View in Telegram
Sheeko Jacayl oo xaqiiqdii aan ilmada ceshan kari wayay. Filimkaan, wxaan dawadey xili aad u'fog oo aan dhawayn, hayeeshee hab-tabinta sheekada filimka ayaa ilaa xad Qiiro iyo oohin, walbahaar iyo silic iskugu jirta ee akhris wacan. Wuxuu ahaa isagu (aktarku) xidig kamid ah xidigaha ugu caansan ee dhinaca suugaanta iyo heesaha oo xaqiiqdii codkiisa macn isagoo hindi ah aad ku raaxaysan karto ilaa xad adigoo soomali ah oo laga yaabo inaadanba fahmi karin luuqadda, aw ku heesayo ee Hindiga ah!.  Hayeeshee codka, mcn iyo muusiga ayaa qalbigaaga falaaro ka dhex-tagaya durbaba wxaad cabiri qiimaha heestiisa iyo cishqiga laabta oga buuxa, Habeen iyada oo ay-thy xili danbe wuxuu gaarigiisii, soo kexeeyaba  isaga oo ka dhacsan/cabsan, oo aad u-zakhraansan, wuxuu ku dhacaya gabar oo uu baabuurka/gaadhiga, ku dhufanaya, wxaa ka daadanaya adeegii ay igu talagashay inay cashada, ku samaysato/ku-karsato, Raahuul, oo ah aktarka ayaa gaadhiga kasoo dhaadhacaya kadibna gabadhuu la guraya Basashii iyo baradhadii ka daadatay, wuxuu ka helaya gabadha blse ihtimaam saas ah ma siinayo, kadib muran yar oo dhex-maray wuu raali-galinaya, kadibna waaka tagayaa. Wuxuu imanaya xoogaa kadib goob baar ah oo uu rabo inuu ka iibsado maandooriye/khamri, oo uu aad ugu waalna cabideeda, wuxuu ku arkaya Atiriishadii oo gaadhiga ku dhufan-jiray, isla markaa iyadoo baarka-yar ka qaadeysa heesihiisii, mid kamid ah oo cod macanideeda iyo jacaylka ay u'qabto inay heesto ama hamigeeda fanka aw ka aqrisanayo foolkeeda, ama aan dhaho aw ka dareemi karo duruufta iyo xaalada adag oo ay kusuganthy gabadhu/Atiriishadu, wuxuu go'aansanaya inuu heesta u'toos-toosiyo blse markuu koofiyada iyo Face-mask-kiga iska qaado, ayay dadka oo dhan garanayaan kadibana way farxayaan oo qaylinayaan maadama aw caawa meeshan yar/baarkan-yar aw kusoo booqdey Fanaankii caanka ahaa ee Raahuul, kadib gabadhuna/Atiiriishadu, way farxaysa kadib wuxuu ka reebanaya meesha ay daganthy, Aderss-Number, wuxuu ku booqanaya maalintaas maalintii ku xigtay Hotel-kii ay daganayd, wuxuu waydiinaya xaaladeeda nololeed hadafkeeda iyo dhaqan-dhaqaalaha hormarkeeda ku aadan, wuxuu balan-qaadaya inuusan sidan kaga harayn ee uu caanimadiisa oga faa'ideyn doonon oo uu fanaanimo, la raadin doono. Wxaan arkayna maamulaha Baarka, oo gabadha/Atiiriishada, guumaysi iyo tacadi balaran kula kacaya kadibna ugu hanjabaya inuu ka qaadi doono lacagta maal-galinta, oo atiriishadu, waa gabar dan-yar/faqiir, ah oo heesha bararka yar-yar ay ka qaado ka ganacsata, oo aan haysan maal/lacag, ka saacidi karta wadadeeda hor-marka,  Raahuul, ayaa u'imanaya maamulaha kadibna lacagtii aw gabadha ku haystay farta ka saaraya, isla markaana meesha ka wadaya atiirashada oo ay umuuqato inuu ka helay oo uu caashaqay!.  Wuxuu isku dayayaa inuu geeyo magalada mun-beeey, oo uu macalinkiisa ka codsado fursad cod tijaabin ah inuu ka qaado Atiriishada, uuna tobobaro dheeraad ah siiyo una qaal-qaaliyo inuu utababaro, fanaanad codkeeda iyo ereyadeeda mcn lagu raaxaysto oo noqota caan, blse imtixaan iyo rafaad badan oo uu arinkaas ka maray kadib wuxuu ku kharash-garaynaya Hanti dhan 30Milyan$, iyaduna/atiiriishadu, ma yaraysan dadaal, wxaa cajab-badan leh, in isagu/Raahuul, aw ku talax-tagay maandooriyaha, khamriga oo uu sakhrad iyo cod xirnaan ka qaadey, wxaa-kle oo xusid mudan in aktarka ay ku dhacayso hanti bur-bur iyo dib udhac farabadan, xaqiiqdii wxaynu oron karnaa mucaashaqaas Raahuul wuxuu gaaray darajada ugu saraysa ee uu qof wax jecladey, kadib markuu Jacaylkiisa/Atiiriishada uhuray maal iyo mansab aduun oo dhan oo uu oga tanaasulay fankiisii,  Atiiriishadu wxay noqonaysaa caan oo way soo shaac-baxaysa oo noqonaysa (Super staar) xidigad cusub oo aan inaba caadi ahyn, xaqiiqdii wuxuu mr.Raahuul, urumeeyey riyadeedii, wuu soo gacan qabtay ilaa heer aw meel-sare ka gaarsiiyey aadna way isku jeclaayeen, mar-alaale iyo marka ay Show-qabanayso isaga waa u'fursad wayn oo  khamriga ayuu aad u'dal-dalaa, noloshiisii fankana wuu iska nacay, way tabtay in xaqiiqdii aw aad ugu sii dawakhayo balwada,
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily