View in Telegram
CAQLI kAABA
๐ง
๐
๐
Aqoonta iyo dhaqangalinteeda.9 Maanta waxaynu yara milicsanayna xidhiidhka ka dhexeeya aqoonta iyo hirgalinteeda. Ma rabo in aan xayndaabka maqaalka ka baxo, intii awoodayda waxaan isku dayaya in aan mawduuca ku koobnaado. Laakin waa laga yaaba in aan mar-mar adeegsado taariikhda iyo sabbanka lagu jiro xaalada taagan. Waxa ii raad-raac noqonaaya inta ugu badan Quraanka, Sunnada iyo aqoon-baadhista aqoonyahanadu sameeyen. Aadamuhu wuu karaamaysanyahy, waxyaabaha ugu waaweyn ee karamadiisa ka mid ah waa garaadka. Sidaas awgeed maktabaddu waa hoyga aqoonta, laakin buugga aqoontu ku duugantahay haddii uu waayo cidii hirgalin lahayd aragtiyaha uu sidu waxba ma soo kordhinayso. Waxa kale oo la mid ah qaadka moobilkaaga xogta lagu shubo ma dafiro ee wuu kaydiya. Qofka aqoonta barta ee ayna soo dhaafin kaydiyihiisa waxa uu la mid yahay moobiilkiisa qaadkiisa. Alle(swt) isaga oo qolada inta ay aqoonta baratay ee ku dhaqmi wayday inooga waramaya waxa uu tusaale inooga dhigay yuhuud oo inta kitaabkii tawraad loo soo dejiyay dabada ka tuurtay. Bal aayadan u fiirso[Jumuc: 5] ู ูุซููู ุงูููุฐูููู ุญูู ูููููุง ุงูุชููููุฑูุงุฉู ุซูู ูู ููู ู ููุญูู ููููููุง ููู ูุซููู ุงููุญูู ูุงุฑู ููุญูู ููู ุฃูุณูููุงุฑูุง}ุจูุฆูุณู ู ูุซููู ุงููููููู ู ุงูููุฐูููู ููุฐููุจููุง ุจูุขููุงุชู ุงูููููู}ููุงูููููู ููุง ููููุฏูู ุงููููููู ู ุงูุธููุงููู ูููู - 62:5 Aayadu waxay ku tusinaysa dhawr arimood. 1) In yuhuud kitaabka tawraad aanay ku dhaqmin 2) Markii ay ku dhaqmi waayen in Alle(swt) tusaale uga dhigay dameer kutub dusha laga saaray. Dameerku waxa saaran in uu kutub yahay iyo in uu yahay rar ma kala yaqaan, sidaas awgeed waxa la mid ah qofka aqoonti/waxyigii u dambeeyay sida ee aan garanayn qiimaha uu leeyahay. Macnaheedu maaha waan garanaya qiimeheeda, waligaba garo haddii aadan ku dhaqmayn waxaad la mid tahay tusaalaha sare. Alle(swt) waxa kale oo uu inooga waramay in ay iskadaa dameer ee ay xayawaanka ka liitan. [Acraaf: 179] ููููููุฏู ุฐูุฑูุฃูููุง ููุฌููููููู ู ููุซููุฑูุง ู ูููู ุงููุฌูููู ููุงููุฅููุณู}ููููู ู ูููููุจู ูููุง ููููููููููู ุจูููุง ููููููู ู ุฃูุนููููู ูููุง ููุจูุตูุฑูููู ุจูููุง ููููููู ู ุขุฐูุงูู ูููุง ููุณูู ูุนูููู ุจูููุง}ุฃูููููฐุฆููู ููุงููุฃูููุนูุงู ู ุจููู ููู ู ุฃูุถูููู}ุฃูููููฐุฆููู ููู ู ุงููุบูุงููููููู - 7:179 "Waxaanu naarta u abuurnay in badan oo ka mid ah jinka iyo iinsiga(dadka). Waxay leeyihiin qalbiyo aan waxba fahmayn, waxay leeyihiin indho aan waxba arkayn, waxay leeyihiin dhago aan waxba maqlayn. Kuwaasi waa xoolaha oo kale bal(ka kaalay 'e) way ka liitan. Waxay ku suganyihiin mooganaan" Aadamihii karaamaysna waa kaas lagu tilmaamay in uu xayawaanka ka liito, Illaahay ayaynu ka magan galnay walaalayaal. Waxa jirah qolo kale oo ayna is lahayn hadalkooda iyo falalkoodu. Waa dad wax sheegaaya laakin iyagu waxa ay sheegayaan kuma dhaqmayaan. Sidoo kale, wax ayay dadka uu sheegayaan naftooda iyo ehelkooda toona kuma dhaqayaan. Qoladaas isaga oo Alle(swt) inooga waramaaya waxa uu ina leeyahay: ุฃูุชูุฃูู ูุฑูููู ุงููููุงุณู ุจูุงููุจูุฑูู ููุชููุณููููู ุฃููููุณูููู ู ููุฃููุชูู ู ุชูุชูููููู ุงููููุชูุงุจ}ุฃูููููุง ุชูุนูููููููู - 2:44 "Dadka ma samaha ayaad faraysan oo naftiinana waad ilaawaysan idinka oo akhrinaaya kitaabka, miyadaan garaad lahayn." Ibn Cabaas ayaa nin u yimid isaga oo leh waxaan raba in aan dadka samaha faro xumahana ka reebo, ka dib ayuu ku dhahaya ibn Cabaas oo sidaas ma yeeshay adigu. Ninkii wuxu ugu jawaabayaa "waan rajaynayaa(yacni in aan sameeyo)." Markaas ayuu ibn Cabaas odhanaya saddex aayadood oo Quraanka ku yaala ayaan ka baqa in ka ku dhaco. Aayada 1) waa aayada sare. 2) Aayada labaadna waxay ku jirta suuratu Saf aayada 2aad: oo uu Alle(swt) leeyahay: ููุง ุฃููููููุง ุงูููุฐูููู ุขู ููููุง ููู ู ุชููููููููู ู ูุง ููุง ุชูููุนูููููู - 61:2 "Kuwa iimaanka laga helayoow maxaad u odhanaysaan wax aydaan samaynayn" 3) Aayada saddexaadna waxay ku jirta suuratu Huud aayada 88; oo uu Alle(swt) leeyahay: ููุงูู ููุง ููููู ู ุฃูุฑูุฃูููุชูู ู ุฅูู ูููุชู ุนูููููฐ ุจููููููุฉู ู ููู ุฑููุจููู ููุฑูุฒูููููู ู ููููู ุฑูุฒูููุง ุญูุณูููุง}ููู ูุง ุฃูุฑููุฏู ุฃููู ุฃูุฎูุงููููููู ู ุฅูููููฐ ู ูุง ุฃูููููุงููู ู ุนููููู}ุฅููู ุฃูุฑููุฏู ุฅููููุง ุงููุฅูุตูููุงุญู ู ูุง ุงุณูุชูุทูุนูุชู}ููู ูุง ุชููููููููู ุฅููููุง ุจูุงููููู}ุนููููููู ุชููููููููุชู ููุฅููููููู ุฃููููุจู - 11:88
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start