View in Telegram
Abdullahi dhaqane
NASIIBKEYGAAN KU HELLAY. Part
9⃣
Waqtigu wuxuu is guroba waxaa la soo gaaray Xilligi ay ku balameen Meherka Maalin keliya ayaa ka dhiman Sucaad waxey Nafteeda ku qancisay iney Wax walba u sheegto Saacid. Saaxiibadeed ayey wacday waxeyna ku tiri:- Waqti ma heysto, waxaan rabaa inaan arintii Saacid u sheego, Ilaheyna kheyr haka dhigee. Saaxiibadeed ayaa ku tiri:- Waa si fiican u sheeg Adiga wax dembi ah ma lihid, ku talagalna uma sameeynin, Qaddar Alle ayuu ahaa, si uusan hadhow kuu rhihin waad iga qarisay. Sucaad dhiiri gelin ayey ka qaadatay Hadalka Saaxiibadeed, Haye ayeyna ku tiri Caawa ayaan la kulmayaa Wax walbana Khayr ayey noqon doonaan. Maanta waxaad moodaa Sucaad wax walbo ay ku dhiiraneyso, iney la wadaagto Saacid, halki ayey maalintii jawi caadi ah iska gashay, Nafteeda weyba Ilowday sidey Fikir ugu jirtay, balse waxey bilowday is qurxin oo waxey marsatay Huruud iyo Cilaan, Farxadna wey dareemeesay. Markey noqotay goor Casar ah ayey wacday jaceylkeedii Saacid, wey is Xaal wareysteen, ka dib ayey ku tiri Gacaliye Caawa waxaan rabaa inaan is aragno Arin muhiim ah ayaan rabaa inaan kuu sheego, Saacidna wuu ka Aqbalay. Saacid Howlo u lahaa Xilligaas ayuu dib u dhigtay, isagoo is weydiinaaya Tolow maxaa jira na arintii Meherka ayaa dhib ku imaan doona?. Isagu wuxuu ku fikiraa Sucaad maxay ku Sheegi doontaa?. Waxaa la soo gaaray Xilligi Balanta Sucaad iyo Saacid, wey isku yimaadeen, markey Gaariga soo fuushay ayuu ku yiri Sucaad Aniga naxdin ayaan dareemayaa ee ma Arinta Guurkeena ayey Reerkiinu diideen Sucaad ayaa ku tiri May arintaas Weli Familka uma sheegin, sababtoo ah, Aniga arinta i heysata ayaa igala weyn wax kasta. Intuu yaabay ayuu ku yiri: Arintaas ku heysata waamaxay,?, Markaas ayey ku tiri soo deg aan Fadhiisano. Cabaar markey joogeen ayuu Saacid ku yiri Sucaad Iigu dhaqso hadalka oo ii sheeg Sucaad waxaad moodwa iney wad u naxsan tahay, Halkeen ka Bilaawaa iyo maxaad ku hadli ayay is weydiineysaa, iyadoo kolba ku leh Sug anaa kuu sheegiye. Cabaar markey Aamusneyd ayey ku tiri:- Arin ayaan muddoba kaala Cabsanaayay, waxaa jira maalin aan banaanka u baxay, ayaa waxa ihu dhacay wax aanan filaneyn, Aniga oo Suuqa u socda oo aan sii kaxeysan darawalka Guriga, oo aan taksi raacay ayaa marki aan kaga degay taksiga meel suuqa u dhow oo aan Saaxiibtay ugu tagaayay ayaa waxaan arkay Wiilal i daba socda Aniga tuugo ayaan u maleeyay. Cabaar ayuu i daba socday Anigaba isma dareensiin inaan arkaayo, ka dib waxaan is lahaa keliya alacagta iyo Mobeilka ayuu kaa qaadan doonaa, kadib Wiilal kale ayaa meel ka soo baxay, waxwan fahmay iney isla socdaan, waan yara talaabo dheereeyay, wax yar ka dib mid ayaa Afka i qabtay markaas ayaa Miyir igu dambeeyay. Ka dib markey dantey lahaayeen iga dhameysteen, ayey iga tageen, waxaan soo kacay Aniga oo aan aqoon sidaan ahay, aniga wan iska Xishooday waxaan arkay inaan bilaa dhar ahay, wixi dhacayna waan fahmay halkii ayay Nolol murug leh igu bilaabatay. Sucaad intey hadalka uga Sheekenaysay Saacid wejigiisa wey eegi weyday. Saacid intuu aad u naxay uu Istaagay, hadana Fadhiistay ayuu dhahay Raggaas sharaftaada ayay ku ciyaareen sow maaha, laakin waxaas sideed iiga qarisay dhibtaas maxaa keli isaga dhigtay, adiga khalad miyad leedahay. Lasoco qeybta xigto ama part
🔟
gor dhow....!
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start