View in Telegram
SHEEKO GAABAN ... DABIN-DAABYO JACEYL♥️💍💔❤️‍🩹 ... ( Part:2⃣) Qeybtii hore waxa ay noo joogtay --- Si deg deg ah buu waxa uu ula xiriiray, lamaantiisii Maryama aheyd . Wada hadal dheer kadibna Maryama ayaa tiri: " Qeybta 2 aad maanta waxay ka bilaabaneysaa ! Gacaliye sidaa wax uma jiraan, ee wiilkaan waa ina adeerkeeyga, waxa aan sameeynay ma aha wax Dhab ah, Wana prank an dooneynay in aan kaga xaraabeysano asxaabta an shaqa wadaaga nahay, mana ku laaban doono qalad kale hadana wan ka saaray bay Maryama warkii ku idleysay" . Naf wax jecel qiil ma weydee, xasan ayaa aqbalay hadalka Maryama misana qaatay raali galintii . Waxa ayna ka wada hadleyn sidii labadooda nolasha ugu midoobi lahaayeen . Xasan oo hadalka furay ayaana Maryama ku yiri: "Xiriir walba oo bilow ah waxa uu leeyahay gaba-gabo, gacaliso xad malaha jaceylka aan kuu qabo, xaqiiqdii daqiiqad kasta nafteyda sidii bay kugu xiistaa . Mararka qaar aan xal u waayana xiisahaaga waxa aan ku sabaa nafteyda sawirada xasuusta ee aad isoo dirtay" . Maryama ayaana ku jawaab celisay: "xbbi wax walba way hagaagayaan . Nolasha baa hada iftiinkeeda an helnay suldaan xasanoow . Marka haddii shaqadan aan mudo sanad ah ka shaqeeyo waxaan jeclahay inaan aniga kuu imaado, ama adiga ku soo wado" . Xasan ayaana arinkaa aad ugu farxay . Marka ay wada hadalkii dhameysteen ayuu wiil saaxiibkii ahaa la wadaagay in Maryama ay sanad kadib is helayaan oo nolasha ku midoobayaan, maadaama uu ahaa wiilka mar walba uu u sheegto murugo iyo farxad wixii nolashiisa la soo gudboonaada . Dhanka kale xasan reerkiisa gaar ahaan, hooyadii ayaa waris ayaa oday jaamac kala hadashay in wiilkooda xasan loo guuriyo maadaama uu shaqo wanaagsan helay . Oday jaamacna war soo ma celin ee howraarsan buu ku jawaabay . Hooyo waris ayaana u xerxeratay sidii ay Wiilkeeda inta uu shaqada ka iman ka hor ugu heli laheyd, gabadh wanaagsan oo marka ay caawa la wadaagto uu ku farxi karo . Fikir dheer kadib waxaa ishaarta ay qabatay ina abtidii oo markaa muqdisho ku cusbeyd, misana waalidiinteeda ay jireen miyiga . Hooyo waris iyo gabadha oo ku kulmay guriga Abti Cali ayaa sheeko kadib isku af-gartay in wiilka loo guuriyo, wayna ka aqbashay. Hooyo waris oo faraxsan ayaana guriga dib ugu soo laabatay si ay Wiilkeeda xasan ugu sheegto arinkaan farxada leh . Galabkaana guriga ayaa si aad ah loo diyaarshay iyada oo meel walba guriga laga habeeyey . Uduga iyo uunsiga ka shidan baa meel fog Laga carfinayey .  Waxaana marka uu yimid xasan oo la yaaban guriga isbadalka ka jira, ayaa inta uu afka furin,  hooyo waris waxa  ay ku bilowday hadalkeeda: La soco qeybta sedexaad ee sheekadii ( Dabindaabyo Jaceyl )... Hadaad sheekada la socoto oo halkaan soo gaartay love saar, comment-gana ka muuqo . Waad mahadsantahay.... Part3⃣ gor dhow la socda👍💯
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily