Sida geed cal iyo buur, Carro-hodan ku yaalloo, Cokanoo irmaanoo, Dhirta kale ka caynoo, Hoobaan casuus lihi, Laamaha cusleysoo, Ubaxuna tin iyo cidhib, Kaga dhigay cabbaadhyiyo Dusha sare caleentii Cidhifka is la gaadhaan Biyo wada cabteenoo Haddaan lay cadaabayn Rabbi ii cadhoonayn Dadku inuu ku caabudo Madowgiyo caddaankuba Ku caleemo saaraan Sow kuma canaanteen!
Gacalked ha wayde hadey geenyo kaa hebedo isago haayir nooliba yaqaan reeradkey mirato wiilkii hanqaadaba haduu harabsado fuulo inad heesaha ula baxda so hal gara maaha
Si Daboolan ayuu Abwaanku kula hadley reer gacalkiisa una sheegey inay gabadhan la siiyey Barbaar soo kacayba inay ogoshahay wuxu sheegtey in godob laga galay'
Intii uu soo laayey abtiyaashi, habaryarihiis, soddogyadi, seediyaashi ....dhaanto iyo waglo ha tunto. Ninkii soo laayey dad ay wax walba wadaagaan; dhiig, dhaqan iyo af, diin iyo dal, taarikh iyo timaaddo (mustaqbal) oo mid waliba kan kale dhiiggiisa u haliili oo ku faani. Odayaal, 70, 80 jirro dhahaya: miyey na yaqaanniin reer hebel, taannu ku dhigno waaba la ogaan reer qudhac!
Kuwa labada siyaasi ee qaraabada dhaw ah ugu kala hiilin mid baa habeen ixiga (illeen aragti siyaasadeed oo madax bannaan, sax iyo khalad, ma heli karo).
Su'aashan ha la'iiga jawaabo Soomaaliyeey: goormeynno ka baxaynaa ihaanadan! Ummad laangaab ah (Soomaali) oo dhulkoodii loo hawoonayo, in ay iyaka uuni cadaw isu arkaan. Miyeeynaan joogin 2024 gu' oo kasoo wareegtay dhalashadii Nabi Ciise, caleyhi salaam. Miyeyna fariintii loo soo dhiibay Nabi Muxamad, caleyhi asalaatu wasalaam, ka soo wareegin 1500 gu'.
Ummad qayrkeed ka hadhay, oo ummaduhu ku qoslaan.
Miyey garan waayeen kuwa ka taliya Hargeysa iyo Jigjiga in ay isxigsadaan oo iska kaashadaan amniga, dhaqanka, dhaqaalaha iyo danaha ummadda dambilahana soo wada qabtaan. "illeen doqoni calaf maleh..."