"Wuxuu xujo iiga dhigay inaan isku dhiibo marka hore ama qudbo siro isku guursano, kaaga daran waa xaasle caruuri u joogto"
Anoo xirfad leh misna aqoon leh baan Maanta nolosha quus ka ahay, waxaan jiraa 25 sano, jaamacad baan ka baxay, wax walbana markaan dhameeyey qabil bay nodeen, Xitaa qabiil ahaan kuwa wax lagu tuhmo baan ku jiraa laakiin waxaan ahay dadka dad kale wax ku cunaan Magaceygii iyo mataladdii aan lahaa.
Waalidkay waa danyar degan tuulo, Cilaan saaris baan bartay oo xirfad baan leeyahay iyo make upka, Fursado badan oo isoo maray dhaqaalo la'aan baan uga haray,
Markii dadkii wax igu matalayey dhabarka ii jeediyeen, waxaan maciin baday Nin aqoon yahan ah oo xiriir naga dhexeeyey, wuxuu xujo iiga dhigay inaan isku dhiibo marka hore ama qudbo siro isku guursano, kaaga daran waa xaasle caruuri u joogto,asagoo ii raacshay shaqo tan ugu wanaagsan oo NGO Garoowe iga siin doono shaqo, Maadaama faculty aan bartay uu relationship la leeyahy Organizations kaas.
Marka xirfad Shaqo iyo gacan qabad bay rabtaa, shaqana inaad sharafkaaga waydid bay rabtaa, illaahey inuu faraj ii furo anoo sharafteyda wata iisoo duceeya Walaal Dadkaaga iigu so bandhig qoraalka laga yaabee qof ka mid in ducadiisa la ii aqbalo.
Mida kale ragga waxaan oran lahaa please gabdhaha duruufta idin baday ha isku day ina inaad sharafkeeda kaga baddalataan wax laheli karo lana waayi karo.
Gabdhahana mid baan leeyahay, baahi walba iyo qalbi jab walba aad qabto sharafkaaga ha ku doorsan shaqo iyo inaad dhibka ka baxdo, Illahey ba faraj kuu furi doona iska joog adoo sharfan, illaaheyna aan dambi ka galin,hadaad wax kale waydaan sabirka badiya, illaaheyna barya.
W/Q Kaaha Cabdi.