View in Telegram
Abdullahi dhaqane
NASIIBKEYGAAN KU HELLAY. Part
6⃣
Sucaad iyado xalaadeeda Ficneen ayey guriga tagtay, iyado cidna la hadlin ayaw qolkeeda gashay iyadoo is weydiineysa Wiilashan yey ahaayen?, bal maxey sidaan kuugu galeen?, Bes maanta ayaa Farxad iyo Nolol kugu dambeysay, iyadoo isla hadlaysa ayuu Saacid soo wacay, balse kama aysan qaban. Dhowr jeer ayuu ku soo celiyay, laakin kamey qaban. Saacid ayaa yaabay maxey kaaga qaban la'dahay Massage ayuu u soo diray isagoo dhahaayo: Xabiibti maxaa jira ee iga qaban la'dahay, i soo wac. Sucaad maanta waxaas uma jeedo, teeda ayaa heysata, waxeyna go'aan ku gaartay iney Cidna u sheegin si ay Reerkeeda iyo nafteeda ceeb uga ilaaliso. Iyadoo is leh Saacid noloshiisa ka fogoow, waayo gabar ma tihid iyo hadalo qiiroo leh oo waxey diideysaa inuu Saacid ogaado Arrintaan. Nolosheeda Murug ayey noqotay, Quruxdii iyo dhalaalki ayaa is beddelay, ileen waa qof Hurdo la’aan iyo Oohin la deris ah, oo waxaa la yaabtay Hooyadeed markey Qolka ka soo bixi weyday, markaas ayey ku garaacday Albaabka iyadoo leh Sucaad Hooyo maxaa ila xalay qolka ku dhex dhigay. Sucaad ayaa is tiri yaan lagaa dareemin waxa jira, ka dib wey soo meyratay markaas ayey soo baxday. Hooyadii ayaa ku tiri Miyaad Xanuunsaneysa jawigaagu ma ficnee, Sucaad ayaa tiri Haa hooyo ilaa Xalay Madaxa ayaa i xanuunayay maanta xata jamaacadii ma tegin. Sucaad waxey is leedahay ha is dareensiin waxa jira, Qof caadi ah ayey iska dhigtay, Saacid oo yaaban ayaa u soo wacay markaas ayey ka qabatay, isagoo leh Xabiibti maxaad iiga qaban wayday Mobelka, markaas ayey ku tiri Waan yara Xanuunsanawyay ee iga raali noqo. Kolkaas ayuu ku yiri Wax walba wawd ii sheegi jirtee inuu xanuun ku haayo maxaad iigu sheegi weyday. Markaas ayey tiri Hadalba ma kareynin ee imika wey dhacday sorry. Saacid markaas ayuu yiri iminka see tahay ma ogtahay sidaan kaaga warwaraayay. Sucaad hadalba maanta uma jeedo markaas ayey tiri Ilaa hadda Xaaladeyda ma fiicna, ee aniga ayaa kula soo hadlaayo Xabiibi. Sucaad markay Mobelka dhigtay halkii ayey Oohin Qabsatay iyadoo ka Murugsan waxan dhacay iyo Mustaqbalka ay ka laheyd Saacid, iyo waxa dhici doona. Sucaad Nolasha ayaa Ciriiri ku noqotay, wey dhamaatay farxadii, jaamacada markey ka timaado qolkeeda ayey gashaa, cidna lama hadasho, iyadoo Xaafadu la yaabtay waxey is leeyhiin maxaa ku dhacay oo ay la Aamustay. lasoco gor dhow part
7⃣
~Abdullahi dhaqane
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start