NASIIBKEYGAAN KU HELLAY Part7⃣
Sucaad Xalaada ay ku jirto Kaligeed ayey isku koobtay, waxay isku dayeysaa inaan laga fahmin waxa jira, si walba wey u Murugsan tahay, mana aha Qof dadka wax u sheegta.
Saacid ayaa isagoo kala hadlaayo Video Call weydiiyay beryahan Wejigaada Caadi maaha waxaad noqotay qof muddo Xanuunsan. Sucaad iyadana ma rabto in la fahmo Cod yar ayey ku tiri Xabiibi mawlinti dhaweyd ee aan xanuunsaday ayaa aad u xanuunsaday marka aniga dadka iska nugul baan ahayha u bixin.
Iyada markay jaamcada tagto waxey isku daydaa in sidii hore u dhaqanto, inkastoo Niyada ka dilan tahay, Wiilashii waxaas ku sameeyay mar walba wey arkaan, laakin waxey la yaaban yihiin Sucaad lama moodo qof la Kufsaday.
Sucaad Imtixaankii jaamacada ayey ku jirtaa waana sanadkii u dambeyay, Waxbarashadii ayay iska dhamaysaneysaa waxey aaminsan tahay in aanay Mustaqbal laheyn oo halkaas noloshii ku weysay.
Guriga markey tagtay ayey Matag iyo Daal isku aragtay way naxday oo waxayba is tiri armaad Uur yeelataa, Maskiintu aduunki ayaa Ciriiri ku noqday Cunto ma cunto, waxay la hadashay Gabartii dhqtardd aheyd oo ay saaxiibka ahaayeen, iyadoo u sheegtay waxa jira, Dhakhtaradii ayaa ku tiri ii kaalay wey u tagtay wey eegtay markay baartay ayey ku tiri wax Uur ah ma lihid, dhiig la’aan ayaa ku heysa, cuntana cun naftaada waxba ha Ciqaabin Happy iska dhig, daawoyinka Cun, warwarka iska yaree.
Sucaad iyo dhakhtarada waa Laba qof oo isku Sir qarsada aad iskugu dhow markaas ayay Sucaad ku tiri Saaxibeey Arinka iigu daran waxa weeyaan Saacid sidaan ugu sheegi lahaa waxa jira mise Xiriirka ayaanba u jaraa, bal maxaan sameeyaa?.
Saaxiibadeed ayaa ku tiri May waad jeceshay ee waxna xiriirka ha u jarine, bal Xal kale ayeynu raadineynaq ee adiga naftaada ilaali iska naso.Sucaad wey soo baxday oo guriga ayey timid.
Horta Sucaad aad ayey u jeceshay Saacid, kama maaranto waxa jirana hadey u sheegto maxaa dhici doona ayey is leadahay ?, Saacid ayey wacday, waxaana dhex martay Sheeko gaaban, balse Sucaad inta ay hadleysay ayaa illin ka soo daadatay.
Saacid ayaa ku yiri Sucaadeey Imtixaanka ka dib Fasaxa waxaan rabaa inuu Meherkeena dhaco, oo intaas yar ee ka hartay Qalin jabinta ii sii Mehersanaato.
Sucaad oo aad moodid in Cirku ku soo dumay ayaa Cabaar Aamustay, oo waxey ku jawaabto ayey garan weyday, markaas ayey ku tiri: arinkaas markeynu is aragno ayeynu ka wada hadli doonaa.
Lasoco Qeybta xigto 8⃣
~Abdullahi dhaqane