Nin Boqor ahaa ayaa wuxuu lahaa Meel ay ku Xareysan yihiin 10 Eey oo Dad cun ah, Qofkii Dambi Sameeya ayaa lagu Dhex Tuuri jiray meesha ay Reyuhu ku jiraan.
Maalin Maalmaha ka mid ah Nin Shaqaale u ahaa Boqorka oo u Shaqeynayay Muddo 10sano ah ayaa Dembi Galay, kadib wuxuu Boqorkii Amray in Ninkaas lagu Tuuro Eeyaha Xeradooda.
Ninkii ayaa ka Codsaday Boqorkii in la siiyo Fursad 10 Maalmood ah, ka hor inta aan la Dilin, Codsigiisana waa laga Ogolaaday.
Ninkii wuxuu Aaday meesha Eeyuhu ku jiraan, wuxuuna Weydiistay Ninkii Eeyahay Xanaaneynayay oo Eeyaha Masuulka ka ahaa, inuu mudo 10maalmood ah ka Shaqeeyo meesha oo uu Eeyahay Xanaaneeyo, Ninkii Eeyahay Masuulka ka ahaana wuu ka Aqbalay Dalabkiisa.
Wuxuu Bilaabay inuu Eeyahay Quudiyo, la Ciyaaro, isagoo ugu Dambeyn ka Dhigtay Saaxiib ay aad u Jecel yihiin.
Waxaa la Gaaray Mudadii la Dili lahaa Ninkii, waxaana lagu Dhex Tuuray Halkii ay Eeyuhu ku jireen, balse waxaa Boqorkii iyo Dadkii u soo Daawasho Tagay Ciqaabta Ninka ay layaab ku noqotay in Eeyihii oo Dhammi Ninkii ku soo Ordeen oo ay Bilaabeen inay Korkiisa Fuulaan oo Hareerihiisa Istaagaan ayagoo aan Wax Dhib ah u Geysaneyn.
Boqorkii ayaa Weydiiyay waxa uu Eeyaha ku Sameeyay, Ninkii wuxuu ugu jawaabay:-
Eeyahaan waxaan u Shaqeynayay Muddo 10maalmood ah, mana aysan iloobin Abaalka aan u Galay, balse Adiga waxaan kuu Shaqeynaayay Muddo 10sano ah, Hal Maalin oo aan Qalad Galay ayaad ku iloowday Abaalkii aan ku soo Sameynayay 10kii sanno.
****
XIGMADA SHEEKADA WAA: Haddii uu Qof Qalad kaa Galo, Xanaaqu yuusan ku Gaarsiin inaad Hilmaanto Abaalkii iyo Wanaagii badnaa ee Qofkaas hore kuugu Sameeyay
https://t.center/TALOOYINKANOLOSHA24