#Qisada: 24aad
Laba nin oo indha la ayaa fariistay wado ay mari jirtay nin boqor ah xaaskiisa ogaal ay u qabeen deesinimadeda.
Mid ka mid ah wuxu dhihi jiray: "ilaahow deeqsinimada igu arzaaq".
Midka kalana wuxu dhihi jiray: "ilaahow igu arzaaq deeqsinimada xaaska boqorka".
Boqorka xaaskiisana hadalkodii way maqashay, kii deeqsinimada alle wax ku dalbaday waxay u soo dhiibi jirtay labo dirham, kan deeqasinimadeda wax ku dalbadayna waxay u soo dhiibi jirtay dooro (digaag) duban calooshedana ay ku jirto 10 diinaar.
Ninkii doorada loo soo dhiibi jiray dooradiisa ninkii labada dirham ayuu labo dirham kaga iibsan jiray maalin walba, waliba isagoon war u haynin waxa gudaheda ku jira, arintaasna waxay socotay 10 maalmood.
Maalinkii damba waxa u timid boqorka xaaskisa, waxayna waydiisay kii deeqsinimadeda wax ku dalbaday: deeqsinimadena kuma taajirin miyaa?
Wuxu yiri: maxad ula jeedaa!?
Waxay tiri: 100 diinaar 10 maalmood gudahooda aad ku heshay.
Wuxu yiri: maya, doorada waxa 2 dirham kaga iibsan jiray ninkii labada dirham.
Way qosashay waxayna tiri:
Waxad wax ku dalbatay deqsinimadena balse ilaahay baa ka xarimay, kaasna wuxu wax ku dalbaday deqsinimada alle, alle ayaa siiyay hodonna ka dhigay.
━━━━━━━━━━━━━━━━
#Xikmada:
Qofkii cuskado dadka wuu dulloobaa waxna kuma helo, qofkiise alle cuskada ma dulloobo mana ku qadayo.