View in Telegram
Dhirigalinta Nafta
SHEEKO GAABAN ... DABIN-DAABYO JACEYL
♥️
💍
💔
❤️🩹
... ( Part:
1⃣
) Xasan waxa uu ahaa wiil aad u wanaagsan oo Alle siiyey dabci soo jiidasho leh . Waxa uu ka dhashay reer sabool ah ku noolaa muqdisho, waxa uuna ahaa arday wax ka barta mid ka mid ah, jamacadaha muqdisho ku yaala . Hadaba xasan waxay barta Facebook iska barteen, gabadh lagu magacaabo maryan oo waqtigaa ku nooleyd xerooyinka qaxootiga ee dalka Kenya gaar ahaan dhabaab . Maryan ayaana xiligaa sugeysay safar dibada ah oo ay ku tagi rabtay dalka Canada . Hadaba maryan waa agoon oo aabbaheed waxa uu ku dhintay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay . Waana curada reer Aadan oo waxaa ka yar Shan caruur . Maryan dabci ahaan waa gabadh bashaash ah oo furfuran misana aad u wanaagsan . Siday ahaataba Xasan ayaa dabci wanaagii ku soo jiitay, gabadha Maryama ah, waxayna noqdeen lamaano xiriir wadaag ah oo aad iskugu wanaagsan, mar walba Internet-ka ka wada xiriira . Wuxuu xiriirkooda sanad soo jiitamaaba xasan waxa uu dhameyey jaamacadii waxa uuna helay shaqo aan aad u weyneyn oo kaafin karta reerkiisa saboolka ahaa . Dhanka kalena Maryama safarkii ay sugeysay baa u soo baxay oo waxa ay ka dagtay dalka Canada . Tani farxad ayey u aheyn lamaankeedii xasan maadaama ay nolasha ku adkeyd labada lamaane ee xiriir wadaaga ah . Waxaa la yiri: adduunyo wax walba ka filo, Maryama marka ay halkaa tagtay oo ay luuqadii baratay misana shaqo bilowday, waxa ay yeelatay asxaabta kale oo iloowsiiyey jaceylkeedii ay ka jecleyd indhaheeda . Waxaaba intaa ka darneyd markeey barta Facebook-ga ku shaacisay wiil iyo iyada oo sawiro u muuqdo lamaano soo wada galay . Xasan oo an war iyo wacaal toona ka heyn baa maalma kadib facebook-ga marka uu furay waxa uu arkay sawiradii, taas oo ku noqotay dhul gariir caashaq . Waligii xasan kama daadagin Maryama ayaa maalin kaa fogaan doonto, waxaa se ka hoos baxday in soomaali horey u tiri: "Dad iyo duur wax walba ka filo" Si deg deg ah buu waxa uu ula xiriiray, lamaantiisii Maryama aheyd . Wada hadal dheer kadibna Maryama ayaa tiri: .... Intaa ha inoo joogto qeybta 1 aad ee sheekadii " Dabindaabyo Jaceyl " part
2⃣
i.a haben dambe soo dhiga
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start