Waxaa laga weriyey Ibraahiim bin Adham - allaah ha u naxariistee - wuxuu yiri:
“Waxa isoo gaaray in Cumar bin Cabdul Casiis uu ku yiri Khaalid bin Safwaan: "i wacdi soona gaabi".
Khaalid wuxuu yidhi: Amiirul-mu’miniinow, waxa jira dad kadisay asturida alle kor ahaaye, fitneesayna ammaanta wanaagsan, ee yeyna aqoon-darrada dadka kale kuu qabaan ka badan aqoonta aad naftaada u leedahay, annaga iyo adigaba alle hanaga ilaaliyo kuwa asturidda alle kadisay, ammaanta dadkana ku farxa, wuxu alle ku waajibyayna ka dib dhaca oo ka gaabiya, una iilada hawadooda.
Tilaabada ugu horreysa ee uu ibliis dadka u qaado waa in uu ka jeediyaa cilmiga; maxayelay cilmiga waa nuur, markuu iftiinka ka damiyo ayuu mugdiga ku qabtaa siduu doonana ka yeelaa.