Bulsho isku dhaqan ah haddana aan is arki karin,Isku diin ah haddana aan dhinac u wada jeedin,isku midab ah haddana birta iskawada aslaaya, Isku luuqad ah haddana aan isfahmayn.
Kuwo marka uu mid liico ka kale ku tiiqtiiqsanaayo. Kuwo qolo horumarkoodu yahay marka ay ta kale ka hoosto. Kuwo lib sheegashadoodu tahay tankale laciifnimadooda.
Dadyow ku guuldaraystay sida loo noolaado laakiin aad u bartay oo ku baraarugsan sida la iskaga dhinto.
Weligaa ma is tidhi maalin ayaan nasan doonaa, maalin ayaan farxi doono, maalin ayaan deganaan heli doonaa, maalin ayaan noqon doona qof noloshiisa ku nool. Weli ma isku tidhi markaan jaamacadda dhammeeyo ayaan hawshaa qaban doonaa, marka hawsha dhoofku ii soo dhammaato ee aan qurbaha tego ayaan noloshayda u shaqaysan doonaa. Weli naftaada sidaas ma ula hadashay?
Waa dareen xun oo maanka iyo qalbiga raadeeyaa. Qofku waa saacadda uu nool yahay, timaadda ama maalinka uu rejaynayaa waa wax aan la hubin, maalinkaas aad nayaayirada abdeynayso waxa aad la mid tahay qof male ku gudaya.
Waxaa laga yaabaa mustaqbalka aad rejaynayso in aadan kuba jirin. Saacaddan aad nooshahay ayaa ah waxa la hubo, wax la hubana ha beeneyn, saacaddaad aad nooshahay sidii oo ay tahay tii ugu denbaysya ugu nooloow.
Waxa aad arkaysaa qof dhoof sugaya oo jooga Kambala, Nayroobi ama Addiis. Qofkaas sannado badan ayuu samrayaa in uu baxo, se hal xirfada intaas sii baranmaayo, luuqadda waddankaas baranmaayo, shaqo uu noloshiisa intaas ku sii dabaro na qabanmaayo. Waa qof nolol qabyo ah nool.
Aan kuugu celiyo, waxaa laga yaabaa mustaqbalkaad filanayso in aadan ku jirin saaxiib, ee maalinkaaga nooloow, saacadda aad nooshahay ku raaxayso. Noloshu waa maanta, berina u qalab qaado ee ha noqon qof beri nool.