Codsi yar ayaan wata oo ah mar hdi aad aragto postivana ama qornadan si naxarisleh ugu duce walalahen in u alle dhibtas ka dulqado wlahi waa ay dhibtoden ee U duce wll intas u awoodna ๐๐ข๐ข
Diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa maanta 4 xasuuq ka geysatay bartamaha magaalada Gaza. Wazaarada caafimaadka ayaa sheegtay in isbitaalada la geeyey in ka badan 300 oo ruux oo shuhado iyo dhaawac ah. Sawirada laga soo qaaday goobaha ay duqeymaha ka dhaceen ayaa muujinayey dhismayaal badan oo ay burburisay duqeynta cadaawadeed ee Yahuudda.
Intuu Sucad lugaheeda fadhiistay ayuu dhahay Aniga Gabarnimo kuguma jecleyn ee adiga ayaan ku jeclaa waxaad adiga sameeysay ayaan kugu naceynin, tani waaba Qaddar Alle, si kastoo aad tahay ayaan kugu jeclahay, waana ku jeclaan doonaa, inta nolosheyda ka dhiman tahay, arinkan inaad mar hore ii sheegto ayey aheyd Adiga oo Murug is gelin.
Sucaad waxaa lama filaan ku noqday hadalka Saacid iyo eida dareenka leh uu iyada u fahmay, aad ayeyna u faraxday, waxeyna dareentay Culeys badan inuu ka degay.
Sucaad ayaa Saacid ku tiri: Hadaan moodayo inaad sidaa fudud i fahmeyso mar hore ayaan kuu sheegi lahaa Gacaliye.
Saacid sidey Sucaad fileysay ma uusan noqon ee wuxuu noqday sidii lagu yaqaanay Ninka Geesiga ah ee jaceylka dhabta kuu qaba, oo sidaad tahay kugu raba, raalina kaaga ah, kuna fahmi kara, si walbooy ahaataba.
Markey arintii Sucaad ay ka wada hadleen ayey haddana ka hadleen arinkii Guurka iyo Xilligii Meherka. Sucaad ayuu ku dhahay waxaan rabaa inaad areerka u sheegto si aan anigana Howsha u bilaabo.
Haye ayey dhahday Sucaad aniga ayaa Aabo iyo Reerka u sheegaayo, wax walba si kheyr leh ayeynw inoogu dhamaan doonaan, waana xilligi aan tegi lahaa Guriga ayey tiri.
Sidii ayey guriga ku timid iyadoo farxad Cirka mareysa, Saaxiibadeeda ayey wacday, una sheegtay sida ay wax u dhaceen iyo arintii iney meel fiican ku dhamaatay.
Saaxiibadeeda ayaa ughambalyaysay Farxada iyo Guurkaba, Sucaad ayaa Saaxiibadeed ku tiri: Saaxiibeey ma aqaan Abaalkaaga sidaan kugu gudi doono, Boos weyn ayaad ii buuxisay Xilligii Dhibta iyo Murugada i heysatay. Kolkaas ayey ugu jawaabtay:- May aniga keliya Saaxibtinimadw ayaan gudanaayay waxba kuuma sameyn intais iyo ka badan ayaan isku leenahay Sxb.
Sucaad habeenkii farxad darteed ma seexan, sido kale Saacid waa la mid oo aad ayuu ugu faraxsan yahay inuu Hanti doono Sucaad.
Waagi ayaa beryay waa maalin aad u Qurux badan oo ka duwan maalmihii hore, Sucaad Aabaheed iyo Hooyaded ayay Subaxi arintii u sheegtay, wuxuuna Arinkii noqday mid leysla qatay oo Guul ku dhamaada.
Sucaad iyo Saacid halkii ayay ku noqdeen Reer oo nolosha ku wadaageen, Farxad iyo Nolol Cusub ayaana u bilaabatay. Farxadaas awgeed Sucaad waxaa halheys u noqday oo ay laheyd hal erey oo ahaa, (Nasiibkeygaan ku helay, Wiil Alle ugu deeqay Caqli iyo Naxariis).
Dhammaad.
Lasocoshadina iyo la janqadkina waku mahadsantihin haben wnagsan iyo sheko cusub idin bila Hadu alle idmo asxebyyy๐ฆ๐ซถ๐ฏโค๏ธ
Waxa uu ku shaqaysan jiray faaliyenimo laakiin faaliye Ma ahayn ee danta ayuunbaa ugaysay in uu shaqo kadhigto wax aanu garanayn.
Kadib Madaxwaynihii waddanka uu joogo katalin jiray ayaa amray in loo yeedho dhammaan faaliya yaasha si,uu uwaydiiyo sanadka soosocda waxa uu noqondoono.
Kadib faaliya yaashii waa ay baqeen oo nafahooda ayaa ay u cabsadeen hadiiba warka ay sheegaan uu sidii ay usheegeen udhici waayo in madaxwaynahaasi uu layndoono ayaa ay xisaabta ku darsadeen .
Ruuxn qasab kuma lihid inu kula hadli ama aad jawab ka sugto blse waxad ku ledahy qasb in aad adig hadlkag klimeyso si aan lagu dhibsan oo cidn haka sugan hadl ama jawab๐๐ข
Waqtigu wuxuu is guroba waxaa la soo gaaray Xilligi ay ku balameen Meherka Maalin keliya ayaa ka dhiman Sucaad waxey Nafteeda ku qancisay iney Wax walba u sheegto Saacid.
Saaxiibadeed ayey wacday waxeyna ku tiri:- Waqti ma heysto, waxaan rabaa inaan arintii Saacid u sheego, Ilaheyna kheyr haka dhigee.
Saaxiibadeed ayaa ku tiri:- Waa si fiican u sheeg Adiga wax dembi ah ma lihid, ku talagalna uma sameeynin, Qaddar Alle ayuu ahaa, si uusan hadhow kuu rhihin waad iga qarisay.
Sucaad dhiiri gelin ayey ka qaadatay Hadalka Saaxiibadeed, Haye ayeyna ku tiri Caawa ayaan la kulmayaa Wax walbana Khayr ayey noqon doonaan.
Maanta waxaad moodaa Sucaad wax walbo ay ku dhiiraneyso, iney la wadaagto Saacid, halki ayey maalintii jawi caadi ah iska gashay, Nafteeda weyba Ilowday sidey Fikir ugu jirtay, balse waxey bilowday is qurxin oo waxey marsatay Huruud iyo Cilaan, Farxadna wey dareemeesay.
Markey noqotay goor Casar ah ayey wacday jaceylkeedii Saacid, wey is Xaal wareysteen, ka dib ayey ku tiri Gacaliye Caawa waxaan rabaa inaan is aragno Arin muhiim ah ayaan rabaa inaan kuu sheego, Saacidna wuu ka Aqbalay.
Saacid Howlo u lahaa Xilligaas ayuu dib u dhigtay, isagoo is weydiinaaya Tolow maxaa jira na arintii Meherka ayaa dhib ku imaan doona?. Isagu wuxuu ku fikiraa Sucaad maxay ku Sheegi doontaa?.
Waxaa la soo gaaray Xilligi Balanta Sucaad iyo Saacid, wey isku yimaadeen, markey Gaariga soo fuushay ayuu ku yiri Sucaad Aniga naxdin ayaan dareemayaa ee ma Arinta Guurkeena ayey Reerkiinu diideen
Sucaad ayaa ku tiri May arintaas Weli Familka uma sheegin, sababtoo ah, Aniga arinta i heysata ayaa igala weyn wax kasta. Intuu yaabay ayuu ku yiri: Arintaas ku heysata waamaxay,?, Markaas ayey ku tiri soo deg aan Fadhiisano. Cabaar markey joogeen ayuu Saacid ku yiri Sucaad Iigu dhaqso hadalka oo ii sheeg
Sucaad waxaad moodwa iney wad u naxsan tahay, Halkeen ka Bilaawaa iyo maxaad ku hadli ayay is weydiineysaa, iyadoo kolba ku leh Sug anaa kuu sheegiye.
Cabaar markey Aamusneyd ayey ku tiri:- Arin ayaan muddoba kaala Cabsanaayay, waxaa jira maalin aan banaanka u baxay, ayaa waxa ihu dhacay wax aanan filaneyn, Aniga oo Suuqa u socda oo aan sii kaxeysan darawalka Guriga, oo aan taksi raacay ayaa marki aan kaga degay taksiga meel suuqa u dhow oo aan Saaxiibtay ugu tagaayay ayaa waxaan arkay Wiilal i daba socda Aniga tuugo ayaan u maleeyay.
Cabaar ayuu i daba socday Anigaba isma dareensiin inaan arkaayo, ka dib waxaan is lahaa keliya alacagta iyo Mobeilka ayuu kaa qaadan doonaa, kadib Wiilal kale ayaa meel ka soo baxay, waxwan fahmay iney isla socdaan, waan yara talaabo dheereeyay, wax yar ka dib mid ayaa Afka i qabtay markaas ayaa Miyir igu dambeeyay. Ka dib markey dantey lahaayeen iga dhameysteen, ayey iga tageen, waxaan soo kacay Aniga oo aan aqoon sidaan ahay, aniga wan iska Xishooday waxaan arkay inaan bilaa dhar ahay, wixi dhacayna waan fahmay halkii ayay Nolol murug leh igu bilaabatay. Sucaad intey hadalka uga Sheekenaysay Saacid wejigiisa wey eegi weyday.
Marka aad qaan gaartahay, waa muhiim inaad taxaddar badan muujiso gaar ahaan marka aad rag la sheekeysaneyso. Rag badan waxa kaliya ee ay u jeedaan waa inay danahooda gaarka ah ka fushadaan, mana ahan kuwo ku jecel si dhab ah. Waxaa muhiim ah inaad:
1. Naftaada ilaaliso: Ha ogolaan in rabitaankaaga uu kugu kallifo inaad qof ku aaminto si fudud.
2. Ka taxadar: Ragga qaar waxay ku muujinayaan jacayl iyo dulqaad, laakiin ujeedkooda rasmiga ah waa damac iyo dana gaar ah eey kaleyihin.
3. Maskaxdaada isticmaal: Ha u ogolaan qof inuu ka faaโiidaysto kalsoonidaada, waayo mar haddii ujeedkooda ay gaaraan, naxariis kama sugi kartid waxey kula dhaqmayan bila naxariis.
4. Xasuusnow: Waxaa jiraan rag wanaagsan, laakiin way yaryihiin. Ha ogolaan inaad ku dhacdo dabinnada rag xun, iyo inaad qof ka noqoto mid aan qiimo lahayn.
Alle talo saar, naftaada dhowr, waana inaad mar kasta xusuusnaataa inaad mudan tahay in lagu ixtiraamo.