View in Telegram
NASIIBKEYGAAN KU HELAY. part 1⃣ Sucaad Waa Gabar Dhalinyar ah Jaamacad Dhigata badanaa Asxabteda  waxey ugu yeeraan Sucaad Stiila, sababtoo ah waa Gabar xarago badan oo Modelada jecel. Ardayda Jaamacadu gar ahaan Wiilashu aad ayay uga helaan, waana Gabar Caqli badan, Waxbarashana ku fiican, oo aad loo aamano. Maalin waxaa Jaamacada yimid Wiil Saacid la yiraahdo, isagoo banaanka jaamacda jooga ayuu markiiba wuxuu arkay Sucaad oo meel Book ku Akhrisaneysa, waxaa aad u soo jiitay Quruxdeeda aad ayuuna uga helay isagoo weli eegaaya ayey Sucaad kacday Glasskii ayeyna ku noqotay, isaguna uu iska tegay gurigooda, ka dib Qol ayuu fadhiistay wuxuu kolba soo xasuustaa Gabartii uu maanta soo arkay, sida ay markiiba Maankiisa u qaaday. Sucaad Wiilasha Xiriir kama yeesho, mana jecla waxaas, inay Jaamacada dhameyso keliya ayuu go'aankeedu ahaa, ka dibna ay Riyaadeeda ah Modelka rumeyso. Maalin waxaa la qabtay Xaflad Jaamacadu laheyd Saacidna, walaalkii ayaa dhigta, balse isagu ma dhigto, wuxuu so raacay Walaalkiis wuxuuna yimid Jaamacadii, isagu kelita inuu arko gabadhii shalay ayuu rabaa, markuu in yar joogay Xafladii wuxuu arkay Sucaad oo Hablo la taagan oo sidey u Lebisan tahay iyo siday u Qurux badan tahay aan la qiyaasi karin mar keliya indhaha kama uusan jeedin. Sucaad marna ma eysan arag Wiilka intaas ku maqan eegmadeeda, iyada warba uma heyso. Saacid inuu la hadlo wuu ka cabsanaa wuxuu is leeyahay maxaad kala kulmi doontaa?, isaga oo meeshi fadhiya ayuu Walaalkii weydiiyay inantaas Magaceed?, marka ayuu u sheegay magaceed, wuxuuna u raaciyay laakin maxaad ii weydiisay?, markaas ayuu ku yiri  Waxba keliya qof ayey iila eekatay (isago is leh yaan lagu dareemin ina aad ka heshay). Xafladi wey soo dhamaatay markii meesha lagu kala tagay ee uu Guriga yimid ayuu fikir iyo sidee wax ugu sheegta is weydiiyay.  Saacid maalinba maalinta xigta jaceylka ayaa ku sii kordhaaya wuxuuna gaaray heer uu maalin walba tago Jaamacada agteeda si markay Sucaad soo baxayso u arko oo uu indhaha ugu Nuursado Quruxdeeda iyo Style-keeda. Saacid hooyadiis iyo Reerkii oo dhan ayaa la yaaban maalmahan waxa jira, waayo Saacid guriga kama baxo inta yar ee u Sucaad soo eegaayo mooyee, Aamusnaan ayaa ka soo hartay iyo Cunto ka go'id.  Waxaa la weydiyay maxaa kugu dhacay miyaad xanuansaneysaa sidee wax u jiraan markaas ayuu yiri Maya waxba ma jiraan. Saacid wuxuu noqday Qof dusha ka daawada Xuuralcaynta uu jeclaa, Maalin buu Saaxiibkiis la wadaagay sidey wax u jiraan iyo jaceylka helay isagoo ka faloonaya Sucaad. Saaxiibkii ayaa ku yiri Maad u sheegatid jacaylka inta aan lagaaga horeyn. Saacid aad ayuu uga fikiray qaabkii uu Sucaad ugu sheegan lahaa jaceylka keliga ku noqday. Lasoco part :2⃣
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily