Nabi shucayb ayaa leh "....Ma doonaayo in aan idinka idinka duwanaado(yacni waxaan idin faraayo), waxaan raba in aan idin islaaxiyo intii aan awoodo"
Seddexdaas aayadood qofkasta oo daaci ah waxa loo baahanyahy in uu aad u dhugto. Sidoo kale dadka aqoonta bartay aayaduhu way ku socdan. Aqoonta badh ka mid ah waa dabeecado wanaagsan. Sidaas awgeed aqoonta ha kaydsan uun ee korkaaga haka muuqato, inta aadan dadka u gudbin. Soomaaliduna waxay ku maahmaahda "Ninkaad kabaha ka tolonaysid kabihiisa la eega".
Wali waxaynu ku jirna dhinicii tabnaa ee(negative side), maxaa dhacaaya aqoonta haddii aad qarisid? Masaladanina waa nooc ka mid ah in aad aqoonti dadka la gaadhi wayday, siday doontoba hakaa ahaate. Abu Hurayra ayaa yidhi: "Dadku waxay dhahayaan [Abu Hurayra xadiis badan ayuu wariyay], haddii aanay kitaabka Alle(swt) ku oolin aayadii; xadiis maan wariyeen. Ka dib ayuu akhriyay aayada 159 ee suuratu Al-Baqra:
ุฅูููู ุงูููุฐูููู ููููุชูู ูููู ู ูุง ุฃููุฒูููููุง ู ููู ุงููุจููููููุงุชู ููุงููููุฏูููฐ ู ูู ุจูุนูุฏู ู ูุง ุจูููููููุงูู ููููููุงุณู ููู ุงููููุชูุงุจู}ุฃูููููฐุฆููู ููููุนูููููู ู ุงูููููู ููููููุนูููููู ู ุงููููุงุนูููููู - 2:159
Sidaas awgeed waxaynu leenahay qofka muslimka ah uma haboona in uu aqoonta qariyo. Nabiguna(scw) waa kii laha xadiiska uu abu Hurayra warinaayo ee Tarmidi iyo qayrkiiba soo saareen "Qofka Cilmi la waydiiyo ee qariya isaga oo garanaaya waxa lagu qabta xagamayaasha naarta". [Tarmidi: 2649]
Maqaalka intii hore oo dhan waxaynu ka soo waramaynay qofk aqoonta Alle(swt) ku galadaytay ee sida taban(negative) u isticmaala. Bal hadaba aynu isla odorosno qofka sida toolmoon uga faa'idaystay. Aqoonyahanadu dhaxalka ugu weyn ee ay ka tagaan waa aqoon, sidaas awgeed maaha dad xoolo buuxsada sida ganacsatada. Waxay ka tagaan dhaxal ma guuraan ah, oo xitaa siduu nabigu(SCW) sheegay marka ay dhintaan u socda.[Muslim:1631 iyo Da'uud: 2880]. Imisaad haantiilayaal taqaanen oo xoolo badan haystay, hadana mudo yar ku kacay. laakin imisaad taqaana aqoonyahan buugg qoray in ka badan 10 qarni ka hor oo maanta lagu dhaqmaayo wixii uu ka tagay. Tusaale, Imamu Bukhaari(AHUN) waxa uu noola 194 ilaa 256 taariikhda Hijriga; dhaxalkii uu xiligaas ka tagay maanta waxa laga jooga mudo ku siman 11 qarni ilaa maanta wax qabadkii uu ka tagay waa laga faa'iday. Iska daayo, waxa uu qoray kitaabka labaad ee ugu badqabka badan marka laga yimaado kitaabka quraanka.
Nabigu(scw) waxa uu leeyahay xadiiska caanka ah ee aad wada taqaanan: "Waxa idinku khayr badan qofka quraanka barta ee bara dadka". Xadiiska labada camal ee khayrka lagu helaayo way isku sidkan yihiin(direct proportional). Waxa kale oo aynu ka qaadan karna in qofka aqoon wax tar leh barta; ka dib dadka ugu faa'ideeya oo bara in uu ka dabo tagaayo khayrkaas xadiisku sheegaayo. Aqoonyahanadii waa weyna ee Salafka waxa laga sheega in ay iska daa wax kale ee ay ku dadaali jirin xadiiska ay maqlaanba in ay hirgaliyaan. Tusaale, Axmad Ibn Xanbal ayaa waxa laga soo wariyaa in uu yidhi "Xadiiska nabiga(scw) maan qorin ilaa waa ku dhaqmay". Axmad sidaad u taqaanan mooye, waxa uu leeyahay kitaabka Musnad Imamu Axmad waana 30,000 oo xadiis; cajiib!!
Hadaba aqoontu oo lagu dhaqma raad noocma ah ayay ku leedahay bulshada dhexdeeda? Aqoontu waa waxyaabaha qudha ee aadamaha hab dhaqankiisa badala. Waliba inagu hadaynu nahay bulsha haysata diinta Islaamka oo ah diinta akhlaaqda iyo qiyamka waa lagama maarmaan in qofka ay aqoontu badasho haddii ay niyado sax tahay. Bal adigu sawiro bulsho wada akhlaaq iyo dhaqan fiican. Bulsho wakhtigeeda, khayraadkeeda iyo qiyamkeeda midna aan ku xadgudbayn maxay soo baxaysa? Aniga ayaa isu jawaabaaye waxay soo baxaysa bulsho miid ah sida malabka ama keedka liinta ah ee loo yaqaan utrujada, ama geedka ay Soomaalidu aadka u taqaano ee geed xamarka, kaas had iyo gooraale shaaha lagu darsado. Waa geed udgoon, shaha marka lagu daran wanaajiya. Dhibta in haysata ayaa waxa ay tahay aqoon inaguma yara ee waxa inaga dhiman dhaqan galintii.