لا تخبروني عمن يكرهني او يتكلم عني اويظلمني او يسبني اتركوني اضحك مع الجميع واظن ان الجميع يحبني فرسول الامه يقول لاتنقل لي شأ عن اصحابي فإنني احب اخرج إليكم وان سليم الصدور
Ha ii sheegin qof aniga I dhibsanaayay ama iga hadlaayay ama idulmiyay ama icaayay dhamaantood aan laqoslee Aan umaleeye in dhamaantood I jecel yihiin
hogaamiya umada Nabiga Scw wuxuu yiri waxba ha iiga sheegina Asxaabtayda waxaan rabaa inaan usoo baxo anigoo laabtayda saafi utahay
Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha iyo musharraxa madaxweyne ee xisbiga UCID oo ka mida xisbiyada maamulka Somaliland ayaa sheegay haddii uu doorashada ku guulaysto in gabi ahaanba uu bedeli doono magaca Somaliland.
Guddoomiyaha oo arrimo dhawr ah wax laga waydiiyey ayaa sheegay in magaca Somaliland iyo magackastoo muujin kara astaan Soomaalinimo uu ka fogaan doono, kuna bedeli rabo "Jamhuuriyadda Geeska Afrika”.
Waraabe ayaa dhanka kalena xusay in uu sharci u samayn doono dadka kasoo jeeda Soomaaliya inteeda kale ee ka shaqaysta gudaha Somaliland, wixii kalena uu tarxiili doono.
Heshiiskii xaaraanta ahaa ee Muusi Biixi la galay Abiy Axmed ayuu Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay inuu ahaa raxmad iyo hadiyad xagga Rabbi uga timi.
Waraabe ayaa carabaabay in Itoobiya cidda la dagaallantay ee colaaddu kala dhexaysay ay ahayd Somaliland kadib markii ingiriisku 1964-kii ku wareejiyey Hawd and Reserve Area, taasina ahayd khalad dhacay.
Mar Ina Cail Waraabe la waydiiyey waxa uu kaga duwan yahay musharraxiinta kale ee tartanka kula jirta ayuu sheegay in uu ka tacliin, khibrad iyo cibaadoba badan yahay ragga kale.
"Anuu guri lagu soo taliyeybaan kasoo baxay, awoowgay Suldaan buu ahaa, aabahay awoowyaashay caaqillay ahaayeen, guri talin jiraan kasoo baxay” ayuu yidhi Faysal Cali.
Faysal ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey inuu u hagar-bixi doono dalkiisa inta uu noolyahay si loogu soo daabaco lacagta Somaliland sida maraykanka oo kale.
Hooyadaa way ku dhashay Adigoo oynaya dadkuna hareerahaaga ayey farxad iyo qosol ku jireen sidaa darteed u dadaal naftaada si marka ay oynayaan maalinta geeridaada aad adiga u faraxsanaatid
Noqo mid eysan saameyn ku yeelan, dhawaqyada qallafsan iyo dhaliilaha kakala imaanaya Dadka ku xeeran .
Dadaal oo diirada saar hadafkaada, kuwa badan oo maanta ku liidaya ayaa Berri Gedigaa guushaada isugu soo bixi Doona iyagoo kuu muujinayo iney ku farxeen.
Wiiloow godob baan kaa galay adiga iyo hooyadaaba, Aabbahaa ayaanna igu jujuubey ee Islaanta darxumeysan baa ku dhashay oo Hooyadaa ah, Tan kale muquunaa, laguu siiyey wiilkeediina waa dhintey. Anigaana haddimadaa ka shaqeeyey ee ama i dil ama iska kay cafi. Wiilkii ayaa jidhku dubaaxiyey, waxa uuna dareemay laxawgii uu hayn jirey in uu jirey dhiig isu jiidayey, waxaa u soo baxay, Hadalkii Aayadii ama Eedadii Aabbe ee nin ku jecel dad nool nool ayuu kuu huri karaa.
Waxaa marag u noqday godobta laga galay hooyadii in xoolaha oo dhan ay ku magaacaban tahay Aayadii, hooyadiina Xayn adhi ah oo Ahminka ama Jarka ka soo baxa lagu maamulo, Irmaankeedana lala leeyahay.
Maalinkaa kaddib ayuu go’ aansaday in uu Hooyadii hantida ku wareejiyo, Caanihii geela iyo lo’da ayuu haamo uga buuxiyey. Gurigiina mid kii Aayadii ka weyn ayuu u dhisay, Dharkiina waa ka bedelay, Badarna waa u buuxiyey, Habeen walbana Adhigii xerada kale ayuu neef uga qalay.
Islaantii korsatey baa ka xanaaqday is beddelka wiilka iyadoo dareen ku jiro ayey tidhi, Islaantaan Qumayada ah, Aabbahaa iyo wiilkeediiba iyaday sababsadeene waa maxay naxariistan badan ee aad wadaa?
Wiilkiina waxa uu yidhi” Haddii Aabbahay shalay kuu eexday Eeddo ” Taf aan dhalin dharabi ma qabatee” Maanta adigaa Adeegto, xoola raac iyo xaasaminba lagaa rabaa, Hantidana Hooyadaybaa leh.
Islaantii talaa ku caddaatey”War hooge yaa kuu warramey bay tidh? Markaasuu yidhi Islaantii Umulisada ahayd, ii hooyadey iga qaaday iina kaa soo xaday.
Naxdintii ayey islaantii Eedada ama Aayada ahayd la dhul dhacday, Carìgiina sheekadii baa ku faaftey, iyana waa ka hayaantay Hooyadii dhibanaydna Nabsigaa u hiiliyey oo hantidii iyo wiilkeediiba iyadaa hanatey oo u hadhay.