WAANO KOOBAN OO AAD U XEEL DHEER:
Waxaa laga weriyey Ibraahiim bin Adham - allaah ha u naxariistee - wuxuu yiri:
“Waxa isoo gaaray in Cumar bin Cabdul Casiis uu ku yiri Khaalid bin Safwaan: "i wacdi soona gaabi".
Khaalid wuxuu yidhi: Amiirul-mu’miniinow, waxa jira dad kadisay asturida alle kor ahaaye, fitneesayna ammaanta wanaagsan, ee yeyna aqoon-darrada dadka kale kuu qabaan ka badan aqoonta aad naftaada u leedahay, annaga iyo adigaba alle hanaga ilaaliyo kuwa asturidda alle kadisay, ammaanta dadkana ku farxa, wuxu alle ku waajibyayna ka dib dhaca oo ka gaabiya, una iilada hawadooda.
Wuxuu yiri: wuu ooyay, markaas buu yidhi: Ilaahay annaga iyo idinkaba ha naga ilaaliyo raacida rabitaanka nafta.
الزهد الكبير للبيهقي: (١٨٧/١)