View in Telegram
NASIIBKEYGAAN KU HELLAY. Part4⃣ Halkii ayaa jacayl leysla waday oo midba midka kale jaceyl ugu qabay Farxad iyo Xaasilooni lagu jiray Sucaad, waa mid iyadu noqotay Qof jacaylku Daacad ka yahay isaga mooyee aan Nin kale il ku eegin. Saacid xataa wuxuu isku heystay inay Sucaad Xaaskiisa tahay sida uu iyada uga ilaalinaayo Qyaanada, inuu xataa eego Gabar kale oo iyada kaliya ayuu Nolosha siiyay. Waxaa jiray Wiilal  Sucaad hadda ka hor u soo bandhigtay xiriiro, balse ay ka diiday, oo marar badan ku daadisay iyadoo u sheegaysa inanay xiriir diyaar u aheyn. Wiilashu waxey gaarayeen ilaa 5 wiil waxeyna ogaaden Sucaad iney leedahay Xiriir, laakin waxey is weydiinayeen tolow yuu noqon karaa Ninkaasi sida fudud ku helay. Wey raadiyeen, ugu danbeyn waxey ogaadeen Wiil Saacid la yiraah inuu yahay, waxey kaloo soo heleen lambarkiisa iyo meesha uu deggen yahay, habeenkii ayey go’aan ku gaareen iney Saacid weerar ku soo qaadaan. Saacid oo Xilliga guriga imaan jiray la gaaray ayaa guriga agtiisa loo istaagay, gaariga ayaa lagu yiri ka soo deg, wuuna soo degay, kolkaas ayuu ku yiri yaa tihiin ?, waxey ugu jawaabeen Adiga yaa ku siiyay Awooda ah inaad Sucaad la hadashid ?, intuu yaabay ayuu ku yiri: Maxaa idinka galay ?, mid ayaa ku yiri Naagta anaga na diiday miyaad adiga rabtaa ?. Saacid intuu xanaaqay ayuu ku yiri:- Sucaad waa Nolosheyda, waxaan aad ka hadleysaan muhiim ma aha ee iminka waxaad rabtaan sheega ?, markaas ayey durba Dil ku bilaaben oo ay isugu tageen, balse inta awoodiisa ah wuu iska celiyay, ka dib waxaa meesha soo maray Askay, weyna kala carareen. Saacidna gurigiisa ayuu soo galay isagoo dhaawac ah. Qolkiisa markuu galay ayaa Sucaad ku soo wacday Videow Call, markaas ayey aragtay Wejiga dhaawaca kaga yaala, wey yaabtay maxaa sidaan kuu galay ayey weydiisay. Kolkaas ayuu ku yiri Wax weyn maaha waa Dagaal yar iska dhaaf. Intuusan Seexan ayaa haddana wiilashii soo waceen iyagoo ku leh Sucaad mar dambe agteeda ma kugu arki karno. Saacid ayaa ku dhahay Sucaad ma laga yaabo inaan idinka dartiin uga fogaado, waan jeclahay, waana jeclaan doonaa. Saacid Arintaan Waxba kama uu soo qaadin Raggan u soo Hanjabaaya, Hawlihiisa ayuu iska watay, sidoo kale Sucaad iyadaba Intaas fariimo iyo Call ayaa loogu hanjabaayaa. Haddaba Labadooda midna midka kale uma sheegin Xaalku siduu yahay. Sucaad Fasax Jamaacada ayey gashay, oo Sucaad ma aha dadka banaanka jecel oo maba dhafto guriga, markay Hawl muhiim ah leedahay mooye, Imikana waxey heshay Qof ay jeceshahay oo ay waqtiga la qaadato. Waqti walba waxey mashquul ku tahay la hadalka Saacid, iyado ogaatay inuu yahay farxadeeda iyadoo Qolkeeda ku jirta aywa la soo wacay, waxaana laga soo wacay Lambarkii looga soo habjabi jiray, kamana aysan qaban, laakin markoi laga deyn waayay ayey qabaty dhowr jeer markey Hello tiri ayaa lagu jaray. Shantaas Wiil oo ay Sucaad horey u soo diiday ayaa isku raacay iney Mustaqbalkeeda ugu ciyaaraan, Sucaadna ma oga in loo tashtay. Wiilashii waxey raadiyeen Qaabkii ay u soo kaxaysan lahayeen iyada, maadaama aaney badana u soo bixin banaanka. Waxay sugeen inta fasaxa ka dhiman ee lagu soo noqonaayo Jaamacadda, ka dib markii la gaaray xilligi balanta ayaa Sucaad jaamacada timid, markey soo dhameysatay oo ay soo baxday gaarigoodii ayey soo raacday si Nabad ah ayey ku tagtay. Wiilashii wey u suurto geli weysay Qorshihii maanta ay rabeen iyagoo leh maalinta ay doonto ha noqoto Sucaad Mustaqbalkeeda waan ku ciyaareenaa. Sucaad waa gabar aan dhib jecleyn, weyna iska xirtay Lambaradii, markey massege iyo Call ay ka deyn waayeen, Nolosheda ayey iska wadataa iyo Xiriirkeeda, oo waxey noqdeen Sucaad iyo Saacid lamaane oo marba marka ka dambeysa jaceylkoodu sii kordhaayo. Saacid iyo Sucaad oo wada hadlaaya ayuu Saacid ku dhahay Sucaad: Mcn Gormaan is guursanaa ?, Kolkaas ayey ku tiri markasn jaamacada dhameeyo. Lasoco Qeybta Xigta 5⃣ ~Abdullahi dhaqane
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily