View in Telegram
Abdullahi dhaqane
NASIIBKEYGAAN KU HELLAY Part
5⃣
Saacid ayaa u raaciyay laakiin Xabiibti Aniga raali kama ihi inaad noqoto Model oo Quruxdaada leyga daawado. iyadoo Qosleysa ayey ku tiri Adiga waxaad raali ka tahay ayuun baan sameynaa. Markaas ayuu ku yiri Boqoradeydii arintaasi wa si fiican, balse habeen dambe ayaan is arkeynaa. Haye ayeyna dhahday, iminka iska Seexo waa xilli danme, halkii ayaa habeenkii lagu kala tagay. Saacid intuu shaqada joogo wuxuu ka fikiraa Sucaad iyo iney maalin un Xaaskiisa noqoto, wuxuu sawirtaa iyagoo Qoys ay noqdeen, ka dib ayuu wacaa Sucaad isago leh waanba daalay sidaan Nolol u sawiranaayay, Sucaadna wey ku qososhaa iyadoo leh waxaas intaas ka baxdo Howshaada wado, taasi weynu gaari doonaa hadduu ilaah ka raali noqdo. Waa Xiligi Balanta Sucaad ayaa is diyaarisay, Saacid ayaa soo wacay isagoo u sheegaaya inuu u soo socdo, durba iyadoo diyaar ah ayuu u yimid, weyna is raaceen Sheeko ayey sii waateen, ka dibna goobtii ay rabeen ayey soo gaareen, waqti markii la wada joogay ayey Sucaad dhahday Hooyo ayaa isoo waceysa waa inaan tagaa guriga, Saacid ayaa ku yiri Xabiibti goormaad Xor ii noqoneysaa?, markaas ayey meesha ka soo baxeen. Sucaad markay guriga timid ayey seexatay, Subixii markey soo kacday sidii cadaada aheyd Saacid ayey la hadashay Waqtina ku qaateen. Waa Maalin Jimce ah Sucaad waxey rabtaa inay banaanka aado oo Shopping doonato, markey Casar noqotay ayey isku diyaarisay inay baxdo waxaana raacday iyada Saaxibted markii ayey Saacid u sheegtay iney banaanka aadeyso mar walba oo ay baxeyso ilaa ay Saacid u sheegto ma baxdo, sidii ayeyna ku baxday. Sucaad markay guriga ka sii baxeysay may raacin gaarigii gurigooda ee Taksi ayay raacday waxaana arkay Wiilashi mid ka mid ah oo meesha socday markiiba wuxuu wacay kuwii kale isagoo u sheegaaya inuu Sucaad arkay iyada oo kaligeed ah iyo meesha uu ku arkay, wuxuuna ku yiri Waa jaanise soo baxa, Aniga ayaa daba socdo oo idinku hagaaya hadba meeshey mareyso. Wiilkii siduu Saaxiibadiisa u soo hagaayay ka dib wey soo gaareen goobtey Sucaad joogtay, Sucaad waxey u sii socotay meel ay ku balameen gabadhii Saaxiibadeed, iyadoo sii socota ayey dhex ka qabteen Shantii Wiil, ka dib Afka intey qabteen oo ay suuxiyeen ayey la Carareen. Markey ka Xaajo dhameysteen ayey isaga tageen, Hal saac ka ayey miyirsatay, weyna dareentay in wax lagu sameeyay, halkii ayey Ooyin iyo Qeylo qabsatay, haddana wey aamustay oo waxey is tiri dadka yaaney ku arag oo waa Xili Fiid ah, halkii ayey dharkii ku xiratay, Mobelkeedii ayey eegtay Saaxibteed oo dhowr jeer soo wacday, ileen wey balan sanayeen, ka dib ayay ku celisay markaas ayey ku tiri Xabiibti sorry hawl yar ayaan ku mashquulay, waa inoo mar kale. Halkii ayey Taksi qabsatay oo Hospitalka ayey aaday Gabar dhakhtarad ah ayey u tagtay halkii ayaa la baaray waxayna Ogaatay iney halkwas ku weysay Gabarnimadeedii. Lasoco Qeybta xigto i.a gor dhow part:
6⃣
~Abdullahi dhaqane
🫡
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start