Adiga ayaa go'aaminaya sharaftaada Ha dhayalsan naftaada marka aad aragto wanaagga dadka kale Haddii qiimaha lagu cabbiro miisaanka, dhagaxyadu way ka qaali badnaan lahaayeen dheemanka
Hadaad ogtahay sida degdega ah ee dadku kuu iloobi doonaan markaad dhimato ka dib Noloshaada uma noolaan doontid inaad cidna ka farxiso oo aan Ilaah ahayn..!
Marnaba haka tagin salaada si kasto danbiyadaadu u badatan Marki aad waysaqadanayso sidi dhalinyar firfircon u dhaqan oo firficooni iyo nashaad ku waysaqaado marka aad tukanaysana sida wayeel caajiz ah yacni o da'ah tartiib u tuko marka allah aad baryaysana sidi cunug yar u ooya u bari adigo raxmada alle rajayna
Qofku waxa uu gali karaa quluubta dadka kale isaga oo aan hal eray ku dhawaaqin. Hab-dhaqankiisa oo ka hadlaya sifooyin suubban iyo akhlaaq wanaagsan ayaa isaga ku filan.