📚𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐡𝐚𝐧𝐧𝐞𝐥📚

Канал
Логотип телеграм канала 📚𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐡𝐚𝐧𝐧𝐞𝐥📚
@KobciAqoontaada2Продвигать
21,59 тыс.
подписчиков
364
фото
12
видео
286
ссылок
𝙺𝚘𝚋𝚌𝚒𝙰𝚚𝚘𝚘𝚗𝚝𝚊𝚊𝚍𝚊 𝚆𝚊𝚊 𝙶𝚘𝚘𝚋 𝚊𝚊𝚍 𝚔𝚊 𝚑𝚎𝚕𝚒 𝚔𝚊𝚛𝚝𝚒𝚍 ☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝙳𝚒𝚒𝚗𝚒 𝙰𝚑 ☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝙹𝚊𝚌𝚊𝚢𝚕 𝙰𝚑 ☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝚃𝚊𝚊𝚛𝚒𝚒𝚔𝚑𝚒 𝙰𝚑 ☞︎︎︎𝙱𝚞𝚞𝚐𝚊𝚊𝚐 𝙿𝚍𝚏
Suurada 108aad Al-Kowthar

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 3 Aayadood, waxeryna soo Dagatay Suurada Al-Caadiyaat ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Kowthar:

Suuradan waxey ka Hadashaa Fadliga iyo Galada weyn ee uu Allaah (Cw) ugu Nimceeyay Nabi Muxamad, waxeyna Suuradan Nabiga Fartay inuu joogteeyo Salaada iyo Hadiyagana (waa Xoolaha Xaramka lagu Gowraco Xiliga Xajka) Gowraco si uu Allaah uga Mahad Celiyo Nicmooyinka lagu maneestay.
Mowduuca: saamaynta dagaalka bariga dhexe iyo qaza uu ku leeyahay somalida.

Kala soco doodan oo ka qabsoomi doonta kanaalka DAREEN BULSHO

Taariikhda: 28/9/2024 9pm habeenimo

La socod wanaagsan
Suurada 107aad Al-Maacuun

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aaydaheeduna waa 7 Aaayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Takaathur ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Maacuun:

Suuradan waxey ka Hadashaa laba Qlo oo Dadka ka mid ah waxeyna Tilmaantaa Astaamaha lagu garto, labadaas qolo waxey kala yihiin:

1--Gaalka Inkira Nicmooyinka Alle (Cw) ee Beeniya Maalinta Xisaabka iyo Abaalmarka.

2--Muunafiqa wax walba uu Qabanaya istus tus u Sameeya, Haduu Dukanayo ama wax kale oo Wanaagsan sameynayo.
╚═══════☆♡☆═══════╝
┗━━━━━•❅•°•❈•°•❅•━━━━━┛

Somali Promotion
━━━━━━━━━━━━━━━━
🕋 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗜 🕋
📖 @Diinteenna_Macaan
🌟 @Al_xakiim
@Quruxdaislaamka
🌼 @Hidaayatu_Rabi
🌸 @hogaan_Dumar
🌺 @Dhaqan_wanaag
💫 @TAMARSIINTARUUXDA
━━━━━━━━━━━━━━━━
🏆 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗜𝗟𝗜𝗡 & 𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗𝗢 🏆
💡 @XikmadoSom
🏅 @Dhiiragaliye
📚 @AishaAhmed99
🧠 @QalbiDhaye143
📘 @kalimakariim
📝 @xaqiiqadanolosha
🔥 @Albaanichannel252
🌟 @Ruuxda
━━━━━━━━━━━━━━━━
🌷 Jacaylka & Oraahyo 🌸
💬 @Dareen_side
❤️ @Hasancaashaq
🌹 @daren_jaceyl
💫 @Mohametahmed
🦋 @Noqoxiddig
🌟 @FAAIDOCHANEEL
🎨 @DunnidaSuugaanta
━━━━━━━━━━━━━━━━
🎓 AQOON & FASAALO 🎓
📖 @maanhage
🛠️ @farsamada
🎓 @KobciAqoontaada2
🌟 @guuleyso11
━━━━━━━━━━━━━━━━
📚 BUUGAAG 📚
📚 @somalibooks
🏛️ @Somalilibrary
📘 @kobciyebooks
━━━━━━━━━━━━━━━━
 ◤──••──◥
 ▐░░░░░░░░░░░░░▌
⭐️ JOIN ALL CHANNELS
https://t.center/dareenbulsho
◣──••──◢
💫 Ku Sali Nebiga SCW 💫
∴.·:¨¨:·. ☙.·:¨¨:·.♡
Suurada 106aad Qureysh

Suuradan waxaa loogu Magac daray Qureysh oo ah Magaca Qabiilka uu ka Dhashay Nabiga Suuban (Scw) Qabiilkaas oo ahaa Qabiilka ugu Caansanaa Jaziirada Carabta. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Tiin ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Qureysh:

Suuradan waxey si gaar ah uga Hadashaa Nicmooyinka uu Alllaah (Cw) siiyay Reer Makah, waxaa ugu weyn Nicmooyinka Qureysh lagu Galadeystay Nicmada Amniga iyo Nicmada Maalka sidaas darteed ayaa Nicmiiyonkaas lagu xasuusinayaa in ay Caabudaan kaliya Allahii ku galadeestay oo ay Shirkiga ka haraan.
Suurada 105aad Al-Fiil

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Fiil oo Macna ahaan ah Maroodigii si ay Xasuusin ugu ahaato Qisadii ku Saabsaneyd Duulaankii uu Abraha oo Boqor u ahaa Xabashida uu ku qaaday Kacbada (Intii uusan Nabiga dhalan) asagoo Doonayay inuu Carabta oo dhan ku Qasbo in ay usoo Xajiyaan Kaniisad uu ka Dhisay Yaman si uu si Qasab ah Diinka Nasaarada ugu jiido, laakiin Allaah ayaa waxaa uu ku soo Diray Shimbiro Cagta Mariyay Ciidankaii Abraha oo dhan iyo Maroodiyadii Ciidanka Horjoogay.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Kaafiruun ka dib, Musxafkana waxey uga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurad Al-Fiil:

Suurada waxey u taagan tahay Xasuustii Mcjizadii Dhacday Xiligii uu Abraha Duulaanka ku Qaaday Magaalada Makah, Xiligaas waxa ay ku Beegneyd dhalashadii Nabi Muxamad (Scw), waxaana Allaah uu kusoo diray Ciidankii Abraha ee Duulaanka ku ahaa kacbada Shimbiro Dhagxaan ku Tuura ilaa Colkii oo dhan jabay.

Arintaan waxaa ay Muujineysay in Magaaladan Makah ay Tahay magaalo Barakeysan waloow Xiligaas Dadka Joogay ay u ahaayeen Dadka Diinkii Nabi Ibraahiim ka leexday oo Shirki Diin u ahaa, hadana Allaah (Cw) ayaa waxaa uu u Diyaaraniyay Magaaladaas in ay Maalin noqon Doonto Xarunta iyo Qiblada Diinta Xaqa ah Diinta Nabi Muxamad oo Xiligaas Dhalashadiisa ku Beegneyd, sidaas ayaana loo ilaaliyay Magaaladaas loona Jabiyay Cadwgii kusoo Duulay
Suurada 104aad Al-Humazah

Suuradan waa Makiyah, Cadaka Aayadaheeduna waa 9 Aayadaood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Qiyaamah ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Humazah:

Suurada Al-Humazah waxey ka hadashaa kuwa Dadka yasa ee Aflagaadeeya ama Carabka marka ay sii jeestaan ka daba taaga, ama Indhaha ku qaloociya Dadka Marka aysan u jeedin, waxayna Suuradan kuwa Dhaqan Xumidaas Caadada u tahay u balan qaaday in ay gali Doonaan Cadaab Maalinta Aakhiro.
Suurada 103aad Al-Casri

Suuradan waa Makiyah, Cadka Aayadaheeduna waa 3 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Ash-Sharx ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Casri:

Suurdan waxey si Kooban u Tilmaantaa waxa uu Insaanka Guul oo dhan iyo Liibaan ku gaari karo ama Hoog oo dhan iyo Cadaab ku Muteysan karo:

Suuradan waxey Cadeysaa waxa Liibaan oo dhan lagu gaaraa in ay tahay in lala yimaadaa Afartan Arin ee soo socata:

1-Imaan Dhab ah oo aan Shaki ku jirin.

2-Camal Suuban oo Caado laga Dhigtaa, Camalku waxuu ku Suuban yahay Hadii loo sameeyo Allaah Dartiis Sunadii Nabi Muxamadna uu waafaqsan yahay.

3--In xaqa in la is faro.
In sabarka leysu dardaarmo.

Suuradan waxaa laga fahmayaa in Dadka aan la imaan Afartaas Arin inta ay Aduunka Joogaan Maalianta Aakhiro ay ku dhici doonto Kahsaaro weyn oo ay ka mid noqan Doonaan Xaabada Jahanama oo Cadaab daran ay muteysan doonaan.

Waxaa xasuusin mudan Suuradan waxa uu ku tilmaamay Imaamu Shaafici in ay ku filnnaan laheyd Xujo ahaan hadii aanan ayad kale lasoo dajin laheyn, arintaas oo muujineysa Macnaha weyn ee ku dhex jira Suuarada.
Suurada 102aad At-Takaathur
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aaayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Kowthar ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Takaathur:

Suuradan waxey wax ka Tilmaantaa Dadka sida ay Aduunka ugu Mashquulaan ayagoo Dhaldhalaalka Aduunkana ku Sarkhaama ilaa laga gaaro Maalinta Geerida uga imaaneyso ayagoon filaneyn, taasoo Macnaheedu yahay Dadka in Quraxda Aduunka iyo Dhalaakeeda looga wado si Kado ah ayagoo u Guura God Mugdi ah iyo Cidlo.

Suuradan waxey Xambaarsan tahay Digniin Cad oo ku socota Dadka in Macaanada Aduunyada iyo Mashquulkeeda in aysan iloowsiin Cidlada iyo Mugdiga Qabriga Dhexdiisa uga Horeya oo ay Noloshooda Dunida sahay uga Dhigtaan Safarka lama Filaanka ee Imaan kara Saacad kasta ama Goob kasta ku imaan kara.
Suurada 101 aad Al-Qaaricah
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 11 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Qureysh ka dib, Musxafkana waxaa uu kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qaaricah:

Suuradan waxey si kookooban uga hadashaa Qiyamaha iyo Culeyka jira, Shidooyinka Maalinta Aakhiro Dhibaatada Dadka indhooda saari doonaan, iyo waxa Dhici Doona sida in Dadka laga soo saaro Qubuuraha ayagoo sida Ayaxa u Firdhisan Cabsida qabaneysa Darteed
Ещё