaan waxa ka heli kartaa
Qoraalo dheeri galin
Xikmado
Sheekeeyin
Qormo qurxoon
Iyo mirtiyo ku saab san nolosha dahbta ah
Mar walba noqo kan nagu xiran
Nagala soo xiriir ๐๐ @Salaadsoomaali
Intaas markaan afka kasoo bixiyay, ayeey ikhlaas ku cel celisay macquul ma ahan waad igu kaftameeysaa sow maahan maahir waxaan iri waa xaqiiq maxaa dhacay, been miyaad igu baratay, ikhlaas wajigeeda aad ayuu isku badalay, waxeeyna gacanta saartay buga iyaddoo aniga iska keey qarineeyso balse waan dareemay, markaas ayaan ku iri maxaa kugu dhacay, abayo iisheeg?
Markaan intaas iri ayeey igu soo eegtay, il naxariis leh hadana weey iga sii jeesatay, waxaan iri ila hadal maxaa kugu dhacay? Kadib ayeey tiri waxba kaliya guriga igeey waxaan iri iga raali noqo hadii aan ku iri ereyo ku dhaawacay adiga waxaan islahaa ka farxi balse ma moodeeyn inaan murugadaada sabab u noqonaayo. Kadib ayeey cod hoos ah igu tiri raali waankaa ahay, markasta. Runtii ereygaas qalbigeyga ayuu taabtay, waxaana ku iri Mar labaad iga raali noqo ikhlaas..
Waxaan is weeydiiyay sababta ay ikhlaas u diiday, ineey wax iisheegto balse waan iskaga aamusay, ilbaabka ayaana kasoo baxay, anigoo ka xumaaday, hadalada ikhlaas habayar ayaanan u imaaday, waxaana usheegay, wixii ikhlaas nakala gaaray, markaas beey igu tiri iska dhaafoo shaqadada iska aad waan arkeeynaa sideey wax noqdaan waxaan iri waayahay, ilasoo socodsii wixii dhaca waana kasoo tagay,
Waxaan tagay, dukaankii waxaana ku iri wiilkii joogay, caawa waa adiga dukaanka waxaana iska aaday, guri udhaw dukaanka oo aan daganaa anigoo aanan weli hurdin kana fikiraayo ikhlaas waxa ku dhacay, ayeey shamso friin iisoo dirtay, waxaan jecleeystay, inaan waco waana wacay, waxaan sheekeeysanay, cabaar waxaana dareemay, in uu xanaaqii iyo fikirkii iga yaraaday, markaas kadib waan iska seexday, si nabada ayaan ku seexday, anigoo iska ilaawayba ikhlaas xaaladeedi.
Waxaan kasoo kacay, subaxdii waxaana iska soo aaday, shaqadeeydi markii la gaaray, galabtii ayaan wacay, ikhlaas balse weey iga qaban weeysya, waxaana wacay, habaryar si aan ikhlaas xaladeeda uga wareeysto waxeeyna iisheegtay, ineey roon tahay, waxaan iri Allaha usiyaadiyo caafimaadka.
Markii la joogay, laba maalin ayaan go.aansaday, inaan xaafadii habaryar aado waxaana habaryar iyo ikhlaasba usoo gaday, dhar qurux badan iyo waxyaabo kale oo badan waxaana soo qaatay, gaarigeyga waxaana imaaday albaabka guriga si kadis ah waliba kadib waxaan gar garaacay, albaabka guriga waxaana iga furtay, ikhlaas markeey indhaha isaartay, waxeey u muuqatay, qof iga naxday, amaba aan ku farxin imaanshaheeyga.
Waan salaamay weeyna iga qaaday, salaanta kadib waxaan weeydiiyay, xaaladeeda waxeeyna iisheegtay, ineey fiican tahay waxaan iri hooyo ma joogtaa waxeeyna igu tiri haa qolka fadhiga ayeey joogtaa waxaan iri mahadsanid habaryar xageeda ayaana soo aaday,
Waxaana salaamay, habaryar waxaana ka wareeystay, xaalada ikhlaas markaas ayeey tiri maalinkii ay xanuunsatay, ilaa hadda guriga kama baxdo mana arkin iyaddoo faraxsan waxaan iri ma weeydiisay, waxa ku dhacay, waxeey tiri waxba iima sheegin
Waxaan iri midaas ayaa dhib ah balse waxaa wanaagsaneeyd in ay wax inoo sheegto waa hadii aan xaaladeeda wax ka qaban karno kadib ayeey tiri habaryar hadda ayaan u yeerayaa wax yar sug waxaan iri waayahay,
Waxeeyna soo waday, ikhlaas markaas beey tiri fariiso halkaan weeyna fariisatay kadib ayaan iri ikhlaasey maxaad naga qarineeysaa oo kugu dhacay, kadib ayeey tiri waxba iguma dhicin soow uma jeedaan inaan fiicanahay, waxaan iri waxaad u muuqataa qof dhib haaysto Waxeey tiri maya adiga ayaa moodo halkii ayeeyna ka istaagtay,
Waanka daba istaagay, waxeeyna u baxday, banaanka markaas baan iri kwrn hadaad magaalka ii raacdo oo aad jawiga soo badalato kadib ayeey tiri ma awoodo midaas
Waxaan iri lkn sabab kadib ayeey tiri marabo inaan baxo waxaan iri waa iga codsi galabta kaliya iraac waxaa macquul ah inaad caadi soo noqotid ee waxeey tiri waayahy waxaana udhiibay, dharkii waxaana iri soo xiro markaas bey tiri hyh hooyo ayaana usheegay, inaan ikhlaas wadaayo weeyna iga ogolaatay,
Waxaan wada raacnay, gaarigii waxaana tagnay, magaalka meelo badan oo qurux badan ayaana kusoo wareejiyay, ilaa hadda hadal kama haayo ikhlaas kadib ayaan weeydiiyay, sidee dareemeeysaa waxeey tiri qalbiga ayaan culeeys ka dareemayaa waxaan iri qalbigaaga waxba culeeys ha saarin ee iisheeg yaa wax kuu dhimay, waxeey tiri cidna wax iima dhimin.
Waxaan dareemay, in ikhlaas wax badan iga qarineeyso waxaana raadiyay, xal aan ku ogaan karo waxa ay iga qarineeyso ikhlaas waxaana go.aansaday, inaan su.aalo badan weeydiiyo.
Waxaana ku iri ikhlaasey wax badan oo aadan ogeeyn ayaa jiro soow ma ogid waxeey tiri iisheeg waa maxay, waxaas waxaan iri adigoo sidaan u murugeysan ma rabo inaan kuu sheego arintaan markaas beey tiri iisheeg caadi ayaan ahaye.
Markaas baan iri waan hubaa inaad ku farxeeyso arintaan waxeey tiri iisheeg waayahaye waxaan iri waxaa soo dhaw arooskeeyga mana kuu sheeggin waayo adiga ayaaba xaalad kale ku sugan.
Waxaad qaban waan ogee Qalbiga baan dhowrayaaye Qilaafka intuu imaan maqal Qalbiga bal ku doortay arag Qof baa kuu baahan garo Nolasha qasab ma aha ee Ax ๐ญ qalbigeyga dhowr ๐
Waxa marlabaad dib u bilaaw nay diiwaan galinta dufcadii labaad ee barashada Course Dropshipping. Waxa qiima dhimis ku sameynay course sidoo kale ardada la qaadana waa kuwa xadidan. Hadii aad dooneyso ina ka mid noqoto iska diiwaan gali WhatsAppkan hoose
Waxay doodi furantaa Ruux kuu daraan jiray Marka aad kudigatee Xaqu kuu duleeyee Allahayow nin daacada Allahayow nin daalina Deeqdaada haw simin Hadraawi
Jacaylkii ikaabaray mar haduu ikaabaday oo aanan bogsoonayn baahina aankuu qabo bidhaan qurux wanaagey balan adag madhiganaa p by khadar ahna ina cabdulaahi cawaaqib miyaan kureebaa aduun iyo camaladiis markii aan ucaloolnuglaaday miyay ii caleen walaysay p by khadar ahna ina c/laahi
Kadib ayeey habaryar tiri orod adigu utagoo ka dhaadhici waxaan iri waayahay, waxaa ku garaacay, qolka waxaan ku iri masoo gali karaa markaas beey tiri haa soo gal kadib ayaan utagay waxaana weeydiiyay, sida loo haayo waxeeyna iigu jawaabtay, waan dhiman rabaa aad ayaan uga naxay, ereygaas
waxaana ku iri maya sidaas ha dhihin ee iisheeg mesha lagaa haayo dhaqtar ayaan ku geeynayaa isla hadda waxeey tiri maya dhaqtar marabo waxaan iri sabab ma waxaa ku haayo xanuun horay kuu qaban jiray, mise wax cusub kadib ayeey tiri intaan oo su.aal ah kama jawaabi karo maahir iska bax fadlan.
Lasoco part:5
follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid