Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Xalku Waa Islaam" oo lagu qabtay dalka Sweden bartamihii 2003, ay ka qayb galeen cullimmo badan oo caan ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil, Sheekh Maxamud Shibli, Sheekh Maxamed Idiris iyo culimo kale. Sheekh Mustafe ayaa loo dhiibay cinwaan ah "Waxbarashada Carruurta" waxaana uu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda manhajka waxbarashada ee dalka.
Sheekh Mustafe ka hor inta uusan muxaadaradiisa bilaabin, waxa uu soo bandhigay dood muhiim ah oo ku saabsan manhaj dejinta. Wuxuu keenay su’aal muhiim ah: "Ka hor inta aan la dejin manhaj, ma la yaqaannaa qofka manhajka loo dejinayo?" Wuxuu carrabka ku dhuftay in qaangaarnimada qofka Yurub ay tahay 18 jir, taas oo micnaheedu tahay in qofka ka yar da'daas uu weli u baahan yahay in la dhiso garaadkiisa iyo shaqsiyaddiisa. Wuxuu tilmaamay in manhajka waxbarashada Yurub uu ku salaysan yahay hadba baahiyahooda iyo deegaanka ay ku nool yihiin.
"Qofka Soomaaliga ah, immisa sano ayuu qaangaarayaa?" Wuxuu tusaale u soo qaatay haddii cunugga 12 sano lagu haayo nidaamka iskuulka, kadibna 5 sano lagu daro nidaamka jaamacadeed ay muhiim tahay in la is waydiiyo qofkaas markii uu dhammaysto nidaamkaas, ma yahay mid xirfad leh oo xal u heli kara dhibaatooyinka nolosha?
Wuxuu si gaar ah u xusay baahida loo qabo manhaj waxbarasho oo waafaqsan dhaqanka, da'da iyo diinta Isalaamka si loo helo jiil leh xirfad, aqoon iyo akhlaaq wanaagsan, kuwaas oo awood u leh inay la jaanqaadaan waaqica dunida iyagoo aan ka tagin aqoonsigooda iyo qiyamka Islaamka.
Muxaarada Sheekh halkaan ayaad ka daawan kartaa
👇https://youtu.be/monbph4-HoU?si=6s4c4wNELCZox-vJXigasho : Bulaale
@Albaanichannel252