Gabadhu waa noole ninka si walba uga geddisan, oo ma aha qaabdhismeedka jidhka oo keliya ee xataa qaabdhismeedkiisa nafsadeed kaga geddisan. Ninkuna sidoo kale. Ilaahay waxa uu isugu abuuray si ay isu dhammays tiraan, haddii ay isku mid noqon lahaayeenna waxa ay u kala firdhan lahaayeen sida labada cidhif ee birlabta ee isku midka ahi ay u kala cararaan marka la isu soo dhoweeyo, se way isu soo oomaan oo way isa soo dhoweystaan, maadaama uu mid waliba hayo wax ka kale ka dhiman.
2: "Cadowga ugu weyn ee Islaamku waa muslimka jaahilka ah. Kaas oo xanaaqiisa iyo xamaasadiisa ku samaynaya, falalka sumcad-darrada usoo jiidaya Islaamka. Dadka kalena marka ay arkaan, waxay moodayaan inuu Islaamku yahay isaga oo kale."
-Sheekh Axmed Diidaat
3: "Anigu Muslim baan ahay, Islaamkuna waa diin dhamaystiran. Laakiin, anigu ma ihi insaan dhammaystiran. Haddii aan gef ku dhaco Islaamka ha canaananina, ee aniga i cansanta."
-Sheckh Axmed Diidaat
4: "Qofka gudaha ka wasakhaysani, ma suuraysto in ay jiraan dad wanaagsani."
-Sheekh Axmed Diidaat
5: "Dadka kuwa ugu dhaqanka xumi waa, kuwa marka ay kaa cadhoodaan wanaaggaaga inkira, sirtaada faafiya, noloshaadana diida, wax aanad ahaynna kaa sheega."
-Sheekh Axmed Diidaat
6: "Annagu ma nihin, kuwa ka dib dhacsan reer Galbeedka. Balse, waxaynu nahay kuwa ka dib dhacsan Islaamka.
Haddii aad i weydiiso dareenka ugu wanaagsan adduunka, waxa aan ku leeyahay, waa in aad dareento in aan lagu dhayalsanayn
In aad meel aamin ah ku jirto xataa haddii aad gefto.
In lagu fahmay xataa haddii erayada aad sheegaysaa ay isku dhexyaacsan yihiin oo aadan si qumman u odhanin.
In aanay wax lagugu doorsanayaa jirin, xataa haddii xaalku uu kugu xumaado oo gudaha aad xasillooni darro ka dareemayso.
Iyo in aan lagaa tegaynin, xataa haddii aad dareemayso in aad u baahan tahay naftaada in aad ka tagto!
Saaxiib; ma jiraan wax ka wanaagsan in aad ogaato, in mar walba laabtaada la xasilinayo, ilmadaadana la masaxayo si kasta 00 ay duruufuhu noqdaanba, gacantaadana aan la sii deyneyn si kasta oo xaalku uu u qadhaadhaado.
Saaxiib; ma jiraan wax ka wanaagsan in aad hesho qofkii ku odhan lahaa: "adiga ayaa mar walba kaalinta koowaad ii jooga, wax walbana adiga ayaa agtayda kaga mudan, xataa naftaydana ku dheh oo!"
Oo waliba aan ku ekaynin hadal uun, ee aad habdhaqankiisa iyo ficilladiisana ka aragto, oo uu raaxadaada tiisa ka hormariyo, badhaadhahaagana uu kiisa ka horraysiiyo, xataa haddii uu ogaado arrin adiga kuu roon, isagana u daran, dooranaya in uu adiga kaa farxiyo, haba murugoodo isaguye!
Saaxiib; ha ii malayn in aan ka badbadiyay, dadka jaadkaas ahi waa dhif iyo naadir, laakiin way joogaan'e!
Ha ii malayn in aan kaaga sheekaynayo saddexdii lama'arkaan ee ay Carabtu isku maaweelin jirtay, ee kala ahaa: Qorismariska (Quul), shinbirtii Canqaa' iyo saaxiibka oofinta leh.
Qofka marka uu kula joogo dadka kale maamuuskooda duudsiyaa, maalin ayuun buu adigana dadyaw kale agtooda kugu duudsiyayaa oo maqaamkaaga uu yasayaa!
Qofka dadka kale sharafkooda ka dhigta jaranjar uu adiga kuu soo raaco ee kaaga warsheekoodaa, maalin ayuun buu adigana kaa dhiganayaa sallaan uu dad kale iskaga dhaadhiciyo oo uu maamuuskaaga ku dan gaadhayaa!
Dadka jaadkaas ahi waa mindi dhul taalla oo kuu dhuumanaysa, kala-tilmaamista dadka qaarna la duudsiyo darna dayaxa la dulmariyaana, waa quudkooda ay u qamaamaan ee hammuun-gorayada ay u leeyihiinba!
Waxaan ka codsanayna Dhamaan saxiibada kamidka ah @TEAM_GOR_GOR in ay sawirkaan saartan sadexda cishe soo aadan,
Inta Badan chanaaladoodana ay kuso Baahiyaan Ducooyin si aan ilahay ugu barino inuu dhibka ka dul qaado walalaheen madaama la dhahay 40 qofba hal qof aya ducadiisa la aqbalaa
Inaga hub iyo ciidan hadaynaan u awoodi karin, aan ducada ku tageerno
Xaasidku waa qof raba ama jeclaan lahaa inuu haysto Nolosha qof kale dhinac kasta laakiin aan Rabin Inuu sameeyo waxa qofkaas halkaas ku gaaray si isaguna u helo.
Xaasidnimada iyo nacayb ku waxay ka imaadaan meel hoose.