👍Halbeega Hadafkaaga
Si uu hadafkaagu u noqdo mid saxan ama khaldan, waa in aad ku imtixaantaa halbeeggan. Haddii uu ka soo baxo halbeeggan, waa hadaf dhab ah lagaana rabo in aad ka dhabayso. Haddii uu ka soo bixi waayo, waa hadaf dhayal 139 ah oo aadan u baahnayn in aad waqtigaaga qaaliga ah ku lumiso
1: Hadaf cad: Hadafkaagu waa in uu noqdaa mid xaddidan oo cad. Tusaale, waa adiga oo dhaha waxaan shahaadada PhD ka qaadanayaa cilmiga xisaabaadka ganacsiga. Haddafkan waa mid xaddidan oo cad, meesha haddii aad tiraahdo waa in aan cilmiga ka gaadhaa Phd aad ku dhex lumayso, waayo, cilmigu waa bad. Horayna waxaa loo yidhi, “Qofka raadiya waxoo dhan, waxoo dhan ayuu waayaa.” Hadafkaagu markuu kuu cad yahay waxaad noqonaysaa mid u hamuumyo qaba, waana meesha ay Soomaalidu ka tiraahdo, “Nin ay meel u caddahay meeli ka madow.” 2: Waa in uu yahay wax la cabbiri karo. Guri marka la dhisayo waxaa la soo qaataa qalab lagu cabbiro inta mitir ee uu yahay, laguna xisaabiyaa waxii dhisme ee galaya.
Hadafkaaguna waa in uu yahay wax la cabbiri karo oo macquul ah. Hadduusan ahayn mid cabbiran, dadaalkaaga ha ka dhigin hal bacaad lagu lisay.
3: Hadaf la lagaadhi karo: Qofku hadduu qabsado wax aan la gaadhi karrin oo mustaxiil ah wuxuu noqonayaa in uu waqtigiisa ku lumiyo riyo aan rumoobeyn. Sidaas darteed, hadafkaagu waa in uu noqdaa mid la gaadhi karo oo waa in aad noqotaa qof uu caqligu hoggaamiyo. Yeysan xamaasaddu ku hoggaamin.
4: Hadaf xaqiiq ah: Hadafkaagu waa in uu yahay mid salka ku haya dhabta. Haddii uusan salka ku hayn xaqiiqda, waa in aad iskaga tagtaa taana waxaad ku ogaanaysaa in aad adeegsatid caqligaaga, lana tashatid dadka garaadka iyo aqoonta uu Eebbe siiyey.
5: Hadaf go’an: Hadafkaagu waa in uu leeyahay waqti go’an. Tusaale, in aad tiraahdo shanta sano ee soo socda waxaas ayaan gaadhayaa.
Hadafkaagu hadduu ka soo baxo halbeeggan shanta qodob ah waa mid xaqiiq ah oo keliya waxaad u baahan tahay in aad gashatid hugii aad ku xaqiijin laheyd
📖Buuga qiimaha wakhtiga iyo Quudhsiga Aadanaha
https://t.center/shafaqo1