SHEEKO GAABAN
DABIN-DAABYO JACEYL
โฅ๏ธ๐๐โค๏ธโ๐ฉน ... ( Part
3โฃ)
" Wiilkeygi Xasanoow waxa aan rabaa hada kadib in aad mustaqbal yeelato, oo aan inta aan dhiman ka hor arko ubad aan ayeeyo u ahay, waxaana kuu dooray gabadha uu abtigaa dhalay . Waxaana doonayaa in aad ducadeyda qaadato oo aad aqbasho gabadhaa guurkeeda" .
Xasan oo amakaak dartii afka kala tagay baa wax hadal ah, dhihi waayey hooyadii . Intuu dhinacyada eegay buu madaxa ruxay diidmo ama yeelid wax uu ka wadayna lama fahmi karin. Intaa kadibna istaagay oo deg deg u galay qolkiisa. Sariirtii buu isku tuuray oo murugo la jiiftay, xasuus jaceyl buu dhex dabaashay, waayihii wacnaa buu dib u milicsaday, jaceyl xanuunkiisa qofkii maray baa garanayee xasan ilmadan wuu ceshan waayey . Markuu cabaar joogay bay ku so dhacday in uu sheego gabadha Maryama ah waxa soo kordhay .
Fariin dheer buu u qoray isaga oo wax walba sida ay u jiraan u sharxay . Nasiib wanaag se Maryama wax walba way ka war heysay oo waxay ku tiri: "Xasanoow wan ogahay wax walba ee iga daa ilmadan beenta ah, waana kugu hambalyeynayaa aroos in aad galeyso oo aad aqbashay . Hadalkaaga ma doonaayo in aan dhageysto, waayo niyada ayaad iga jabisay, dareenkeyga ayaad ku ciyaartay, kalsoonidayda Baad dhaawacday . Fadlan hadaad ixtiraam ii heyso amaan isii oo daqiiqad kale ha isku dayin inaad isoo raadiso "
Waxaa la yiri: " Nin dabeyl heyso dab baa loogu daraa, ha darsadee" xasan waxa uu noqday dherigii labada dhinac ka gubtay . Reerkiina dhan bay ka heystaaan, lamaantiisina garabkiisa way ka baxday . Adduunyadu Marna way ku siisaa Marna way ku diidaa .
Xasan oo talo ay ku cadaatay ayaa bilaabay in uu qanciyo lamaantiisa, waxa uu yiri: Xabiibti arintaan cawa bay dhacday, isla hada ayaana kula wadaagay ee sidee ku ogaatay ? Yaa kuu sheegay ? ii sheeg qofka sedexaad ee dhexdeenna ku jiraa gacaliso ?
Maryama ayaana ku jawaabtay: Maxaad ka dooneysaa ruuxa ii sheegay ? Waan ogaa inaad tahay beenloow aan run aqoon inaad tahay . Qiyaanadaadana way soo baxday hadana looma baahna inaad waqti iska lumiso aniga Kuma garanaayo walaal .
Markey maryaan halkaa hadalka marsineyso buu xasan yiri: gacaliso I aamin wax walba sida ay u jiraan waan kula wadaagay. Xiriirkeenna fadlan ha burburin oo adigoo wax hubsan go'aan ha ka qaadan, waan ku baryaa Maryama aniga aad baan kuu jeclahay
โค jaceylka an kuu qabana ma jiro ruux aadana ah oo kuu jeclaan doono . Nolashu waa maalma koobane nabsi ha iga galin .
Intaa kadib Maryama ayaa khadka xirtay oo inta ay xasan warkiisa iyo murugadiisa ku caajistay Tv-ga shidatay . Waxaana ay daawaneysay mid ka mid ah Tv-yada soomaaliyeed hees baana ku jirtay ay ku luuqeyso Binti Cumar Gacal .
Hadaan bogsadoo ka raysto
Sidaan ugu booday caashaq
Hadaan baxsanoow iraahdo
Balaayaba ha iga raacdo ....
Maryama ayaana si aad ah ula qaadeysay heesta . Waxa aadna moodaa in ay ku nafistay oo heestaba ay u tahay wehel ama ruux la dareen ah uu qoray erayada.
La soco qeybta sedexaad ee sheekadii ( Dabindaabyo Jaceyl )
i.a gor dhow Waso dhigi doona part
4โฃ๐ฏ๐Hadaad xiiseyso qisooyinka jaceyl, love saar, comment-ga nagula wadaag aragtidaada . Mahadsanid
โค @Abdullahidhaqane meshas hala boqdo asxabeyyyy
๐ซก