View in Telegram
Ila qoob ka ciyaar illaa iyo dhammaadka dunida. Aynu wada qosolno marka xaaladuhu ugu murugo badan yihiin. Ina keen aynu ka dhuumanno marxaladaha cakiran, waxa aynu sidii dhallaankii xero iyo guryo ciid ka samaysan, ka dhisanaynaa xeelliga xeebta. ila safar, safar aan jiho lahayn. Aynu wada booqanno guryaha taariikhda leh iyo kuwa la iska hilmaamay ba. Aynu jidka ku sii aragno wax walba oo indhuhu jeclaystaan wax kasta oo qalbigu diido. Aynu markhaati ka noqonno bilaabashada nolosha dad aynaan aqoon. Waxa aan booqanaynaa isbitaal aynaan garanayn magiciisa, waxa aan si habqan ah u dooranaynaa hooyo ummulaysa, waa aan sugaynaa inta ay ka dhalayso. Waxa aan siinaynaa ubaxyo iyo hadiyado, waxaana ugu bishaaraynaynaa in ilmahaas yar dunidu u noqoto mid soo dhawaysa. Ayaga oo na la yaabban ayaan ka tagaynaa, annagoo ku faraxsan ficilka aan samaynnay. Ila dhadhami wajiyada ka la duwan ee nolosha. Aynu is yeelanno xilli walba. Aynu si baraad leh iyo si baraad la’ ba marwalba is dooranno. Aan noqdo farxadaada koowaad, iyo murugadaada u dambaysa. Aan dunida laxankeeda u dhagaysanno sida violin wiil yar oo gacan macaani laamiga dhiniciisa la taagan yahay. Ila qor, qisada filinkeenna qabyada ku dhammaan doona. Aynu u noolaanno sida laba jilaa oo ku jira filin uu farsameeyay, mid kamid ah directors ka wax qabadkooda loogu jecel yahay. Aan ka dhigno nolosheenna mid raacaysa script si qalad la’aan ah uu u qoray, qoraa fan jacaylka noloshiisa u hibeeyay. – Faadumo Alimaad
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily