Wxa jiro gabar ila soo xirir Isla markana ila wadag qiso xanun badan oo ku dhacdeyy Sidas awged waan idinla wadagi wixi talo ah I.a hoos kula wadaga asxabeyy
Diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa maanta 4 xasuuq ka geysatay bartamaha magaalada Gaza. Wazaarada caafimaadka ayaa sheegtay in isbitaalada la geeyey in ka badan 300 oo ruux oo shuhado iyo dhaawac ah. Sawirada laga soo qaaday goobaha ay duqeymaha ka dhaceen ayaa muujinayey dhismayaal badan oo ay burburisay duqeynta cadaawadeed ee Yahuudda.
Intuu Sucad lugaheeda fadhiistay ayuu dhahay Aniga Gabarnimo kuguma jecleyn ee adiga ayaan ku jeclaa waxaad adiga sameeysay ayaan kugu naceynin, tani waaba Qaddar Alle, si kastoo aad tahay ayaan kugu jeclahay, waana ku jeclaan doonaa, inta nolosheyda ka dhiman tahay, arinkan inaad mar hore ii sheegto ayey aheyd Adiga oo Murug is gelin.
Sucaad waxaa lama filaan ku noqday hadalka Saacid iyo eida dareenka leh uu iyada u fahmay, aad ayeyna u faraxday, waxeyna dareentay Culeys badan inuu ka degay.
Sucaad ayaa Saacid ku tiri: Hadaan moodayo inaad sidaa fudud i fahmeyso mar hore ayaan kuu sheegi lahaa Gacaliye.
Saacid sidey Sucaad fileysay ma uusan noqon ee wuxuu noqday sidii lagu yaqaanay Ninka Geesiga ah ee jaceylka dhabta kuu qaba, oo sidaad tahay kugu raba, raalina kaaga ah, kuna fahmi kara, si walbooy ahaataba.
Markey arintii Sucaad ay ka wada hadleen ayey haddana ka hadleen arinkii Guurka iyo Xilligii Meherka. Sucaad ayuu ku dhahay waxaan rabaa inaad areerka u sheegto si aan anigana Howsha u bilaabo.
Haye ayey dhahday Sucaad aniga ayaa Aabo iyo Reerka u sheegaayo, wax walba si kheyr leh ayeynw inoogu dhamaan doonaan, waana xilligi aan tegi lahaa Guriga ayey tiri.
Sidii ayey guriga ku timid iyadoo farxad Cirka mareysa, Saaxiibadeeda ayey wacday, una sheegtay sida ay wax u dhaceen iyo arintii iney meel fiican ku dhamaatay.
Saaxiibadeeda ayaa ughambalyaysay Farxada iyo Guurkaba, Sucaad ayaa Saaxiibadeed ku tiri: Saaxiibeey ma aqaan Abaalkaaga sidaan kugu gudi doono, Boos weyn ayaad ii buuxisay Xilligii Dhibta iyo Murugada i heysatay. Kolkaas ayey ugu jawaabtay:- May aniga keliya Saaxibtinimadw ayaan gudanaayay waxba kuuma sameyn intais iyo ka badan ayaan isku leenahay Sxb.
Sucaad habeenkii farxad darteed ma seexan, sido kale Saacid waa la mid oo aad ayuu ugu faraxsan yahay inuu Hanti doono Sucaad.
Waagi ayaa beryay waa maalin aad u Qurux badan oo ka duwan maalmihii hore, Sucaad Aabaheed iyo Hooyaded ayay Subaxi arintii u sheegtay, wuxuuna Arinkii noqday mid leysla qatay oo Guul ku dhamaada.
Sucaad iyo Saacid halkii ayay ku noqdeen Reer oo nolosha ku wadaageen, Farxad iyo Nolol Cusub ayaana u bilaabatay. Farxadaas awgeed Sucaad waxaa halheys u noqday oo ay laheyd hal erey oo ahaa, (Nasiibkeygaan ku helay, Wiil Alle ugu deeqay Caqli iyo Naxariis).
Dhammaad.
Lasocoshadina iyo la janqadkina waku mahadsantihin haben wnagsan iyo sheko cusub idin bila Hadu alle idmo asxebyyy🦋🫶💯❤️