📚𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐡𝐚𝐧𝐧𝐞𝐥📚

Канал
Логотип телеграм канала 📚𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐡𝐚𝐧𝐧𝐞𝐥📚
@KobciAqoontaada2Продвигать
21,59 тыс.
подписчиков
364
фото
12
видео
286
ссылок
𝙺𝚘𝚋𝚌𝚒𝙰𝚚𝚘𝚘𝚗𝚝𝚊𝚊𝚍𝚊 𝚆𝚊𝚊 𝙶𝚘𝚘𝚋 𝚊𝚊𝚍 𝚔𝚊 𝚑𝚎𝚕𝚒 𝚔𝚊𝚛𝚝𝚒𝚍 ☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝙳𝚒𝚒𝚗𝚒 𝙰𝚑 ☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝙹𝚊𝚌𝚊𝚢𝚕 𝙰𝚑 ☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝚃𝚊𝚊𝚛𝚒𝚒𝚔𝚑𝚒 𝙰𝚑 ☞︎︎︎𝙱𝚞𝚞𝚐𝚊𝚊𝚐 𝙿𝚍𝚏
К первому сообщению
Suurada 100aad Al-Caadiyaat
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Casri kadin, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Caadiyaat:

Suurada waxey si Guud u tilmaantaa Arimaha soo socda:1- Jihaadka in looga Baahan yahay Qalab iyo Hub in loo diyaarsado inta aan la Galin, Farduhuna waxey ka Mid yihiin Dagaalada Gadiidka loo Adegsado..

Xoolo Jaceylka Dadka iyo Madax adeyga ku jira inta Aduunkan la joogo. Quluubta waxaa ku Qarsoon Maalinta Qiyaame inuu Allaah (Cw) soo Muujin doono.
#️⃣Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in dadku ay raalli ku kala noqon karaan oo keli ah, wixii marba ay ku heshiiyaan, geesiga iyo gobtuna uu yahay qofka ilaaliya wixii lagu heshiiyay. Maad kaxaysan xaaskaagii iyo qoyskaagii jeer oo aad kasoo baxday ballankii ahaa in aad Siddeed sano u shaqayso qoyskii aad kula xididday magaalada Madyan.
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Suurada 99aad Az-Zalzalah

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Nisaa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Az-Zalzalah:

Suuradan waxey aaad u Faahfaahisaa Maalinta Aakhirada iyo Xisaabka ka jira Nooca uu yahay, waxeyna Suuradan tilmaantay waxa Dadka lagu Tixgalinayo Maaliantaas in ay Tahay Hadba Camalkii ay Aduunka kusoo Shaqeeyeen, haduu Xumaan yahay iyo Haduu Wanaag yahayba.

Maalinta Qiyaamaha waxaa la keeni doonaa Miizaan lagu saaro Camalada Qof kasta ama Iimaanka Ruux walba, taasoo ay ka dhalan doonto in dadka qaar Camaladooda wanaagsan Cuslaadaan halka kuwa kalana Camaladooda Xumaa Cuslaanayaan markaasna kuwa Camalkoodii wanaagsanaa Cuslaado aad ayay ugu farxi doonaan camalkoodii Dunida ay kusoo shaqeesteen marka laga abaal mariyo, dhanka kalana waxaa aad u Murugoon doona kuwii Xumaantooda fara badneyd marka la hor keeno gafafkoodii mana jirto Maalintaas wax wax ka dhimi kara ama Ziyaadin labada qolo, mana jiro wax Maalintaas wax anfaca oo aan aheyn Camalka Suuban.
Suurada 98aad Al-Bayinah
Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Adh-Dhalaaq ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Bayinah:

Suuradan waxey ka Hadashaa Sadax Mowduuc oo kala ah.

1: Mowqifka Ahlu Kitaabka ka taagan yihiin Risaalada Nabi Muhammad kaasoo ah Mowqif ku dhisan Inkirmo iyo Xasad waxaana Taariikhada ka Buuxa Tusaalooyin fara badan oo muujinaya arintaas waxaana ka tilmaami karaa si kooban markii uu Nabiga yimid Madiinaha uu ay qaar Yuhuudii Madiina daganeed ka mid ahaa is weydiiyeen Ninkanu Nabigii ma yahay waxay yiraahdaan, markii ay ka sheekeesteen Mowqifka ay qaadanaayaan waxaa uu Xuyay Ibnu Akhdab yiri: Waxaan Go’aansanahay inaan Naceeyo Inataanba noolahay, Dhanka kalana Marka laga eego waxaa Ahlu-Kitaabka ku jira qaar yar oo xaqnimada Nabiga gartay Raacayna sida C/llaahi Ibnu Salaam isla Maalintuu Madiinaha yimid Markuu Hadalka Nabiga Maqlay iyo Asalada Dacwadiisa rumeeyay oo raacay.

2: Ikhlaaska (Cibaadda oo loo gaar yeelo Allaah kaliya) inuu yahay waxa ugu weyn ee looga Baahan yahay ruux kasta.

3: Mustaqbalka ay kala Mudan doonaan kuwa Mu’miniinta ah iyo Gaalada (Yuhuud Nasaaro iyo Mushrikiin), Mu’miniinta waxey Gali Doonaan Jano Nimcooyinkeeda aysan Dhamaaneyn ayagoo ku waaraya, Gaaladuna waxa ay galayaan Naar Cadaabkeedu Xanuun Badan yahay Abidkoodna ay ku jiri Doonaan.
Suurada 97aad Al-Qadri
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Cabasa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qadr:

Suuradana waxey ka Hadashaa Waqtiga uu ku Beegnaa dagitaankii Quraanka markii u horeysay iyo Fadliga uu leeyahay Habeenkaas oo ka midka Bisha Ramadaan ee loo yaqaan Leylatu-Al-Qadriga, kaasoo ah Habeen ka Fadli Badan xaga Cibaadada waxa uu u dhigmaa Cibaado Kun Habeen la sameeyay oo kale, isla markaana Malaaikta ay ka soo dagi Samada Nabadna ah, sidaa darteed waxaa wanaagsan Habeenkaas in si aad ah loogu Dadaalo Cibaadada iyo helitaankiisaba, waxaana Nabiga uu Sheegay inuu ku dhex jiro Tirada Kisiga ah ee Tobanka Dambe ee Bisha Ramadaan, taasoo macnaheedu noqanayo in 10ka Habeenba dadaalka la kordhiyo.
Bal u fiirso walal hadaad aqal dhisanayso waxad ka dhisataa isla halka ay iyagu deganyihiin.

Bal u fiirso walal haddii aad shaqo doonanaysid waxad u tagtaa qofka aad isku qabiilka tihiin!!.

Haddii aad cid shaqo siinaysidna waa inu kula qabiil yahay.

Bal u fiirso walal haddadan aad joogto ee aad qoraalkaygan akhrinaaso waxa laga yaabaa inad iyaga dhexdooda joogto ama halka ayku badanyihiin!!.

Adiga kaliya maaha dhibtu ee dhamaan Soomaalidu waa sidaas.

Tani waa xaqiiqo gayiga ka jirta🚫 ” Haa” waa xaqiiqo gayiga ka jirta.

Ilaa ugu danbayn qolo waliba halka ay degenyihiin inta ay calan gaara u samaysteen ay magacna u baxsadeen ay yidhaahdeen waa wadan noo gaar ah, arintaas waxay salka ku haysaa qabyaalad qaran u eeg.

Bal maxaa Soomaalida kale cadaw kaaga dhigay haddii aanad qabyaaladayste ahayn?

Bal maxaa intad isku qabiilka tihiin aad ugu faantaa haddii aanad qabyaaladayste ahayn?

Bal maxaad niyada ugu haysaa qof reerkiina ahi inu wadanka maddaxwayne ka noqdo haddii aanad qabyaaladyste ahayn?

Alle wuxu quraankiisa kariimka ah ku yidhi:

Waxanu idinka dhignay qabiilo iyo qolooyin si aad isugu garataan, waxase lagu kala karaamo iyo qiimo badanyahay si alle loogu kala dhawyahay, ee lama kala qolo fiicna lamana kala qabiil fiicna.

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ




Walal dadka haku eegin idho qabiil!
Walal dadka haku qadarin cida iyo qoloda ay yihiin!
Walal dadku yay kuu kala qaybsanaan

Walal cid hadaad qiimaynayso ku qiimee sida Alle (swt) ay ugu kala dhawyihiin iyo sida ay Alle ugu xidhanyihiin, taas ayay sharaftu ku jirtaa if iyo aakhroba, taas ayaan danbi kaa raacayn intad dunida joogto iyo maalinta danbeba.

Cidna qiimo aanay mutaysanin iyo amaan aanay mutaysanin hasiinin adoo ku siinaaya inad isku cid tihiin oo kaliya.

Cidna qiimo iyo sharaf ay leeyihiin hoos ha u dhigin hana kaga masuugin adoo u sababaynaaya qabiilkooda iyo ciday kasoo jeedaan.

Oo walal haddii aad qof wanaagsan oo Rabigiisa abuurtay ku xidhan haddii aad hoos u dhigto sharaftiisa iyo cisigiisa aadna qiimo karaamo siiso qof Alle kood ah oo jaray xidhiidhka rabigiisii abuurtay saw kamaad hor iman aayaddii aynu hadda dhaw soo sheegnay.

Ugu danbayn waxan damqadaa kolka ay igu yidhaahdaan waar qofyoow qabyaaladda baro oo ummadaada waxla qaybso.

Waar qofyoow candadawlka ahi cida cadawga kuu ah iyo cida aan kuu ahayn kala baro oo dadka labo qaybood u qaybi.

Waar qofyoow dhiman ee dhintay adeerkaa iyo inaadeerkaa ku faan oo sawiradooda faafi, ku faan u ololee ama u codee.

Waxay igu eegaan indho liidnimo waayo waxan kasoo horjeedaa mabda ah qabiilaysiga iyo kala qaybsanaanta ama qoqobnaanta.

Waxay igu yidhaahdaan adiga maxaa dadka kaa duway?

Maxaa adiga gooni kaa dhiga ee aad sida dadku yihiin u noqon wayday?

Ma adiga oo qof kaliya ah ayaa saxsanaan kara mise dadka kale oo dhan, hubaal waad qaldantahay ee aanu aragno halkaad ka caano dhanto ayay hadalka kusoo jaraan.
QABIIL JECLAYSIGA IYO QABYAALADA. QALINKII: XASSAN CALI IID (W/Q:

Qabiil kasta wuxuu gowracaa xoolo fara badan,wuxuuna ka dhargaa hilib, caano iyo raashin baddan, dabadeed midkood ayaa gacanta Alle kor ugu taaga isaga oo dhaha.

“Faataxada qabiilka kor Allaha ka dhigo’(Aamiin) Xukunka Dalka qabiilkeena Allaha u dhiibo (Aamiin). Inta qabiilkeena kasoo horjeeda hoog iyo ba’ Allaha ku rido (Aamiin).🤔

Duco ka indho adag waligeey middaan oo kale ima soo marin😂😂😂 waxay ducadaan la macno tahay Alloow xasuuq inta aanaan isku qabiilka ahayn oo idi🤔

Qabiil jeclaysiga iyo qabyaaladu sidaa aad aragtaan ayay caleenta iyo cagaarka uga riftaa geedka oo u taagan wadan ama dal, halka qaranimada oo la dhisto iyo qabiilaysiga oo layska ilaawaana uu sidaas hamash ka ah noqdo.

Hore wuxu u yidhi Hanuuniye:

Dalkii idinkaa qaribay
Dadyoow kala wada qoqoban
Intuu dagay qaarba meel
Oo ay qoys qoys noqdeen
Midkasta isla qumanyahoo
Qofiba qof dhaliilayaa
Dalkii idinkaa qaribay🤔

Cudurka aad wada qabtaan
Qabkaad wada huwantihiin
Qabiil weeyee sideed
Soomaalaay qaranku noqon
Markale isagoo tabaya kaalintii culimo awdiinku ay ku lahaayeen bulshada wuxu yidhi:
Miyaydaan quburo iyo
Wax garad qabin iyo ikhyaar
Miyaydaan qaab dadnimo
Qadarinayn walalayaal?
Maxaa culumadii qabsaday?
Quraankii miyuu ka lumay?
Miyuu qasif nagu dhacoo
Qasaaraha lagu farxaa?
Qaneecaad nabad galyiyo
Miyaa khayrkiiba la nacay?
Miyaad qafladuun ku jiri?
Qiyaamaha ilaa la tago?
Somaali qaloocaneeey?
Ogow quwaddii alloo
Quruumo rogtaybaa jirtee!!
Qisay reebtaa qisaba
Qubane wuu soo taxnaa
Taariikhduna way qortaa..
Qaladku qulubuu dhalaa
Qulubku qaraxbuu dhalaa
Dalkiisiiyoo qariban
Fanaan waxka qaban karayn
Dadkiisiina qabiil qabiil
U qaybsamaybaan ahoo
Ax…….
Qalbigu way ololayaaa🚫🚫🚫
Intii qumanoo dhan iyo
Qofkii ila aragti ahi
Iyana waa ila qabaan.
Qabkiyo kibirkays dardaray!
Is qoonsadaye is qabsaday!
Qatarta umaday gasheen
Intuu qabar laayay iyo
Qaarkii uu finiinku dilay😓😓😓
Qudhaba wixii aan ku wayn
Midkasta qof u cararayiyo
Dadkii qulqulee badnaa
Qaxoontiga wada noqdiyo
Qiimii dalka iyo dadkiyo
Qaranka soomaalinimo!
Qaabaynu u heli karnaa
Hal qodobaa jira ogoow?
Dastuur weeye iska qoran
Dadkana lagu kala qanciyo
Qaladka lagu kala saxoo
Sinaan waxu qaybiyoo
Kitaab weeyee quraan
Qabsada Soomaaliyeey
Quraafaad lama rabee!!
dadyoow qubayoo ka tagay
wixii qaadir xalilay
qaybihiiuu naga xarimay
intay qaateen kuliba
qaladka dambigay galeen
iyaga oon ka qoomamayn
iblaysku u sii qurxiyay
waliba iyagu isla quman
qisaasaha aakhiriyo
qabriga lays gayna iyo
qudhoo baxda naga xigte
qahaar inuu eebe yahay
qiriba maysaan miyaa
qalbigii miyuu idin qalalay
qiyaama war baa jire
cadaabaha qiiqiyee
qoryaha dadka looga dhigay
jidhkiinan qafiifka ahoo
qoraxda aan xamili karayn
quwiyo taag uma hayee
qatarta aad dhex taagan tihin
kasoo baxa qoomyahaaw
quraanka usoo noqdoo
qafaar yaa tawba dhaha
soomaali qaloocaneey

Wuxu hoga tusaaleeyay halka aynu eednay, wuxu ku hamiyay inu qarankiisa wax u tari karo hadana wuxu hubsaday inay qabiilo is neceb ahaayeen, wuxu dul iyo hoos ka waramay halkay sartu ka qoolantay inay tahay shareecadda islaamka oo lagu dhaqmi waayay layskuna xukumi waayay, wuxu ka gubtay qaxarka, qaraxa, iyo qaxa ummada Soomaaliyeed ayku suganyihiin, intaas waxa u dheer inu ka murugooday haddana qabyaaladda ayku dhaqmaan
iyagoo sidaas u halaagsan una bay-hoofsan
Wuxu kasii yaabay qabkooda iyo isla waynidooda isagoo leh ” qabkiyo kibirkays dardaray,is qoonsadayee is qabsaday” run ahaantii waa wax lala yaabo dad kala qaybsan oo cadaw isku ah, iyaguna cadaw isku arka shisheeyahana soo dhawaysta, bal u fiirso walal markaan ka hadlayno


Waxa ina kala qoqobay ee ina kala qaybiyay ee qaarba meelku ooday waa odayaal beeleedyo nin walbaana haybtiisu halkay degentahay hoy aan ahayn kuma lado, kuma gam,o oo hurdo kuma dhakoolo, taasna waxa sababay qudhunka iyo qabyaalada nalagu soo koriyay!!

Bal u fiirso walal maanta haddii aad dhul magaaladda ka iibsanaaso waxadka iibsataa halka ay qabiilkiinu ku badanyihiin!!
Suurada 96aad Al-Calaq

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 19 Aayadood, waana Suuradii ugu Horeysay ee soo Dagatay, Musaxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Calaq:

Suuradan waxey ka Hadashaa Sadax Arin oo Muhiim ah:

Biloowgii waxyigii kusoo Dagay Nabi Muxamad (Scw) oo ah Nabigii ugu Dambeeyay.
Insaanka Kibirka uu ka helo Maalka iyo sida uu Amarada Allaah (Cw) uga Horyimaado.
Qisadii Fircoonka Umadan (Abii Jahal) iyo Dhibaatada uu u geysan jiray Nabiga sida inuu ka reebi jiray inuu Caabudo Rabigiisa (u Tukado).
Suurtada 95aad at-Tiin

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Buruuj ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Tiin:

Suuradan waxey ka Hadashaa laba Mowduuc oo kala ah:

1. Sida Allaah u Karaameeyay Insaanka.

2. In la Rumeeyo Maalinta Xisaabta iyo Abaal marka (Maalinta Qiyaamaha).

3. Suuradana waxay kaloo tilmaan guud ka bixisaa inuu Khasaaray oo hoogay kii aan Iimaan Sax ah iyo Camal wanaagsan la imaan Maalinta Qiyaamaha.
Suurada 94aad Ash-Sharax

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Ad-Duxaa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahayDhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ash-Sharax:

Suuradan waxey Guud haan ka hadashaa Darajada Sare ee uu Nabiga Suuban (Scw) ku leeyahay Rabigiisa Agtiisa, waxeyna SuuradanTilmaantay qaar Nicmooyinka Nabiga (Scw) la siiyay ka mid ah sida Laabta oo loogu Nuuriyay Xikmad iyo Qur’aan, Culeyska oo laga Dajiyay iyo Magciisa oo la kor yeelay.
Ещё