View in Telegram
Abdullahi dhaqane
Faaliye iska yeel-yeel!. Waxa uu ku shaqaysan jiray faaliyenimo laakiin faaliye Ma ahayn ee danta ayuunbaa ugaysay in uu shaqo kadhigto wax aanu garanayn. Kadib Madaxwaynihii waddanka uu joogo katalin jiray ayaa amray in loo yeedho dhammaan faaliya yaasha si,uu uwaydiiyo sanadka soosocda waxa uu noqondoono. Kadib faaliya yaashii waa ay baqeen oo nafahooda ayaa ay u cabsadeen hadiiba warka ay sheegaan uu sidii ay usheegeen udhici waayo in madaxwaynahaasi uu layndoono ayaa ay xisaabta ku darsadeen . Kadib waxa ay noqdeen wax dhuunta wax waddanka kabaxsada hase ahaatee ninkii faaliye iska yeelka ahaa, waxa usuura geliwayday in uu ka cararo waddanka uu joogo waxa uu waayey meel uu u irkado . Isaga oo isla sheekaysanaya oo marba maskaxdiisa wax kusoo dhacayaan ayaa waxa uu soo dulmaray meel garbo ah, Waxa garbadii kaga soo baxay mas, maskii ayaa lahadlay oo ninkii kuyidhi:"WAAR WAXBA HAWERWERIN ANIGA AYAA KUU SHEEGAYA WAXA SANADKANI NOQONDOONO,E ". KADIB waxa uu usheegay in sanadkani yahay mid barwaaqo ah. Farxadii isga oo kala batay ayaa uu boqorkii utegay warkiina sidii ugu sheegay,,sanadkii waxa uu noqday Mid barwaaqo ah sidii uu masku usheegay. Kadib ninkii waala maamuusay oo waxlasiiyey. Isga oo wata wixii uu boqorku siiyey ayaa uu soo maray garbadii uumasku joogay , maskii ayaa ku soobaxay oo ku yidhi:"NINYAHAW WAX IGASII WAXAN LAGUSIIYEY " . Maskii sidii ayaa uu ku dhaafay waxna ma uusiinin. Berya kadib ayaa loosheegay in sanadka soosocdana laga doonayo waxa uu noqomayo Naxdin iyo fajac ayaa ay ku noqotay! Isaga oo isku buuqsan ayaa uu garbadii maska soomaray, maskii ayaa marlabaad lahadlay oo kuyidhi:" waxba ha werwerin aniga ayaa kuusheegaya sanadkani waxa uu noqonayo waa sanad colaseed ee ciidan diyaarso dheh". hadda waa maskii uu waxba kasiin waayey wixii sanadkii hore lasiiyey. Sidii ayaa uu yeelay sanadkaasina waxa uu udhacay sidii uu sheegay. Ninkiina waa la abaal mariyey oo xoolo lasiiyey , waxana uusoo maray halkii uumasku joogay, maskii ayaa markana lahadlay oo kacodsaday in uu waxsiiyo kadib in uu waxsiiyo iska daaye waaba uu dili gaadhay oo waa uusigtay maskii. Sanadkii sadexaad ayaa isla sidii loo waydiiyey waxa uu noqondoona markan mahaysto cid wax u sheegta oo maskiisna laba jeer ayaa uu gumeeyey oo uu mar dili gaadhay, Isaga oo sidiisii yaabban ayaa maskii kusoo baxay marsadexaad waxan uu ku yidhi : " sanadkani waa barwaaqo ee sidaa usheeg boqorka"sidii ayaa uu samyeey arrinkiina sidii ayaa uu udhacay , waana la abaal mariey isga oo Sita quudkii lagu abaaliyey ayaa uu soo maray garbadii maska kadib mskii ayaa uu ubaaqay oo uu udaadiyey wixii lasiiyey wax kamida. Kadib waxa uu kuyidhi Maskii:"iska qaado alaabtaada anigu ma cuno waxan aad isiisaye, sadexdii jeer ee aanku caawiyayna , wixii aad igu samaysay adigu Eedeeda maad lahayn. Sanadkii abaarta ahaa ee aad waxba isiin wayday dadka oo dhan ayaa wada bakhayl noqday oo iyaga ayaa kusaameeyey. Sanadkii aad idili gaadhayna waxa uu ahaa sanad colaadeed oo taas ayaa kusamaysay . Sanadkan oo aad wax isiisayna waa barwaaqo oo dadka oo dhan ayaa wada deeqsi noqday oo taas ayaa ku saamaysay ". Hadii dadka kugu xeerani dad wanaagsan yihiin Adna waa aad wanaag sanaanaysa, Hadii,se ay xun yihiinna iyaga ayaad raaci. "Deriskaagu diintiisa ayaa uu kuu yeelaa".
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start