Afkaarta qaybo ka mid ahi waxay leeyihiin muqaalka aad filanayso mid ka micno duwan caqligu wuu ansixinayaa caadifaduna way ka biyo diidaysaa labadaas ukala gar qaadkooga kolba ka saxana waxa u dhaxaysa masaafo kala fog maahin sheeko hada unkantay iyo mid bartan ku eeg toona se waa mid abid soo taxnayd abidna taagnaan doonta qiyaastayda.
Marnapa ma aan qurshayn inaan si qoto dheer kuu jeclaado oo uu caqligii aan ku sheeganaana uu u iisho dhankaaga se waxay ahayd kadis noloshayda saamayn khaasa ku yeeshay
Qalbigeena waxaa ka buuxa farriimo aan qornayn, haddii la qoro lama diro , haddii aad dirto ma gaadhayso booskii ay buuxin lahayd , haddii ay gaadhana lama fahmayo ..ada hadalka u badan ee nafteena iyo niyadeena ayaa sidan ka dhigan , in badan waxa aan isku deynaa inaan shaandhayno erayada afkeena kasoo baxaya , waa laga yaabaa inuu hadal ku bato adoo is leh si kooban u sheeg gudahaaga dhawaaqa ka jira , cabsida aad dareemayso waxa ay kuu sheegaysaa inaad guul-darro qaadan karin , sidaa darteed mararka qaar dareenka nafteena oo qudha ayaan ku koobnaa , ma jeclin daciifnimadu inay ina geyso xabsiga awood-darra , si lamida ma aqbali karno qofna inuu hoos inoo dhigo xataa haddii aan u baahan nahay inaan ku celcelino inuu fahmo ujeedkeena.