PART 2
5- Haddii aad 15 daqiiqo maalintii u hurto wax-akhriska, waxaad heli doontaa horumar weyn oo xagga fahamka ah.
6- Haddii aad u qoondayso 15 daqiiqo maalin kasta inaad akhrido bogag ka mid ah qur'aanka kariimka ah ama xuska Eebbe waxaad ogaanaysaa inaad kumanaan jeer xustay Eebbe dhib la'aan Tani waa tiro kaliya, laakiin ajirka waa ugu yaraan 10 laab ilaa 700 jeer.
7- Haddii aad 15 daqiiqo u hurto wax-qorista maalintii, waxaad awood u yeelan doontaa inaad maqaal qorto labadii ama saddexdii maalmoodba mar, dhammaadka sanadka waxaad heli doontaa buug adiga kuu gaar ah oo aad qortay.
Xeerkan 15-ka daqiiqo waxuu ku fiicanyahay in uu aad u gaaban yahay oo aadan cudur daar u haleeynin inaad tirahdo ma haysto waqti aan ku fuliyo xeerkan
Ugu danbeyntii isku day, oo isku day inaad hirgeliso xeerkan, waxaad arki doontaa isbedel weyn oo ku dhaca noloshaada.
#Xigasho: okash katib