NASIIBKEYGAAN KU HELLEY. Part 2⃣
Sucaad ayaa Usbuuc jaamacada ka maqneyd, Saacid ayaa ka waayey Agagaarka jaamacada u ka eegan jiray. Saacid markuu arki waayay Sucaad, aad ayuu u warwaray Tolow maxaa ku dhacay, maxaa jira, halkee ka ogaataa xaaladeeda?, ayuu is weydiiyay. isagoo garan la' Wax uu sameeyo maalin walba jaamacada agteeda ayuu tagwa, bal inuu mar un soo arko.
Usbuuc ka dib Sucaad wey timid jaamacadda
Saacid xilligii laga soo bixi jiray jaamacadda ayuu yimid, mise wuxuu arkay Geenyadii uu jeclaa, intaas ayaa ku filan oo Farxad ayuu dareemay, maadama u arkay jaceylkiisa.
Ileen Sucaad wey aragtaa Wiilkan maalin walba halkass soo tawgan, balse iskuma mashquuliso, hadana ayaamo ka dib ayey aragtay isagoo sidiisii meesha u tagan yaab.
Waxey is weydiisaa talow Wiilka maxaa maalin walba meesha dhigay, uuna ka soo eegaa?, Ciyaala suuq ayey moodeysaa, oo maba oga iney iyadu tahay Indho Nuursigiisa.
Maalmo ka dib ayuu go'aan ku gaaray inuu u sheegto jaceylka Sucaad, wax kastaba ha kala kulmee. Maalintii dambe ayuu jaamacadda agteeda istaagay si uu ula hadlo isagoo Guul iyo guuldaro sugaaya.
Markas ayey Ardaydii soo baxeen, Sucaad markay Albaabka ka soo baxday ayuu u yeeray, weyna u tagtay, markaas ayuu ku yiri: Waxaan rabaa in arin kaala hadlo ee Numberkaaga i sii, waayo halkaan munaasib maaha, kolkaas ayey ku tiri: Marka hore Aqoonba iskuma lihine maxaan ka wada hadalnaa ?, markaas ayuu ku yiri: Aniga aqoon waan kuu leeyahay ee i sii Waqti aan isku kaa sheego. Markaas ayey ku tiri:- Iga raali noqo cid aan Aqoon ma siiyo Lambarkeyga. (Weyna ka tagtay).
Intaas ka dib Saacid wax dhib ah kama uu soo qaadin hadaladii ay Sucaad ku tiri, wuuna iska baxay.
Sucaad guriga markey tagtay ayey nafteeda ku Caanaanatay maxaa Wiilka sidaas ugula hadashay, iyadoo isku Qancisay iney Berito la hadli doonto.
Saacid habeenkii oo dhan waxaa Qalbigiisa ku Sawirnaa Wejiga Sucaad iyo uruxdeeda isagoo niyada dhisanaaya ayuu leeyahay waa middii malaha ley qoray.
Xilligii uu tegi jiray Sucaad agteeda ayaa la gaaray, isagoo dhexda soo socda ayaa Wiilal ay Asxaab yihiin dhexda kula kulmeen, xoogaa sheekadii Asxaabtiisa ayuu ku daahay oo Waqti ayey qaadatay.
Sucaad markey soo baxday ayey halkii uu u soo istaagi jiray wey ka waysay, Cabaar ayey meesha eegtay, laakin wey arki weysay, ka dib Sucaad waxaa u yeeray Darawalkii kaxeyn jiray, weyna iska tagtay, intey sii socotay nafteeda ayey Canaanatay iyadoo u maleysa hadalkii shalay inuu ka xanaaqsan yahay.
Saacid Xilligii ayuu soo cararay, laakin waa xilli ay Sucaad meesha joogin, isagoo murugsan ayuu iska tagay ilaa habeenkii oo dhan wuxuu dareemaayay Murugo iyo fikir, wuxuu rabaa jacaylka uu kaliga ku yahay inuu wehel u helo oo mar un Sucaad gacanka ku dhigo.
Sucaad iyadana waxey dareentay Wiilkan inuu maalin walba halkaas u soo istaagi jiray iyada aragtideeda eegaayo marku la hadlayna siday ula dhaqantay iyadoo rabta iney mar kale la kulanto.
Lasoco part 3⃣ gor dhow🍂