View in Telegram
Si kastaba ha'ahaatee wxaan xalay akhriyey Taariikhda suugaanyahankii/fanaankii waynaa ee Raashia “JAYKOFISki” waxay si daran isku jeclaadeen haweenay lagu magacaabo “Naadisha” naadisha, ayaa jacaylkooda shuruud oga dhigtay inaysanba is arkin.iyadoo ku sababaynaysa in belelka jacaylka iyo holaca dhamacda ah uusan ka damin dhexdooda, mar ayuu wuxuu u'qoray..ma haboonthy inaan dhaho adiga oo gacanba aan igu jirin naftayda ayaan kaa jecelahy? Mya waligay lamaan kulmim qof ruuxdeyda sidaad ugu dhowdahay udhex-dagay. Iyana wxay usoo qortay markasta oo jacaylkaagu igusii siyaado wxaa badata cabsida aan ka qabo lakulan-kaaga” Mudo dheer oo toban sano iyo hayaay ah ayuu xaalkoodu sidaas ahaa oo warqad bas inay isku soo qoran ay kuwada xidhiidhi jireen, waagii danbe ayay ka codsatay inuu usoo guuro mid-kamid ah qasriyada ay ku leedahy “Moskow” wuu ka aqbalay oo wuxuu qayb kamid ah gurigeeda soo dagay, wuxuu soogalay JAYKOFISki hoygii loo diyaariyey waa guri wada muraayad ah oo farshaxanka iyo qaabka loo diyaariyey ashqaraar leh iyo sida wax-walpa meeshii loogu talagalay loo dhigay yaabadan waxkasta oo uu ubaahna loogu diyaariyey sida biyaanadii, gitaarkii, jaakadihii dhaxanta, sigaarka noocii uu jeclaa iyo xitaa daawadii hurdada ee uu adeegsan jiray si'uu useexdo, buugtii aw musiga ku qoran-jiray iyo khadkiina waa la'isku dul-saaray aad ayuu olayabay daryeelkeeda iyo sidey noloshiisa oga warqabtay fajaciso ayay ku noqotay heer uu ilmada ceshan-kari-wayay, Wxay ka codsatay gacalisadu inay agtiisa aw ku noolaado se aysan indhahoodu isqaban, sidii balantu ahyd waraaqo ayay kuwada xidhiidhi jireen. Shaqaalaha guriga ayaa dhanbaalada ukala qaadi jiray. Mar ayay dhanbaal usoo dirtay wxayna ugu soo qortay Riyaaq iyo rayn-raynbadan ayaan ku dareemaya inaad iidhowdahay ereyo aan ku cabiro magaranayo dareenkayga!. Sidii balantu ahyd se way soo ogaysiin jirtay xiliga ay baxayso iyo xiliga ay soo hoyanayso si aysan jidka/wadada, ugu kulmim, koob iyo tobanka subaxnimo ayay soo bixi jirtay, hadii ay dhacdo in uu daaqada ka halacsado iyadoo sii baxaysana gudaha ayuu ku carari jiray si aysan indhahoodu isugu dhicin. Mudo sanad ah ayay sidaas unoolaayeen isku guri ayay ku noolaayeen, waraaqo ayay isku qori jireen way is xaal waraysan jireen nolosha fikirka iyo afkaarta ayay wada gorfayn jireen, aragtiyaha fanka iyo suugaanta ayay wadaagi jireen, “falsafada jacaylka” iyo nolosha ayay wax iska waydiin jireen way is uur baadhan jireen, dhimbisha cishqiga iyo hilowga iyo muxibada ayay ereyo qoran isku waraabin jireen. Halkaas ayay kawada xaajoon jireen lkn maysan kulmi jirin, Waraaqo dareen lagu nuursado xanbaarsan ayay is-waydaaran jireen, Alla caawadeyda iyo nasiibkayga wxaan dareemaya inaan ku haysto wxaan dareemaya inuusan waxani “jacayl” ahyne sida cibaadada diimeen baab ugu “khushuucsanahay” bay usoo qortay markasta oo ay fariin ka heshana sidii oo ay aayad samada kasoo dagtay tahy bay udul hogan-jirtay, xamasadii aw dhanbaalkaas sare ka qaadey buu ku alify obeerada caalamiga ah ee gashaantidii orliyaano/made of orleans. Maalintii danbe ayay soo daahdey oo xiligii ay soo hoyan jirtay xili saacad ka soo wareegatay ayaa iyadoo soo galaysa qasriga wxay si kadis ah iskaga hor yimaadeen fanaankii, meel loo kala leexdaana ma jirto.
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily