Qodobo akhlaqiyaadkeena anfacaya.
1.Haddii aad qof wax kula talinayso ugu horeyn naftaada ka eeg talada kowaadna ayada sii intaanad cid kale u gudbin
Haddii kale waad is dulmiday.
2. Mar walba dhaqankaaga iyo ficiladaada ka warhay
Afkaagana bar erayada qurxoon. ogow hadba qaabka aad u hadasho ayaa ka marqaati ah qofnimadaada.
3.Isku miisaan noloshada caadiga ah iyo midda baraha bulshada(social mediah).
waxa jira dad baraha bulshadana waji kuleh nolosha caadiga ahna midkale,
Ogow midaasi waxay dulmi iyo diiqada ku tahay nafsadaadda.
4.Waxwalba si dhab ah ama seriously ah ha uqaadan waad farxad guuraysa waxwalibana way kaa cadhaysiin doonaan.
5. Awood u yeelo in aad caadifaddaada kantorooli karto.
6.Wax walba ha rumaysan taa badalkeeda iskuday in aad adigu xaqiijiso
Ogow casrigani ma aha kii aad cid wax u daba fadhiisan lahayd
Adiga oo hubanti ku heli kara.
@dhigal