View in Telegram
๐๐๐๐๐ & ๐๐๐๐๐๐
13-sano oo dhanbaalo โjacaylโ ah ay soo wadeen kadib, ayay markii ugu horaysey indhaha isku dhufteen. Ilbidhiqsigaas milicsiga ah iyo amintaas kooban wakhtiga ayaa istaagay wxaana kulmay 2-doodii ruuxood ee isu jeellanaa, dareemihii bini'aadamka oo idil mashaacir iskuwada maran ayaa sidii Heego Gu, oo curatay labadoodiiba hafisey riyaaq iyo hamuun, cabsi iyo naxariis naxdin iyo rayn-rayn qajilaad iyo khalkhal ragaadiyey caqligii iyo baraadkii kala soocida garashada ayaa labadoodiiba habsadey.wuu foorarsadey oo salamay iyadana sidookle indhaha ayay hoos u'rogtay salanta ayay ka qaadey intuba ilbidhiqsi ayay ahyd qasriga ayay usii gudubtay, isla markiiba dhambaal cudur-daarasho iyo raaligalin ah ayuu usoo qoray, blse iyadu wxay usoo qortay..adiguna waad ka cudur-daaranaysaa inaad i'aragta anna alle ayaan oga mahadcelinaya kadiskii yaraa ee aynu ku kulanay riyaaq iyo rayn-rayn bay igalisey kulmidaaduโ JAYKOFISki fankiisu wuxuu samada isku shareerey oo uu heerkiisiii ugu sareeyey gaadhay kadib markii ay soo baxdey heestiisii Gashaantidii orliyaano, heesihiisuna ay caanbexeen hanti badana ayuu ka helay qaysarkii ruushka ayaa deeqbadan siiyey, yurub iyo maraykanka, ayuu safaro iyo bandhigyo kusoo galaabixiyey, bishii April 1891 isagoo maraykanka jooga ayay ka go'een waraaqihii aw ka heli jiray gacalisadiisa, maalmo kadibana wxay warqadii kasoo gaadhay wiil ay sodoh u'ahyd naadishada oo usheegay inay xanuunsanayso, wal-wal iyo walbahaar laxaad leh ayaa soo wajahay musig-yahankii JAYKOFISki sanadkii 1893 wuxuu alifey oorkestada looyaqaano simafooniyada murugada, oo ay gorfeeyaasha fanku ku tilmaameen musigii ugu xeeldheeraa ee murugo lagu cabiro 2-bilood kadibna waa lagusoo boodey wuuna geeriyoodey, isagoo xabaasha ogasii hormaray gacalisadiisii aanay abid is arag, oo iyana waxyar kadib kadaba tagtay, iyadoo filashadeeda ugu wayni-thy in gacaliyeheedii aduunka ay aakhiro ku kulmaan si ay wada jir ugu godladaan โjacaylkiiโ gaaxsanaa oo ay gaawaha ugu milaalaan kalgacalkii ay gujada ugu diideen waayihii aduunyada kolkaana ay ku asteexi doonaan codkii macaanaa ee caabi iyo jacaylkii guyaal badan. Warqaadan wxaa iga keentay inaan sidaas dareenka leh uqoro gacaladeydii macalimadii W/q/Axmed.
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start