Ismana xakamayn kartide atiriishada yaa raacisey anigana ma rabo inaad naftaada dhipto. Rahuul..aniguna ma rabo inaad beeldarayso fursadaan qaaliga ah intuu dhabanka ka qabtay kulahaa ifahan anigu ma doonayo fursadaada inaad isku seejiso aniga dartay, ugu danbayn wxay soo galayaan hoolka xafaladu, ka dhacaysey Raahuul ayaa ku dhahaya waad guulaysanaysa aniga ayaa huba xppti. Sheeda sare ayuu ka daawanaya, wxaa u'imaanaya nafar wariye ah oo afmiishaar ah oo doonayo inuu ka qadeeyo maanta😂 Hadalba wuxuu wariyuhu ku bilaabay..abowow mcnow waku salamay wxaan ahy journaliste, Raahuul..ok mxaan ku qabtaa? Wariyihi..maanta wxaan rabaa inaan ku waraysto oo aan kaa waraysto afaarahaaga iyo miss aroora/atiriishada afaareheeda😁? Rahuul..nio anigu wxaas inaan ka hadlo hada diyaar uma ihi markle inooga dhig ok. Wariyaha: lkn dadku wxay dhahaan Mss aroora/atiriishada iyo Raahuul, way is jecelyihiine mxay isku aroosi la'yihiin?. Raahuul: aniga ma sheegi karo xiligaan is guursan doono. Wariyaha: naga dhaaf lee abowow dheesha adiga wax walpa waa ogtehee🤣? Lkn intaana isla socoteene maxaa isku aroosi waydeen saaq maa jira?😄 Raahuul: fadlan qoftaan wax haka sheegin wxaas ma jiraan eh. Wariyah: mayee wxaan maqlay in baashaal idinka dhexeeyo ood waawaynka tihiin😂. Raahuul: adiga aflagaado maa usocotaa mise waraysi?. Wariyaha: wxaan kaliya rabaa adiga iyo atiriishada ma baashaashaan? Xidhiidh nooce ah baa idinka dhexeeya?. Wax lee iitaab-taabo jornalka wax lagusoo qoraa la rabaaye. Yoomiye/nusasaac/lacag, baa la rabaaye, Ugu danbayn raahuul wuxuu u'adkaysan waayay sharafta jacaylkiisa/atiriishada oo meel looga dhacaayo, wuxuu xanaqay kadib meeshii wxay isku badashay gacan ka hadal.
In kasta oo dhalaalka iyo quruxda cudoon ee jawigii iyo wakhtigii lagaliyey ay ka muuqdeen, oo uu si dhamays-tiran oga raystay maandooriyihii, hadana dagaalka aw galay wuxuu kiciyey dhiigiisa wuxuu galay dareemo wada caadifad ah taasoo markle ku kaliftay inuu cabo Khamrigii, oo agtiisa ka dhawaa. Waxba waxkle ka darane odeygii mucaashaqii rahuul ahaa wxaa saldhiga ugu tagaysa atiriishada iyada oo la xiray sababtuna waa inuu isagoo cabsan dilay wariye, wuxuu kaloo dilay ninka tagsiga, kusoo qaadey wxaa intaas dheer in saldhiga policeku, ka cudur-daartay inuu ninka noocaan ah bulshada ku dhex-siidaayo?. Askariga saldhiga ayaa ku cudur-daartay in saacadu-thy 11-habeenimo aysan macquul ahyn in cid lasiidaayo!.
Atiriishada ayaa u'qadan waa iyo amakaag ku dhacay oo ay diidey inay ka tagto meeshan iyadoon uusan raahuul lasocon iyadoo askariga saldhiga lahadlaysa ayay hadalkeeda ku dartay..inaan raahuul ka xaysano ayaan rabnaa ee fadlan xitaa hantideyda hoo, wxay iska saartay jijinta, gacanta ugu jirtay iyo dhagahii u'xirnaa, askariga ayaa mar qudha argagaxay. Ka daa ka daa ayuu ku waashay😄 Ugu danbayn waalaasoo dayay, Wxaa cajiib ah in saldhiga hortiisa ay warbaahintii oo dhan iskugu timid si war oga helaan xalada mucaashiqiintaan is calmadey iyo xiligaan wxay xabsiga ka hayaan.
Intaas wxaa dheer in Raahuul aw is tarayo dareemihiisa iyo tacajubka aw la yabanyahy sida aw gabadha iyo hormarkeeda ukala hortaaganyahy oo ay dartiis ugu dhibtoonayso.
Isla markii ay xaafada imaadeen atiriishada ayaa macalinkeeda ku wargalisey inay gabi ahaanba konturaadkii/heshiiskii heesida ay kansashay isla markaana ay doonayso inay meeshaan iskaga tagaan iyada iyo raahuul-keeda, si ay jawiga ugu badasho ogana kaxayso dhibaatada dadku ku hayaan caanimadooda dartood. Wxay ku calaacashay: “anigu waan jeclaa inaan hormar ka gaaro fanka/heesaha blse hadii aw arinkaas iga fogaynayo raahuul-kayga diyaar uma ihi hormarkaaa” Isla kolkaas wxaa maqlayay hadalka Aktarka/Rahuul,
Macalinka oo kolkiisa ku cataabay tixdaan: hada gabadhaydiiyey ma wxaad moodey in qofku haduu xanuun-sanyahy lala xanuusado? Oo hada ma waxaad umalaynaysaa in aw ninkaan “jacayl” la jiranyahy? Mya wuxuu la jiranyahy wuxuu cabi-jiray, tankle gabadhay-diyey hadii ninkaan aw “jacayl” kaaga la buko waad siisey isaguna wuu ku siyeyey dey hadii aad ninkaan wado xageed gaynaysaa?.
Si kastaba ha'ahaatee wxaan xalay akhriyey Taariikhda suugaanyahankii/fanaankii waynaa ee Raashia “JAYKOFISki” waxay si daran isku jeclaadeen haweenay lagu magacaabo “Naadisha” naadisha, ayaa jacaylkooda shuruud oga dhigtay inaysanba is arkin.iyadoo ku sababaynaysa in belelka jacaylka iyo holaca dhamacda ah uusan ka damin dhexdooda, mar ayuu wuxuu u'qoray..ma haboonthy inaan dhaho adiga oo gacanba aan igu jirin naftayda ayaan kaa jecelahy? Mya waligay lamaan kulmim qof ruuxdeyda sidaad ugu dhowdahay udhex-dagay. Iyana wxay usoo qortay markasta oo jacaylkaagu igusii siyaado wxaa badata cabsida aan ka qabo lakulan-kaaga”
Mudo dheer oo toban sano iyo hayaay ah ayuu xaalkoodu sidaas ahaa oo warqad bas inay isku soo qoran ay kuwada xidhiidhi jireen, waagii danbe ayay ka codsatay inuu usoo guuro mid-kamid ah qasriyada ay ku leedahy “Moskow” wuu ka aqbalay oo wuxuu qayb kamid ah gurigeeda soo dagay, wuxuu soogalay JAYKOFISki hoygii loo diyaariyey waa guri wada muraayad ah oo farshaxanka iyo qaabka loo diyaariyey ashqaraar leh iyo sida wax-walpa meeshii loogu talagalay loo dhigay yaabadan waxkasta oo uu ubaahna loogu diyaariyey sida biyaanadii, gitaarkii, jaakadihii dhaxanta, sigaarka noocii uu jeclaa iyo xitaa daawadii hurdada ee uu adeegsan jiray si'uu useexdo, buugtii aw musiga ku qoran-jiray iyo khadkiina waa la'isku dul-saaray aad ayuu olayabay daryeelkeeda iyo sidey noloshiisa oga warqabtay fajaciso ayay ku noqotay heer uu ilmada ceshan-kari-wayay,
Wxay ka codsatay gacalisadu inay agtiisa aw ku noolaado se aysan indhahoodu isqaban, sidii balantu ahyd waraaqo ayay kuwada xidhiidhi jireen. Shaqaalaha guriga ayaa dhanbaalada ukala qaadi jiray. Mar ayay dhanbaal usoo dirtay wxayna ugu soo qortay Riyaaq iyo rayn-raynbadan ayaan ku dareemaya inaad iidhowdahay ereyo aan ku cabiro magaranayo dareenkayga!.
Sidii balantu ahyd se way soo ogaysiin jirtay xiliga ay baxayso iyo xiliga ay soo hoyanayso si aysan jidka/wadada, ugu kulmim, koob iyo tobanka subaxnimo ayay soo bixi jirtay, hadii ay dhacdo in uu daaqada ka halacsado iyadoo sii baxaysana gudaha ayuu ku carari jiray si aysan indhahoodu isugu dhicin. Mudo sanad ah ayay sidaas unoolaayeen isku guri ayay ku noolaayeen, waraaqo ayay isku qori jireen way is xaal waraysan jireen nolosha fikirka iyo afkaarta ayay wada gorfayn jireen, aragtiyaha fanka iyo suugaanta ayay wadaagi jireen, “falsafada jacaylka” iyo nolosha ayay wax iska waydiin jireen way is uur baadhan jireen, dhimbisha cishqiga iyo hilowga iyo muxibada ayay ereyo qoran isku waraabin jireen. Halkaas ayay kawada xaajoon jireen lkn maysan kulmi jirin,
Waraaqo dareen lagu nuursado xanbaarsan ayay is-waydaaran jireen, Alla caawadeyda iyo nasiibkayga wxaan dareemaya inaan ku haysto wxaan dareemaya inuusan waxani “jacayl” ahyne sida cibaadada diimeen baab ugu “khushuucsanahay” bay usoo qortay markasta oo ay fariin ka heshana sidii oo ay aayad samada kasoo dagtay tahy bay udul hogan-jirtay, xamasadii aw dhanbaalkaas sare ka qaadey buu ku alify obeerada caalamiga ah ee gashaantidii orliyaano/made of orleans.
Maalintii danbe ayay soo daahdey oo xiligii ay soo hoyan jirtay xili saacad ka soo wareegatay ayaa iyadoo soo galaysa qasriga wxay si kadis ah iskaga hor yimaadeen fanaankii, meel loo kala leexdaana ma jirto.