View in Telegram
NASIIBKEYGAAN KU HELLAY. Part:8⃣ Sucaad talaa ku ciirsan, waxey is leedahay ma u sheegtaa wixii dhacay ama ma iska deysaa Arooska, hadana wey jeceshahay Arooska ma diidi karto. Waxaa soo dhow balantii Sucaad iyo Saacid ay isku arki lahaayeen, Sucaad waxey wacday Saaxibteed Datooreesada, waxey is kugu yimaaden meel Caffe lagu Cabbo Cabaar ka dib Sucaad ayaa saaxiibteed ku tiri: saaxiib inaan waasho way yar baa iiga dhimane, bal Xal keen Saaccid Guur ayuu rabaa, wuxuuna ii sheegay inuu rabo Maalmo ka dib Meherku in uu dhaco. Saaxiibadeeda ayaa ku tiri Horta waxaa tihiin Laba Qof oo is jecel, waxwa Qurux badan inaad la  wadaagto wixii dhacy ileen Qadar ayuu ahaa Anigu u sheeg ayaan ku dhihi lahaa Naftaada inta badan ha dhibine Culayska ayaa kaa yaraanaayo, sidey wax u dhaceen u sheeg. Sucaad ayaa tiri: Aniga Buur ayey igala weyn tahay inta Saacid hor istaago oo aan arinkan u sheego, sidee ayuu noqon doonaa, ileen waa Bini aadan, Wax walba ka filo. Markaas ayay Saaxiibadeeda ku tiri Waxaas intaad iloowdo isku day inaad u sheegto inta badan lama qarin karee. Sucaad ayaa tiri: Aniga Fariin ahaan ayaan ugu sheegayaa ileen ma hor istaagi karee, Saaxiibta ayaa ku tiri Maya adoo la jooga u sheeg sidaa ayey ku fiican tahay. Sucaad markey guriga timid ayaa Saacid soo wacay Halkii ayey Cabaar sheekeysteen markaas ayuu ku dhahay inyar ka dib waan kulmeynaa, Sucaadna wey ka aqbashay. Markey is Xaal wareysteen oo Cabaar la wada Hadlaayay ayuu Saacid arkay Sucaad oo Fikireysa markaas ayuu dhahay wax dhib ah miya jiro ?, Sucaad ayaa tiri: May waxba ma jiraan. Ka dib ayuu kala hadlay arinkii Guurka, Sucaad waxaad moodaa inuu Cirka ku soo dumay, indhaha ayey isku qabatay kolksas ayey ku tiri Waa caadi aynu ka hadalno. Saacid ayaa yiri Horta aniga waan Sugi kari la'ahay intaad noqoneyso Xaaskeyga ee Usbuuc ka dib Hawsha Meherka aynu dhameyno. Markas ayey ku tiri: Laakin Aniga meelna kaama tegaayee intaan Jamaacada dhameynaayo maad sugtid. Saacid ayaa yiri dhib male intaas Xaaskeyga sii ahow, keliya waxaan rabaa inaan maqlo Sucaad waa Xaaska Saacid. Markaas iyadoo iska Murugsan ayey tiri Waa si fiican waxba kama Qabo. Saacid ayaa arkay Wejiga Sucaad inuu warwar ka muuqdo markaas ayuu dhahay Kuma faraxsanid miyaa Guurkeena Sucaad, kolkaas ayey ku tiri: Waan ku faraxsanahay weliba lama soo koobi karo Insha Allaah, Alle Caafimaad hanagu gaarsiiyo. Saacid wuu dareemaya iney wax jiraan isagoo leh hadaad wax dhibsanayso ii sheeg, ma rabi waxaad raali ka aheyn inaan sameeyo, xataa hadaad Guurka iminka diido kuma dhibaayo ee ii sheeg waxa aad diideyso Aniga ma arki karo Wejigaada oo Murugeysan. Sucaad yaan lagu dareemin ayey is leedahay kolkaa ayey tiri Aniga waan ku faraxsanahay guurkeena, waana maalin aan Aduunka joogin Qof iga farxad badan, waana sidii aad adiga inoo Go’aamisay, Usbuuc ka dib waxasn ahay Xaaskaaga. Farxad ayay wada qateen habeenkii Hadiyado ayuu u keenay, Agtiisa inta ay joogto farxad ayey heshaa, keliya markuu Guur ku soo qaado ayey fikirtaa ileen waa qof hoosta ka Gubanaayo. Wey soo baxeen Saacid guriga ayuu keenay, wuuna ka tagay, iyadu guriga markay timaado ayey is weydiisaa Halkee ayaad wax ka bilaabi markii ay u tageysay inay u sheegto ayey rabtay haddana way awoodi weysay oo waxba umey sheegin. Jamacaadeedi ayey iska tagtay Imtixankiina  wuu sii dhamanayaa, intey jamaacada joogto waxey ka fikirtaa imtixaanka markey guriga timaadana wixii ku dhacay sidey Saacid ugu sheegi laheyd  ayey ka fikirtaa. Lasoco Qaybta Xigta gor dhow💯👍 Part:9⃣ mar dhow soo dayni
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily