View in Telegram
Abdullahi dhaqane
NASIIBKEYGAAN KU HELLAY. Part
3⃣
Maalintii xigtay markey jaamacda timid ayaa iyadoo aamusan oo sidii lagu bartay aheyn ayaa Asxaabteeda weydiiyeen waxa soo kordhay, balse iyadu waxna umey sheegin waxey sugi la'dahay inta la baxaayo si ay u aragto Wiilki shalay. Xilligii bixitaanka markii la gaaray ayaa Saacid meeshii ayuu soo istaagay isagoo iyada sugaayo, Sucaad markey soo baxday ayey aragtay oo ay u tagtay, markay u tagtay Saacid wuxuu is lahaa maxey ku oran doontaa?, Sucaad ayaa hadalkii bilowday oo ku tiri: Walaal iga raali noqo wixii shalay aan kugu sameeyay. Saacid farxad darteed wax uu ku hadlo ayuu garan waayay, markaas ayuu dhahay dhib maleh, isagoo ka codsaday iney siiso Lambarkeeda si uu wax walba ugu sheego, weyna siisay, sidii ayaana lagu kala tegay. Sucaad waxay is weydiisay sida fudud ee markiiba Wiilkaan ugu naxday siday ilaa maanta nafteedu u rabtay iney aragto wiilkan, way garan la'dahay sida ay ugu jilicday iyadoo ka fikireysa ayuu soo wacay, markaas ayey is Xaal wareysteen. Markay is Xaal wareysteen ayuu Saacid uga sheekeyay halgankii uu u soo maray muddadii uu ku jiray iyada Baadigoobkeeda iyo qaabkuu uu u jeclaaday. Sucaad ayaa tiri: Aniga Waxbarashadeyda ayaan ku mashquulsanahay ee Aniga iga War Sug, weynu iska War hayn doonaa, isaguna wuu ka aqbalay, sidii ayaana leysku dhex galay Fariimo xaal waraysi ah iyo in korka leys kala socdo. Sucaad ayaa Saacid weydiisay noloshiisa Isaga oo uga sheekeynaaya ayuu dhahay aniga horta Nin Reerkw ugu weyn ayaan ahay Waxbarashadiina waan dhameeyay, haddase waan Shaqeeyaa. Iyaduna waxey u sheegtay inay tahay Inanta Reer ugu yar, welina ku jirto waxbarashada Heerkii ugu dambeyay, jeceshahayna iney noqoto Gabar Model ah, makaas ayuu dhahay waa si fiican. Dhawr Cisho ka dibna wuxuu ka Codsaday iney Kulman Caawa, Sucaadna wey ka aqbashay. Markii la gaaray Xiligii balanta ayaa Sucaad is diyaarisay iyadoo xiran Dhar aad iyada ugu soo baxaysa, Cadar aad moodo in isaga loogu tala galay Udgoonkiisa, Saacidna halkii ayuu isna uu iska soo dhigay Wax kale, Guriga markuu soo hor istaagay ayuu wacay, isagoo leh Waan tageynaa soo bax Sucaad. Wey baxeen Meel Hotel ah oo leysku yimaado ayay tageen, markaas ayuu Saacid dhahay: Maasha Allaah aad ayaad u Qurux badan tahay. Sucaad intey yara xishootay ayey tiri Mahadsanid. Markuu Cabaar u sheekeeyay ayey Sucaad tiri: Horta aniga weligey axiriir ma sameeynin, waana iska ilaaliyaa, laakiin ayaa ku jirto. kolkaas ayuu Saacid isna kubyiri:- aniga haygu diidin jaceylka, waana ku ilaalin doonaa. Sucaad ayaa tiri: Waan Ogolahay Xiriirkaaga Lkn sababta ma aqaano waxaad moodaa in aad i Sixirtay. Saacid ayaa qoslay markaas ayuu yiri jaceyka ayaa dadka Sixra aniga ayaaba kaaga horeeyay Sixirka. Halkii ayaa lagu wada kaftamay, ka dib Sucaad ayaa tiri: Waa inaan tago guriga, waa xilli dambe, sidaa ayeyna ku soo wada baxeen. Sucaad guriga ayaa la keenay sidii ayey ku kala tageen, markay qolkeeda soo gashay ayey fariisatay, waxeyna dib u soo xasuusatay Saacid hadalkiisa, ixtiraamkiisa, iyo guud ahaan Habdhaqankiisa. Saacid isna guriga ayuu tagay markuu qolka galay ayuu soo wacay isagoo leh Ka waran kulankeena, maku faraxsan tahay ?. Iyaduna waxey ugu jawaabtay: Haa waan ka helay kulaankeena, oo waan ku faraxsanahay, ka waxey ku wada ballameen iney berito isa soo wacaan. Subaxdii markey soo kacday ayey Mobelkeda aragtay fariin ku taagan u Saacid u soo diray Isagoo leh Subax wanaagsan Gacalo, waxaan rajeenayaa inaad Cafimaad iigu soo kacday Aniga xalay waxaan seexday Hurdo aan Abid seexan noloshayda ayaad ii Qurxisay Gacalo. Intey Akhrisay ayey mobelka Labta gashtay, markaas ayay u qortay Subax la mid ah, Alxamdulillaah waan soo Nabad kacay Gacalka, Aniga Aragtidii xalay ilaa imika Nolol kale ayaan galay waxaad i tustay jaceylka iyo Naxariista uu leeyahay. Lasoco Qeybta Xigta
4⃣
Like ta
👍
love ta
❤️
u badiya si an qeybaha kale uso dhigo mahadsanidin
🪫
😍
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start