View in Telegram
1:- Waqtiga iyo Maareyntiisa • Garashada Qiimaha Waqtiga: Waqtiga waa hanti qaali ah oo qof walba uu leeyahay, mana soo noqon karo marka uu lumo. Waqtiga waa inuu qofku ku bixiyo camal wanaagsan, cibaado, iyo horumar nafeed. • Mudnaanta Hawlaha: Kala hormari hawlaha muhiimka ah si waqti badan loogu helaa waxyaabaha faa'iidada leh. Adeegso farsamooyin sida qorsheynta iyo samaynta jadwal (to-do list). 2:- Ka Fogaanshaha Luminta Waqtiga: Waxaa ka mid ah waxyaabaha waqtiga lumiyo: 1. Sheeko aan faa’iido lahayn. 2. Isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada. 3. Mashquul ku noqoshada waxyaabo aan mudnaanta lahayn. Sida Looga Faa’iideysan Karo Waqtiga iyadoo Alle Loo Adeecayo 1. Salaadda iyo Cibaadada: Waajibso salaadda waqtigeeda iyo akhrinta Qur’aanka. Nabigu csw wuxu yiri :- ehlu januhu waxa kaliya ay ka shalyn donan waa daqiqad kaliya oonay ilaahay xusin 2. Shaqooyinka Khayrka Ah: Qofka waa inuu ku dadaalo kaalmaynta dadka iyo ka qayb qaadashada camalka wanaagsan. 3. Joogteynta Xikmadan Wanaagsan: Samee camallo wanaagsan oo yar yar laakiin joogto ah, sida Nabigu (NNKH) uu sheegay: "أَحَبُّ الْأَعْمَالِ إِلَى اللَّهِ أَدْوَمُهَا وَإِنْ قَلَّ." (رواه البخاري) Waa inaad marnaba firaaqo ka yeelan cibaadada xataa haday daqiiqad tahay hakugu dhaafto adoo dikriga afka ku haya Gabagabo: Waqtigaaga ku maaree qorshe wanaagsan, kana fogow waxyaabaha khasaaraha ah. Waqtigaaga u hibee Alle, si uu u noqdo mid barako leh oo noloshaada guul u horseeda. Towbada, dadaalka, iyo sabarka waa jidka guusha adduun iyo aakhiro. Taas macnehedu maaha wakhti nasasho ma lihi miya ? Wakhtigaaga hadada maareyso waxkasta waad qaban karta ha ahaato nasasho kugu filan , inaad familka wakhti la qaadato, inaad ka warhayso asxbtada , inaad qof cawiso adoo arimahagana xaliyay intasba waxad ku rumeyn kartaa Wakhtigaaga ood maareyso Qoraga buga :- İbrahim al fiqi Turjumaaga :- ismaciil tukaale cilmi
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily