"Waxaan rajaynayaa in dhammaan dadku ay noqdaan kuwo Magac leh, hodan ah, caanna ah, oo ay helaan wax walba oo ay rabaan, si ay ugu dambayntii u ogaadaan in tani aysan ahayn xalka."( Yacni in weli dhibaatadu ay sii jirto kk)
Ila qoob ka ciyaar illaa iyo dhammaadka dunida. Aynu wada qosolno marka xaaladuhu ugu murugo badan yihiin. Ina keen aynu ka dhuumanno marxaladaha cakiran, waxa aynu sidii dhallaankii xero iyo guryo ciid ka samaysan, ka dhisanaynaa xeelliga xeebta.
ila safar, safar aan jiho lahayn. Aynu wada booqanno guryaha taariikhda leh iyo kuwa la iska hilmaamay ba. Aynu jidka ku sii aragno wax walba oo indhuhu jeclaystaan wax kasta oo qalbigu diido. Aynu markhaati ka noqonno bilaabashada nolosha dad aynaan aqoon. Waxa aan booqanaynaa isbitaal aynaan garanayn magiciisa, waxa aan si habqan ah u dooranaynaa hooyo ummulaysa, waa aan sugaynaa inta ay ka dhalayso. Waxa aan siinaynaa ubaxyo iyo hadiyado, waxaana ugu bishaaraynaynaa in ilmahaas yar dunidu u noqoto mid soo dhawaysa. Ayaga oo na la yaabban ayaan ka tagaynaa, annagoo ku faraxsan ficilka aan samaynnay.
Ila dhadhami wajiyada ka la duwan ee nolosha. Aynu is yeelanno xilli walba. Aynu si baraad leh iyo si baraad la’ ba marwalba is dooranno. Aan noqdo farxadaada koowaad, iyo murugadaada u dambaysa. Aan dunida laxankeeda u dhagaysanno sida violin wiil yar oo gacan macaani laamiga dhiniciisa la taagan yahay.
Ila qor, qisada filinkeenna qabyada ku dhammaan doona. Aynu u noolaanno sida laba jilaa oo ku jira filin uu farsameeyay, mid kamid ah directors ka wax qabadkooda loogu jecel yahay. Aan ka dhigno nolosheenna mid raacaysa script si qalad la’aan ah uu u qoray, qoraa fan jacaylka noloshiisa u hibeeyay.
"Waxa jira qof kuu yaqaanna geesi, iyo qof kuu yaqaanna fulay. Waxa jira qof kuu arka adke, iyo qof kuu arka daciif. Waxa jira qof aad la fiican tahay, iyo mid aad la xun tahay. Waxa jira qof kuu arka inaad tahay qase, iyo qof aad la tahay xasiliye.
Dadka qaar markay ku arkaan way didaan, halka qaar kalena ay nabadgelyo ku dareemaan agtaada. Dadka qaar waxay kuu arkaan inaad ku tahay dulsaar, halka ay qaar kale kuu arkaan inaad u tahay hadiyad.
Hadana waan ka noolahay, oo uma dhiman ayuu si iska caadi ah u yidhi, ma ahan qiso aan jeclahay inaan ku celiyo, laakiin rag baan sheeko daynine bari hore ayaan ka tahriibey deegaanka somalida, mana aan sii fogaanine waxaan gaadhey South Africa oo markaas shaqo wanaagsan la iigu sheegay, waxaan wax la qabay raggii wadankaas daganaa barigaas, dhib iyo dheefba. In muddo ah haddii aan joogey waxaan noqdey mid dadaal ku suntan, hanti kuus ahna waan tabcay. Dukaan aan anigu tabcay ayaan markii dambe dhex fadhiistey, ilaa aan kaligey ku filnaan waayo oo aan dhalinyaro kale xataaa soo shaqo galiyo, oo intaasuun kuma ekayn ee ehelkaygiina nin si joogta ah wax u tara ayaan ahaa, anoon ilaawayn inaan caasimada deegaankana hanti ma guurto ah oo guri villa ahi ugu horeeyey ka yagleeyey.
Nin nastey oo markan dhogor goostey baan ahay, qaarkiin waxaad igu tilmaami lahaydeen nin ladan, hase ahaatee noloshu isuma kaa tilmaantee waxaan markale u hanqal taagay sidii aan Mareykan ugu dhoofi lahaa, hunguriga safarkaas iga galay ayaa horseeday inaan iibiyo dukaankii camirnaa ee aan kulahaa South Africa, waloow aan odhan karo waan xaraashay, maadaama shucuurteydu kacsanayd.
Haddii aan gudo galay safarkeygii, oo aan iibsadey passport iyo tickets qaali ah, waxaa nasiib darro la iga soo celiyey wadanka Mexico oo masaafo yar u jira meeshii aan u socdey, anigoo markaas si wayn u niyad jabsan oo aan gacanta wax badan iigu jirin ayaan jigjiga imid, markale gurigii aan lahaa ayaan gadey, waxaana ku noqdey isla wadadii, haddase waxaa markale la iga soo celiyey Panama !
Guri, sharci iyo ganacsi anigoon midna hayn, oo wareersan ayaan markale u tahriibey South Afrika oo aan shaqaale ka noqdey isla dukaankii aan iska iibiyey ee aan anigu lahaaa ! Marka waa dhab in raggu wax walba maro, ka dhaliyaay mooyee. Guntiga dhiisha isaga dhig, oo wajah nolosha, waxba wali maadan arage ayuu ku yidhi mid ay shaah wadaagayeen.
Dadka guryahooda jaceylka ku heysta, ee qalbi ahaan xasillooni, marka ay bulshada dhex galaan, waxa ay raadiyaan cid ay wada shaqeeyaan, cid ay wax wada bartaan, cid ay khibrado wada kasbadaan, cid ay aragtiyo ku midoobaan iyo cid ay si siman u sheekeystaan, una kaftamaan.
Laakiin dadka guryahooda jaceylka ka waayay, ee qalbi ahaan dhaawaca u dareemayaa, marka ay bulshada dhex galaan, waxa ay raadiyaan cid jeclaata, cid fahanta, cid ammaanta, iyo cid u naxariisata.