🇶🇦🇵🇸 Ugu dambayn, Qatar ayaa ka codsatay hoggaamiyeyaasha Hamas inay dalkeeda uga baxaan si degdeg.
Arintaan ayaa timid kadib markii xam"""s ay diiday heshiiskii ugu dambeeyay ee ku saabsanaa sii deynta maxaabiista, sababta ay xam"""s u diidayna waa in aan waxba laga soo qaadin shuruudihii ay wadatay, oo ay kamid ahaayeen in ciidamada gumaystaha ay ka baxaan guud ahaan Gazza iyo in loosoo daayo dadka Falastiiniyiinta ah ee ku jira xabsiyada Isra4l.
Talaabadaan inay qaado Qatar waxaa ku amray maraykanka.
✅️ In laguxisabiyo da'da uu jiro ciwankada telegram ka ✅️ In lagugu qimeyo airdrops hore ton kudhisna kuwa suuqa yaalo ✅️ Ina ciwano gaar ah follow dhahdo
" Kuwa kaa maqan waqtiyada adag waa inay maqnaadaan weligood.
Maxamuud Darwiish
" Imisa diiq ayaa aaminsan in waagu uu ku beryayo cidooda, sidoo kale imisa doqon ayaa u malaynaya in aysan noloshu soconayn iyaga la'aantood.
Maxamuud Darwiish
“ Waxa iga dhiman Waxaa laga yaabaa inay tahay rajo laga yaabee inay tahay illowsho, laga yaabee inay tahay saaxiib, laga yaabee inaan aniga ahay.
Maxamuud Darwiish
“Maalin uun waxaad noqon doontaa oo kaliya xusuus ku jirta qalbiyada dadka qaar. Hubi in xusuustaadu noqoto mid qurux badan.
Maxamuud Darwiish
" Hooyo waan ku jeclahay in badan intii aan ogaa, waayo jacaylkaaga wuxuu ku dhex jiraa dhiigayga ma aanan dareemi jirin ilaa aan kaa Soo fogaaday.
Maxamuud Darwiish.
“ Shahaado jaamacadeed baan sitaa afar kitaab baan qoray iyo boqollaal maqaallo ah, markaasaan weli khaldayaa akhriska. Waxaad iisoo qortaa “Subax wanaagsan” waxaan u akhriyaa inay tahay “waan ku jecelahay.”
Maxamuud Darwiish
" Markaad aragto qof wayaha nolosha ay ciilaayan balse aan is dhibeyn, waxaad ogaaneysaa in weli ay jiraan wax loo noolaado.
Maxamuud Darwiish
" Waxa aan haystaa xasuus iigu filan in aan kaligay shaahayga kucabo maqaaxi ay dadku u arkaan in ay maran tahay lakiin ay ka buuxaan dad iga maqan oo maankayga camirtay.
Maxamuud Darwiish
" Tan iyo markii aad dhalatay waxa aad ula dagaalameysey nolosha in aad si nabad ah ugu gaarto geeridaada
3- Murugada ugu weyni waa qoyskaaaga waxay kuu murugoon doonaan toddobaad, laba toddobaad, bil ama sanad dhan laakiin aakhirka way iska kaa ilaawi doonaan oo xasuustooda waad ka hari doontaa.
Qisadii aduunyo sidaas ayay kudhamaanaysa
Quruxdaadi iyo dadkaagiba waad is nabad galyayseen😭waxaa kugu soo hadhi oo keliya waa camalkaag , mid xun iyo mid wanaagsan.
“Haddii aan dhimashada ka baqeyno, waxaan ka baqeynaa inaan sariiraheena ku dhimano sida boqorada oo kale, Waxaan ka baqeynaa kaliya inaan kudhimano shilal, waddo istaag, istaroog iyo cudurada lamid ka ah, laakiin maka cabsanayno inaan naftayada u hurno diinteena, dalkeena iyo sharaf keenaba."
Sinwaar waxa uu ka dhabeeyay balankii uu qaaday waxa uuna kudhintay si geesinimo leh muuqaalkii ugu dambeeyay ee ay kaduubeen waxaa ka muuqday isaga oo kursi ku fadhiyo hadana gacanta midig ka go'an tahay tan bidixna dhaawac kasii ah in uu dagaalamayay.
"Wuxuu xujo iiga dhigay inaan isku dhiibo marka hore ama qudbo siro isku guursano, kaaga daran waa xaasle caruuri u joogto"
Anoo xirfad leh misna aqoon leh baan Maanta nolosha quus ka ahay, waxaan jiraa 25 sano, jaamacad baan ka baxay, wax walbana markaan dhameeyey qabil bay nodeen, Xitaa qabiil ahaan kuwa wax lagu tuhmo baan ku jiraa laakiin waxaan ahay dadka dad kale wax ku cunaan Magaceygii iyo mataladdii aan lahaa.
Waalidkay waa danyar degan tuulo, Cilaan saaris baan bartay oo xirfad baan leeyahay iyo make upka, Fursado badan oo isoo maray dhaqaalo la'aan baan uga haray,
Markii dadkii wax igu matalayey dhabarka ii jeediyeen, waxaan maciin baday Nin aqoon yahan ah oo xiriir naga dhexeeyey, wuxuu xujo iiga dhigay inaan isku dhiibo marka hore ama qudbo siro isku guursano, kaaga daran waa xaasle caruuri u joogto,asagoo ii raacshay shaqo tan ugu wanaagsan oo NGO Garoowe iga siin doono shaqo, Maadaama faculty aan bartay uu relationship la leeyahy Organizations kaas.
Marka xirfad Shaqo iyo gacan qabad bay rabtaa, shaqana inaad sharafkaaga waydid bay rabtaa, illaahey inuu faraj ii furo anoo sharafteyda wata iisoo duceeya Walaal Dadkaaga iigu so bandhig qoraalka laga yaabee qof ka mid in ducadiisa la ii aqbalo.
Mida kale ragga waxaan oran lahaa please gabdhaha duruufta idin baday ha isku day ina inaad sharafkeeda kaga baddalataan wax laheli karo lana waayi karo.
Gabdhahana mid baan leeyahay, baahi walba iyo qalbi jab walba aad qabto sharafkaaga ha ku doorsan shaqo iyo inaad dhibka ka baxdo, Illahey ba faraj kuu furi doona iska joog adoo sharfan, illaaheyna aan dambi ka galin,hadaad wax kale waydaan sabirka badiya, illaaheyna barya.
Nooca telefoon ee u dambeeyey, gaadhiga ugu xawaare dheereeya, iyo fiiqsashada dhalada ugu qaalisan ee club-ka, kaama dhigi doonaan nin guulaysta, kuumana dhisi doonaan mustaqbalkaaga. Ma waxaad ku fikiraysaa in baraha bulshada oo la iska xayeysiiyaa ay kaa dhigayso madax? Kaama dhigi doonto. Laakiin, nin naanaab ah ayey kaa dhigaysaa. Sababta oo ah, ragga dhabta ah, ee ragganimadu ay dhabankooda ka muuqato, ma ugaarsadaan darreenka dadka. Ragga dhabta ahi wax bay dhisaan, wax bay maalgeliyaan, mustaqbal ayeyna diiradda saaraan. Waxaad iskudayeysaa inaad u muuqatid "lacag", laakiin Dangote iyo ragga lamidka ah lacagta ayey sameeyaan!
Ma waxaad rabtaa in lagu ixtiraamo, oo fadhiga lagaaga kaco? Jooji, haddaba, inaad darreenka dadka raacdaysid ama aad ka qisootid, si joogto ah, guulahaaga, ee taas cagsigeeda diiradda saar inaad xaadir ahaatid, kaqeybqaadatid, aad wax ku darsatid horumarka iyo wacyiga bulshada, aadna ballaadhisid mas'uuliyaddaada. Mustaqbalkaaga waxa kaabaya, shaqooyinkaaga maalinlaha ah, iyo wixii isbeddel ku keenay noloshaada xoogga saar. Waqtiga aad ku bixin lahayd isu muujinta dad aan ku aqoon, ama aadan aqoon, waxaad ku dhisi kartaa wax dhab ah, la taaban karo, oo baaqi ahaan doona.
Dangote uma baahna in uu muujiyo ama ku falaado hantidiisa, waayo; waxa uu ogyahay cidda uu yahay iyo waxa uu dhisayo. Raggu dhacdooyin iyo akhbaaraad la tebin karo ayey sameeyaan iyaga oo aan qaylin. Ma uu daryeelayn in uu iska muujiyo hantidiisa; waayo, waxqabadkiisa ayaa u hadlayey. Waxaad u baahan tahay in aad joojisid danaynta ismuujinta, aadna billowdid in aad diiradda saartid waxa dhabta ah. Halkii aad nooca telefoon ee u dambeeyey aad iibsan lahayd, wax kobci kara ku maalgasho lacagta. Halkii aad lacagta ku bixin lahayd iibsashada dhar, ku maalgasho ganacsi aad leedahay oo kuu kala socon kara. Halkii aad saacadaha habeenkaaga ku qaadan lahayd kalaabyada iyo meelo is-istaag aan dheefi kigu jirin, ku bixi korinta iyo kashaqaynta ahdaaftaada iyo maalgashiga aayahaaga.
Hantida dhabta ah ma catowdo, umana baahna in lagu falaado; sababtoo ah, waa ay muuqataa. Marka aad wax dhab ah ku dhisaysid uma baahnid inaad ka qaylisiisid oo muujisid. Uma baahnid in qofna aad u caddaysid wax ama iska dhaadhicisid. Dunida ayaa arki doonta, ixtiraam, qaddarin iyo weynayn ayaana soo raaci doona.
Wax ka baro ragga sida Dangote, ragga aan ismuujinin, ragga aan danaynin waxyaalaha dunida u cusub, ragga ku mashquulsan in ay reebaan dhaxal. Taasi waa awoodda dhabta ah, taasi waa guusha dhabta ah. Sidaasi darteed, ragow, waa waqtigii aan jiifka ka kici lahayn. Jooji ugaarsiga darreenka dadka. Jooji in aad lacagtaada ku bixisid waxyaalaha aan macnaha lahayn. Maalgeli noloshaada, maalgeli mustaqbalkaaga, ka tali aayahaaga, oo billow in aad dhistid wax dhab ah oo baaqi ahaanaya. Sababta oo ah, dhammaadka marka la gaadho, ragga dhacdooyinka sameeyey uma baahna in ay qayliyaan!
Sawirkan hoos kaaga muuqda, waa Aliko Dangote, ninka madowga ah ee ugu hodansan dunida. Si fiican u eeg. Kama laalaaddo qoortiisu silsiladda Cuban, ma uu xidhna Fendi polo soojiidasho leh, curcurkiisu kuma xidhna Rolex ifaysa, kuma dahaadhna indhihiisu ookiyaalaha D&G (Dolce & Gabbana), ma uu gashana Balenciaga joggers, mana uu illana kabaha Nike. Xataa iskuma tahlo in timihiisa uu midabeeyo. Sidaas oo ay tahayna, waa Dangote, weli waa Dangote, waa ninkii boqortooyo dhisay. Waa ninka magaciisu uu dunida ka kasbaday xushmad.
Haddaba, waa adiga. Waa adigan qadaadiic yar akoon ku haysta, ay adag tahay in uu badbaado oo nololmaalmeedkiisa helo! Iyada oo sidaas ah, haddana waxa ugu horreeya ee maankaaga ku soo dhacaa waa in timahaaga aad raamaysid, aad iibsatid nooca iPhone ee u dambeeyey, aadna yeelatid alaabaha ugu qaalisan ee dunida. Waxaad rabtaa inaar xidhatid dhar la naqshadeeyey, aadna hubsatid in qof walibaahi uu ku yaqaano. Waxaad iska muujisaa, oo iska qaadqaaddaa, baraha bulshada, adiga oo la soo gole-tagaya qolal sida hoteello ah, muujinayana in aad ku nooshahay halkaas, iyada oo xaqiiqadu ay tahay in aad la daalaadhacaysid helitaanka baahiyahaaga aasaasiga ah! Waxaad rabtaa inaad kaxaysid gaadhi qaali ah oo qiimihiisa aadan gooyi karin. Waxaad rabtaa in masraxyada iyo goobaha qoobkaxiyaarka lagu dheelo aad ku fiiqsatid dhalo Pop ah, ayna hareerahaaga soo tubtaan naagaha ilqabadka leh, adiga oo ku fikirayo in kuwaasi ay kaa dhigayaan qof! Ka kac hurdada, ragow!
Dadka sameeya dhacdooyin xusuus leh iyo akhbaaraad la tebin karo (news) ma qayliyaan. Ha kaa daadegto taasi. Eeg Dangote, uma uu baahna in uu soo jiito darreenka (attention-ka) dadweynaha, uma uu baahna in hantidiisa, xeerarkiisa iyo saamayntiisaba uu kala hadlo dadka kale. Waxa uu dhisay wax baaqi u sii ahaanaya jiilasha ina xiga, umana uu baahna in uu xidho waxsoosaarkii u dambeeyey ama uu ku falaado hantidiisa. Wuxuu diiradda saaray wixii u mudnaa, oo ah: dhisid, maalgelin iyo abuurid.
Adiguse, waxaad iskudayeysaa in dhaqaaqii aad samaysidba u soo muujisid dadka. Waxaad ku fikiraysaa in maqaamku uu ku yimaaddo waxa aad xidhan tahay, nooca gaadhi ee aad waddid, iyo waxa aad soo post-garaysid. Waad qaldan tahay haddaba. Maqaamku, waxa uu ka yimaadaa waxa aad dhistay, waxa aad ka qeybqaadatay, iyo saamaynta ugu dambaysa ee aad reebtay. Waxaa aad ugu mashquulsan tahay in aad u muuqatid qof hodan ah, halka ay ahayd in aad ku mashquushid sidii aad ku noqon lahayd hodan. Waxaad ugaarsanaysaa kasbashada darreenka dad aan danayn kuu hayn oo adiguna aan door kuu lahayn, halka ragga, sida Dangote, ay ku mashquulsan yihiin dhidib-u-taagidda hanti aan iyaga kaliya kaafinayn ee sidaas oo kalena waxtaraysa jiilasha ka dambeeya.
Aan haddaba mid kuu sheego: hodantinimada dhabta ahi waa aamusnaan, ismuujin la'aan. Dadka hodanka ah hantidooda kuma ay bixiyaan wax ay haystaan; sababta oo ah, ma ay rabaanba. Uma baahna in qofna ay u caddeeyaan wax (in ay hantiile yihiin, guulaystaal yihiin, iqk). Waxay aad ugu fooggan yihiin shaqo, shaandhayn iyo maalgelin ay ku samaynayaan wixii mudan. Adigana waxaad lacagtaada ku beeldareenaysaa waxyaabo aan macno sii ridan lahayn, jacaylkaaga ayaad ku qarashgareenaysaa waxyaabo aan xataa dhudhun inla'eg kuu dhaweenayn xorriyad dhaqaale. Taasi waa sababta aad horumar u gaadhi la'dahay!
Dangote boqortooyadiisu kuma uu dhisin lacagta oo lagu beeldarreeyo alaabo la naqshadeeyey iyo bannaamaha oo loo caways doonto xilliyada habeenka. Laakiin, wuxuu boqortooyada ku dhisay samaynta dhaqaaq laga fiirsaday, iyada oo uu maalgelinayo warshado abuuri kara dhaqaale, iyada oo diiradda la saarayo qorshe fog, ee aan la eegayn kaliya qorshe dhow iyo baahi taagan. Wax rabitaan ah uma uu haynin in uu u muuqdo hantiile, ee waxa uu danaynayey in uu noqdo hantiile.
Ragow, waa waqtigii aad si toos ah u abbaari lahayd wixii mudnaan kuu leh. Jooji in aad isku muujisid dadka aan ku daneenayn, dadka ilooba magacaaga isla marka aad libdhatid. Jooji in aad lacagtaada ku bixisid waxyaabo aan macno lahayn.