Waxaan meel ka akhriyay odhaah sidan u dhigan:
"Waxa jira qof kuu yaqaanna geesi, iyo qof kuu yaqaanna fulay. Waxa jira qof kuu arka adke, iyo qof kuu arka daciif. Waxa jira qof aad la fiican tahay, iyo mid aad la xun tahay. Waxa jira qof kuu arka inaad tahay qase, iyo qof aad la tahay xasiliye.
Dadka qaar markay ku arkaan way didaan, halka qaar kalena ay nabadgelyo ku dareemaan agtaada. Dadka qaar waxay kuu arkaan inaad ku tahay dulsaar, halka ay qaar kale kuu arkaan inaad u tahay hadiyad.
Adduunku wuxuu kugu qiimaynayaa aragtidiisa gaarka ah; adduunkuna weligii iskuma waafaqayo qeexidda shakhsiyaddaada. Sidaa darteed, waxa habboon inaad u noolaato sida dhabta ah ee aad adigu qalbigaagu ku hubto."
—Turjumid Cali ileeye