*اسلام عليكم ورحمة الله وبركاته*
Channelkaan waxan kuso gudbin doona
Wax walba oo kheyrka ku sabsan sido kale waxan soo gudbin dona suaalo diini iyo kuwa cilmi ah
Sido kale waxan soo gudbin dona xikmado io dhira galin kusaabsan nolosha
Welcome 🤍
Maalinka kowaad ee safarkaa waxa ugu horeeyo Aad sameeneso Waa duco in illahey uu ku hanuuniyo sidoo kale inaa toosnaatid inaa ku ducesaato si niyad. Anaga ma is hanuuni karno marka markaa ducada ka bilaaba. Adina duceyso Dadka kaleena uducee.
°• السَّعادة الحقيقية أن تعيش في طاعة الله وأن تعيش وأنتَ صاحب أفق واسع ورؤية عظيمة تسير فيها على نور وليس على هوى من النفس! |°•🤍🍁 -جعلنا الله من أهل السعادة في الدنيا والآخرة.
°• Farxada dhabta ahi waa in aad ku noolaato addeecida Alle iyo in aad ku noolaato aragti ballaaran iyo aragti weyn oo aad ku socoto nuurka iyo hanuunka Alle ee aanad ku socon rabitaanka nafta! | 🤍🍁
- groupka waxuu inoo bilaabana 4/1/2024 haduu alle nagaarsiiyo iyo safar cusub .
- inta ka horeeso waxaa qof walba masuuliyad ka saaran inuu gaarsiiyo dad ka kale .. aniga hal qof ayaan ahay intaa gaarsiin karo waan gaarsiina adinkana qayb ka noqda . TikTok . Whatsapp . Iyo meel walba iyo qof walba wanaag jecel haloo sheego .
- ujeedkeena inuu dhab ahaado kaliyana maalmo in aan la xiiseyn . Dadaalkana in wax,lagu daro mooye in aan la yareenin .
- waxaa la sameyn doona : chalange 90 maalmood
Kaliyana 90 gaas waa tiro kadib 90 kaas maalmood xitaa groupka wuu socona lkn maalmahaas waa tarbiyeyn iyo safar aan markaas ku hagaajineeno nafsadeena .
- 90 ka maalmood : maalin walba hal qiso | sheeko . Iyo hal talllabo . Waxayna noqon doonan 90 sheeko iyo 90 tallaabo . Sidoo kale 90 xadiith . Sidoo kale 90 suaal iyo jawaabahood . 90 mawduuc . 90 fariin . Iyo in badan kale ..
Barnaamijyada la sameyn doono :
Tartamo . Quraan . Suaalo . Iyo kuwa kale oo kasii qurux badan .
Barnaamijyo soonkii ah .
- jadwal . Kaaso aan dhamaanteena isla sameen doonno . streak waa taqaanin soomaha ? Sidaas oo kale ayaa la rabaa in loo ilaaliyo .
Anigana hal qof ayaan ahay . Marka shaqada koowad waa inaa dad ka kale gaaarsiisan . Aniga shaqadeedana waxay tahay inaa waxaa soo sheegay oo dhan aan diyaariyo . Sidoo kale dadka soo gudbina lahaa idin keeno dad badan ayaa ka qayb qaadan doono . Insha allah haduu alle nagaarsiiyo 💕
- meeshaan dad is naqaano iyo kuwa aan is aqoonin intaba way joogaan . Ilaah ayaana inta nagu kulmiyay marka ilaahey swt jannadiisa hanagu kulmiyo 📜💕
Aakhiro markuu ka hadlayay wuxuu yiri وَسَارِعُوا إِلَىٰ مَغْفِرَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ "u soo degdega dembi dhaaf xagga rabbi ka ahaaday". ilaa uu yiri " ففروا إلى الله " u soo carara xagga Rabbi".🤍☝🏽🥺
Marka waxay kala tahay socod iyo orod. Ilaah ha na fahamsiiyo axbaabi☝🏽🤍🫶🏼💗
“Illaahayoow waxaan kaa magan-galay shan arrimood: naf aan waligeed dhergin, qalbi aan Alle ka cabsanayn, cilmi aan faa’iido lahayn, iyo salaad aan la aqbalin, Waxaan sidoo kale kaa magan-galay ducada aan la aqbalin. illaahayoow, waxaan ku weydiisanayaa fudeed, culayska kadib (dhibka iga qaado) ………
…….Adigaan kuu toobad keenayaa, dambi dhaafna kaa weydiisanayaa.”
( Ducadani waxay tusineysaa tawakulka iyo toobadda qofka Muslimka ah inuu Alle kaliya ka baryo wax kasta oo ku saabsan adduunka iyo aakhirada, isaga oo Alle ku tiirsan iyo inuu qirto nimcada Rabbaaniga ah ee la siiyay. )