Jahligu waa cadaw kan ugu wayn ee bulsho leedahay. Qofku waxa uu aqoondarro ugu dhaco ayaa ka xun, wax walba oo uu isagu gacantiisa ku doonto si kasta oo ay saamayn adag u leedahay. Jahligu kaliya maaha kan cilmiga maaddiga ama diiniga aadan aqoon u lahayn, balse dhan walba oo nolosha ah ayuu gali karaa. Qof wax yaqaan oo mutacallim sheeganaya ayaa gali kara khaladaad waawayn oo naftiisa ama nafta cidda ku xariirtaba wax yeelaya.
Waxa aad arkaysaa dad waawayn oo aan waligood wax baran, haddana wacyigoodu sida uu u korran yahay aad ka yaabayso, dhinaca kalana waxaa jira kuwo wax bartay oo wacyiga eber ka ah, garaadna haba sheegin. Turkidu waxa ay dhahdaa qofkaas Okumuş cahil. Waa qof shahaadooyin wata oo aqoon sheeganaya, waxse aan aqoon oo nolosha caadiga ah waxba yahay ku ah.
Waxa aan idinkaga digayaa in aad noqotaan jaahillo shahaadooyin wata. Naftiinna jaanis u siiya in ay wax badan is waydiiso. İn aadan is moodin qof wax yaqaan ee aad meel walba cilmiga ka doonto. Cilmi waxaa u wanaagsan kan damiirkaaga iyo dadnimadaada koriya, wixii kasoo hara shahaadooyin lagu shaqo tago weeye.
Cilmi kasta noqo qof wax uga bilaaban yihiin. Dhaqanka bulshadaadana aad u baro, u fiirsiga aad u fiirsato oo kaliya ayaad ka baranaysaa kumanaan cashar oo aan jaamacad iyo iskuul toonna lagu baran.
Marka aan dib ugu noqono taariikhda aadanaha, dawrka dhalinyarada ee isbedelka bulshada waxa uu ahaa mid muuqda. Waxay ka qayb qaadan jireen hawlaha dadweynaha sida dhaq-dhaqaaqyadii xorriyad raadinta, welina bulshooyinka caalamka waxa ay ku leeyihiin kaalin durugsan. Inkastoo dalal badan ay hoos u dhigeen kaalintii dhalinyarada sida inay xilal ka qabtaan kolba maamulka dawliga ah ee jira, balse da’yartu waa dad tamartu ku badantahay oo leh filasho sare oo dhanka nolosha ah,nasiib darrase siyaasiinta maanta qaarkood waxa ay dhalinta ka dhigeen kuwo aan saameyn buuran laheyn, sidaa darteed waxaan daneynayaa inaan wax ka tilmaamo jiridda arrimahan.
Tirada da’yarta u dhaxeysa 15 ilaa 30 jirka, si aad ah ayay ugu sii kordhaysaa dunida, waxaa jira fursado iyo caqabado ku xeeran dhalinyarada si dadban iyo toos ahba, caqabadahaas waxaa ka mid ah in si khaldan loo isticmaalo xoogga dhalinyarada. da’yarta ugu badan waxaa ay ku nool yihiin dalalka soo koraya sida Africa, Asia, iyo Latin America. Dhalinta ku jira da’da 24 jirka iyo kuwa ka yarba bulshooyinka dunida waxaa la qiyaasaa inay ka yihiin 40%. Balse dhalin fara badan ayaa weli waxa ay u dhimanayaan saboolnimada fog, isku dhacyo, iyo cudurada dilaaga ah.
Qaar ka mid ah siyaasiinta oo ay ku jiraan kuwo darajooyinka sar-sare haya waxa ay dhalinta ka dhigtaan hub ay u adeegsadaan kolba sida ay doonaan, iyagoo ka ilaaliya dhalinta hamiga leh inay xilal miisaan leh qabtaan. Halkaa waxaa ku luma xuquuqdii dhalinyarada iyo kaalintii ay ka qaadan lahaayeen isbeddelka bulshada, waxa ay isku arkaan inaysan waxba aheyn, qaarkooda waxa ay go’aansadaan inay dalka isaga tagaan sida in ay tahriiban. Marka ay sidaasi dhacdo dhalintu waxay noqdaan baylah wax walba u nugul iney aqbalaan sida in laga dhaadhiciyo fekrado xag-jirnimo oo ay ka faa’iideystaan hoggaamiyaal leh aragti dhinac u janjeerta.
Dhammaan tusaalayaashaan aan kor ku soo xusnay, waxaan si fudud uga dheehan karnaa dhacdooyinka iyo wararka maalinlaha ah ee daafaha dunida laga soo weriyo,kuwaas oo dib ugu noqonaya dhibaato ay huriyeen hoggaamiyaal aan wanaagsaneyn. hase ahaatee waxaa jira madax maskax furan kuwaa oo gartay inay dhalinyaradu yihiin lafdhabarta,wadnaha iyo hantida uu leeyahay dalka kasta oo meerahan dul yaal. Hogaamiyaasha leh aragtida fog waxa ay dhalinta siiyeen xuquuqdooda aasaasiga ah sida tacliin tayo leh, waxay kale oo ay u ogalaadaan inay ka qeyb qaataan nadaamka maamul ee markaa jira, taa waxa ay keentay in da’yartu ay soo bandhigaan dawrkooda in bulshada isbeddel loo horseedo weliba si fir-fircoon.
Sikastaba, culeysyada iyo caqabadaha ku foolan dhalinyarada kama aysan horjoogsan in badan oo ka mid ah inay wax u qabtaan bulshada oo halkaa kuma damin dawrkii ay ku lahaan jireen muddaba horumarka bulshooyinka caalamka. Tusaale ahaan sanadihii tagay waxaa la diwaan geliyay dhacdooyin isbeddel bulsho sida Kacdoonkii Gu’gii Carabta, kacdoonkaas iyo kuwo kale waxaa lugo u ahaa oo bilaabay dhalinyaro iyo dad kale oo la dhacsanaa hawlaha ay wadeen. bulsho ahaan waxa ay ka qeyb qaataan hawlo badan sida nadaafadda, tacliinta, la dagaalanka musuq maamusaqa iyo hawlo kale oo badan sida ganacsiga. dhalinta iyo caruurta waxa ay ka shaqeeyan oo ay kaalin ka ciyaaraan qoyskooda, deegaankooda magaaladooda iyo dunidoodaba. Waxay awood u leeyihiin inay dunida wax ku soo kordhiyan waxna ay bedelaan.
Gunaanad, dhalintu waa mustaqbalkeenna, waxa ay leeyihiin tamar u gaara iyo xirafado dabiici ah oo ku duugan kuwaa oo u baahan in la daah qaado lana hormariyo, aad ayay muhiim u tahay in dhalinta aqoon lagu maal geliyo si ay u noqdaan kuwo la yimaada hawl gudasho hufan, iyagana waxaa la gudboon inay bartaan xuquuqdooda wixii ka maqanna ay ku raadiyaan qaab nabdoon oo cilmi ku dhisan.
Horumarka Beeraha iyo Koboca Dhaqaalaha ee Waddanka Tansaaniya 2023
Tansaaniya waxa ay sannadkii 2023-kii ku guulleysatay horumar la taaban karo oo dhanka beeraha ah, waxayna gaadhay isku filnaansho dhan 128% oo dhanka cuntada ah, taas oo ka caawisay inay wax-soosaarkii dheeraadka ahaa u dhoofiso dalalka deriska la ah. Dhoofinta wax-soosaarka beeraha ee Tansaaniya ayaa gaadhay qiime dhan $2.3 bilyan, taas oo ka dhigan 9.5% korodh ah marka loo eego 2022-kii. Kaalinta Tansaaniya ee dhinaca dhoofinta wax-soosaarka beeraha ayaa ah mid sareysa, iyada oo dalkani uu kaalinta 8-aad kaga jiro Afrika marka la eego qiimaha dhoofinta dalagga beeraha.
Dhoofinta ugu weyn ee wax-soosaarka beeraha Tansaaniya waxay ka kooban yihiin lawska (cashew nuts) iyo bariiska, iyada oo suuqyada ugu weyn ee loo dhoofiyo dalagyadani ay ku jiraan dalalka India, Netherlands, iyo UK. Tani waxay dalka siisay faa'iido ganacsi oo lagu qiyaasay $1.2 bilyan, taas oo Tansaaniya ka dhigtay dalka saddexaad ee Afrika ugu faa'idada badan dhinaca ganacsiga beeraha, kaliya dalalka South Afrika iyo Ivory Coast ayaa ka horreeya. Faa’iidadan ayaa sidoo kale timid iyadoo baahida wax-soo-dejinta Tansaaniya ay tahay mid aad u hoosaysa, qamadiga ayaana ah badeecadda ugu weyn ee dalka laga soo dejiyo.
Horumarkan la taaban karo ee waddankani ku tallaabsaday waxaa taageeray oo ka dambeeya dadaalka dowladda, ee ku aaddan dhinaca wax-soosaarka dalka, iyada oo ujeedadu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga iyo nolosha beeraleyda. Taageeradaas ayaa sidoo kale qayb ka qaadatay in dalka laga hirgeliyo shaqo abuur loogu talagalay dhalinyarada iyo haweenka, taas oo kor u qaaday heerka nolosha bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha ee dalka.
9-Qodob Oo Kugu Khasbaya In Akhrinta Buugtu Ka Mid Ahaadaan Noloshaada.
1. Iba furka Waddo Aqooneed: Buugaagtu waxay bixiyaan aqoon ballaadhan oo ku saabsan mowduucyo kala duwan. Waxaad si qoto dheer ugu baran kartaa taariikhda, sayniska, falsafadda, ama hiwaayado kale oocusub.
3. Xusuustaada oo Xoogaysata: Daraasado badan ayaa muujinaya in akhrinta buugtu ay xoojin karto xusuustaada iyo shaqada maskaxdaadaba, taas oo kaa caawinaysa inaad maskax ahaan firfircoonaato.
4. Yareynta Walbahaarka: Buug wanaagsan oo aad ku nasato ayaa kaa caawin kartaa in maskaxdaadu ka nasato oo aad joojiso walwalka maalinlaha ah.
5. Hal-abuurnimadaada oo Korodha: Akhrintu waxay maskaxdaada soo galinaysaa fikrado cusub oo dhallin kara hal-abuur iyo xalinta dhibaatooyinka kugu hareeraysnaa.
6. Xirfadaada Qoraal oo Fiicnaata: la falgalka qoraal wanaagsani wuxuu kaa caawinayaa in qaab qoraalkaagu uu fiicnaado.
7. Hurdadaada oo Fiicnaata: Buug akhrintu intaanad seexan waxay kaa caawin kartaa inaad si fiican u nasato, taas oo hagaajinaysa tayada hurdadaada.
8. Xirfaddaada Falanqaynta oo Korodha: Akhrinta sheekooyinka xiisaha leh waxay kaa caawin karaan inaad falanqayso iyo inaad faahfaahin ka bixin karto fikradaha ka dhalan kara shayga aad akhriday.
9. Maskaxdaada oo aanu gabowgu ku soo deg-degin: Akhrinta joogtada ahi waxay kaa caawinaysaa in ay maskaxdaadu caafimaad qabto oo ay firfircoonaato, taasoo yareyn karta astaamaha cudurada la xidhiidha maskaxda, ee yimaada marka la waynaado.
Akhrinta buugta ku dar nolol maalmeedkaaga si aad u hesho faa’iidooyinkan cajiibka ah! 📖✨
Maal qabeen Isidor Straus iyo xaaskiisa Inda istraus waxay ku halaag sameen dhacdadii marakabkii qarqoomay ee titanic lakiin xaaska maal qabeen kan ayaa samaysay dhacdo ilaa hada Samayn ku leh qalbiyada dadka Aaminsan jacaylka iyo xidhiidh dhex mara qalbiyada
Markii uu qarqoomay markabka titanic doomaha dadka bad baadiya oo tiro yaraa awgeed waxa la go,aan saday in dumarka iyo caruurta la horumariyo Ragana Nasiibkoda sugaan kadib shaqalaha bad baadada ayaa usheegay Marwo Inda Straus inay fursad ka heshay doomaha bad baadinta ayna soo fuusho markaasay eegtay Ninkeedii Isidor istraus kadib
Waxayna iska diiday fursadii bad baadada waxanay go,aan satay inay garabkiisa ahaato ninkeeda Waxana ay tidhi eray si wayn u caanbaxay oo ahaa
( meeshii aad tagayso ayaan aniguna tagaya Halkii aad ku dambayso ayaan ana ku dambaynaya 😭)
Labadoodaba shilkaas ayay ku naf wayeen Dhacdadan ayaa dad badan ku qeexen inay Muujinayso daacadnimada iyo jacaylka ay gabdhu u qaadi karto ninkeeda in ay gaari karto inay nafteeda u hurto
Sufyaan Al-thawri waxa uu ahaa imaaam aad loogu yaqaanay suhdiga, waxa uuna kamid ahaa culimada muslimiinta kuwii ugu waaweynaa dhan walba, waxaa lagu magacaabi jiray amiirka mu’miniinta ee cilmiga xadiiska sida uu xadiiska u xifdiyay una ilaalin jiray darteed, sidoo kale waxa uu kamid ahaa culimada cibaadada badan, habeenkii oo dhan ayuu Alle u istaagi jiray, arday kamid ah ardaydiisa ayaa waxa uu yiri:
Waxa aan arkay sufyaan oo xaramka joogo salaadda maqrib siduu u sujuuday lagu adimay salaada cishaha, laakiin sidaas ay tahay waxa uu ahaa nin uu Alle hanti badan siiyay, nin ayaa isku dayay in uu ku ceebeeyo hantidiisa badan markaas ayuu yiri: side suhdi iyo hantidaan badan u kulmaayaan?
Waxa uu yiri Sufyaan: aamus.! hantida haddii aysan ahaan laheyn, Boqorrada waxa ay aqoonyahaannada ka dhigan lahaayeen istiraasho, kadibne waxa uu yiri: suhdigu ma’ahan cunto qalalan in la cuno ama dhar duluf ah in lagu labisto laakiin suhdiga waa in aad adduunyada gacantaada ku heyso oo aysan qalbigaaga u gudbin, oo aadna u aabbayeelin in aad hesho ama in aad weydo. Cumar Binu Khaddaab rc ayaa markii uu arkay nin masaajidka iska fadhiyo oo cibaado u go’ay meelna aan aadeynin, dadka ayuu weydiiyay xaaladdiisa waxaana loo sheegay in uu yahay saahid cibaadada u go’ay, waxa uu yiri: yaa wax siiyo?, waxaa ay dhaheen dadkii: annaga ayaa wax iskugu dardarno, waxa uu yiri -Cumar: adinka ayaa ka cibaado badan asaga. Nin saahid iska dhigaayay ayaa waxa uu damcay in uu ceebeeyo imaamka lagu magacaabo Abuu Al-Xasan Al-Shaadili oo dhar qaali ah ku tukanaayay salaadda, si la yaab leh ayuu u yiri: oo dharkaan miyaa Alle lagu caabudaa?! Abuu Al-Xasan waxa uu ugu jawaabay: dharkaan aan wato waxa ay cadeynaayaan dadka in aan ka kaaftoomay, balse adiga dharka aad wadato waxa ay tilmaamaayan in aad wali dadka u baahan tahay!
Waa sidaas suhdigu waa mid kamid ah acmaasha qalbiga, waa cibaado u gaar ah, waxba kama galin xaaladaadda iyo jirkaaga sida uu yahay, waxaa laga yaabaa adiga oo waxwalba heysto in aad Alle agtiisa saahid ka tahay waayoo qalbigaaga ayaa rabbiga abuurtay ku xiran, sidoo kale waxaa macquul ah adiga oo aan waxba heysan in aad Alle agtiisa ka tahay qof aan la mahdinin, waayoo qalbigaaga ayaa rabbigiis u careysan, suhdiga ma’ahan in aadan waxba heysan, balse suhdigu waa in aysan adiga waxba ku heysanin! Sidaas darteed ayaa ay dadkii wanaagsan ugu duceysan jireen: ilaahoow adduunyada innaga dhowr oo inagaga filnaaw Sheekooyinkooda miyaadan maqlin… kaalay aan kaaga sheekeeyee!
Iyagu waa hantiileyaasha jannada!! Buugga Sahay Tarjume: Muhammad Bin Farah Ka dalbo maktabadda Bayaan Books
Dhulalkii Ilbaxnimada Ee Mesopotamia, Dooxada Indus iyo Boqortooyadii Rooma.
𝟏. 𝐌𝐞𝐬𝐨𝐩𝐨𝐭𝐚𝐦𝐢𝐚 --- 𝐈𝐫𝐚𝐪 Mesopotamia, oo loo yaqaanay "Cradle Civilization," waxay ku taalay dhulkii u dhexeeyay webiyada Tigris iyo Euphrates, oo hadda ah dalka Ciraaq. Waxay hoy u ahayd qaar ka mid ah xaddaaradihii ugu horreeyay ee bini’aadamka, sida Sumerians, Akkadians, Babylonians iyo Assyrians. Gobolkani wuxuu ahaa mid lagu yaqaanay horumarinta qoraalka, magaaleynta, iyo bulshooyin isku dhaf ah. Waqti ka dib, dhulkani wuxuu ka mid noqday boqortooyin kale sida Boqortooyadii Persia. Magaca "Ciraaq" wuxuu soo bilaabmay in la isticmaalo qarnigii 6aad intii lagu jiray Boqortooyadii Sassanid, waxaana loo aqoonsaday magac rasmiga ah ka dib markii ay burburtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee qarnigii 20aad.
𝟐. 𝐈𝐧𝐝𝐮𝐬 𝐕𝐚𝐥𝐥𝐞𝐲 --- 𝐏𝐚𝐤𝐢𝐬𝐭𝐚𝐧. Ilbaxnimadii Dooxada Indus waxay ahayd mid ka mid ah dhaqamadii iyo magaalooyinkii ugu horreeyay ee adduunka, waxayna jirtay qiyaastii intii u dhaxaysay 2600-1900 BCE, halkaas oo hadda ah Pakistan iyo waqooyi-galbeed Hindiya. Magaalooyinkoodii waaweynaa sida Mohenjo-Daro iyo Harappa waxay caan ku ahaayeen qoraalka, dhismaha, iyo ururro bulsho oo ka jiray. Markii ay hoos u dhacday ilbaxnimadii Dooxada Indus, gobolka waxaa soo maray boqortooyin iyo duulaanno kala duwan, oo ay ku jiraan Boqortooyadii Maurya iyo Gupta. Sannadkii 1947, ka dib markii uu dhammaaday xukunkii Ingiriiska ee Hindiya, goobtani wxay u noqotay dawladda madaxa bannaan ee Pakistan.
𝟑. 𝐈𝐦𝐛𝐢𝐫𝐚𝐝𝐨𝐨𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐑𝐨𝐨𝐦𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚 --- 𝐈𝐭𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚. Boqortooyadii Rooma oo xilligii ay ugu xoogga badnayd ahayd sannadkii 117 AD, taas oo ku fiday qaybo badan oo ka mid ah Yurub, Waqooyiga Afrika, iyo Bariga Dhexe. Waxay ahayd mid ka midda boqortooyadii ugu awoodda badnayd ee taariikhda soo mara. Magaalada Rooma waxay ahayd wadnaha boqortooyadan, taas oo ka tagtay dhaxal waara oo ah dhinaca qaannuunka, dowladnimada, dhismaha, iyo luuqaddahaba. Ka dib markii ay burburtay Boqortooyadii Rooma ee galbeed sannadkii 476 AD, ilbaxnimadan ayaa u kala go'day boqortooyooyin iyo dawladdo yar-yar oo kala duwan. Qarankan casriga ah ee Talyaaniga ayaa tirsada dhaqan fog iyo ilbaxnimo qadiimi ah, oo si qoto dheer ula xidhiidha Roomaanka.
Joojinta cabista sigaarku waa mid ka mid ah go'aannada ugu wanaagsan ee uu qofku u qaadan karo caafimaadkiisa. Marka uu qofku joojiyo qiijinta sigaarka, waxaa jira kabasho iyo faa'iidooyin badan oo isla markiiba u bilaabmaya qofka. Waa kuwan isbeddellada kabasho ee uu jidhka qofku maro marka uu ka soo kabanayo nicotine-ta iyo sumaha kale ee khatarta ah ee ku jirta sigaarka:
-20 Daqiiqo ka dib: Garaaca wadnahaagu wuxuu ku soo noqonayaa heer caadi ah.
-12-24 Saac ka dib: Kaarboon moonaaksaydka (Carbon monoxide), oo ah sun khatar ah ee ku jirta sigaarka, waxay ka baxaysaa dhiiggaaga, taasoo u oggolaanaysa heerarka ogsijiinta inay xasisho. Khatartii wadne xanuunka aad ugu jirtayna hoos ayay dhacaysaa.
-2 Toddobaad ilaa 3 Bilood: Shaqada sambabbada ayaa soo hagaagaya, taasoo kuu fududaynaysa neefsashada. Wareegga dhiigguna wuxuu noqona mid xasilloon.
-1 ilaa 12 Bilood: Qufaca iyo neefsashadii kugu adkayd ayaa si tartiib ah u yaraanaya, maaddaama sambabbadaadu bilaabeen inay bogsadaan.
-5 ilaa 10 Sano: Khatartii aad ugu jirtay kansarrada ku dhaca afka, dhuunta, iyo doobta ayaa hoos u dhacaya kala badh marka loo eego markii horre ee aad sigaarka cabi jirtay.
-5 ilaa 15 Sano: Khatarta istaroogga (stroke) ayaa hoos u dhacaya ila heer qof aan waligii sigaarka cabin oo kale, taasoo kor u qaadaysa nidaamka habdhiska dhiig wareegga ee jidhkaaga.
-15 Sano: Khatarta cudurrada wadnaha ku dhaca sida (Coronary heart disease) ayaad ula mid noqonaysaa sidii qof aan abid sigaarka cabin oo kale, taasoo calaamad u ah soo kabasho buuxda oo wadnahaaga ah.
Jadwalkani wuxuu ku salaysan yahay xog laga soo ururiyey daraasado caafimaad oo ku saabsan bogsashada iyo soo kabashada jirka ee dadka joojiyey cabista sigaarka. In kasta oo ay jiri karaan kala duwanaansho yar oo qof waliba si gaar ah u leeyahay, xogtan waxay si guud u metelaysaa isbeddelka wanaagsan ee ay helaan inta badan dadka sigaarka iska daaya.
Bushra iyo Bilaal ayaa ku jira xaalad cusub oo jacayl ah, halka Burhaan uu la tacaalayo dareenka jacaylka lumay iyo khasaaraha uu dareemayo. Barwaaqo ayaa ah qof ay Burhaan isku dayayo inuu la hadlo, si uu uga dhaadhiciyo in jacaylka u dhexeeya iyaga aan macno lahayn, halka Bushra ay go’aankeeda ku adkeysatay, oo ay u sheegtay Burhaan in ay jeceshahay Bilaal oo ay isaga xiriirka u jartay. Ugu dambeyntii, Barwaaqo waxay go’aansatay inay Bilaal ka tagto, iyada oo aan cadho muujin balse ay digniin ku siisay inuu Burhaan noqon doono ninka guusha helaya. Sheekadu waxay tilmaamaysaa sida jacaylka iyo khayaanku u saameeyaan nolosha iyo xiriirka dadka, iyo sida dadku mararka qaar ugu soo laabtaan dariiqyada ay isaga tageen.
Waa qayb kale oo aad u xiiso badan oo ku saabsan taxanaheenii halkaan hoose ka aqriso adiga oo mahadsan waxaan kaa codsanayaa inaad Like saarto si meel fog u gaarto mahadsanid.
Ma ogtahay haddii aad 100 qudhaanjada madow ah iyo 100 qudhaanjada cas ah aad geliso weel, in aysan waxba dhexdooda ka dhacayn oo ay heshiish kuwada joogayaan? Laakiin haddii aad si xoog ah u ruxdo weelka, qudhaanjadani waxay bilaabayaan inay is-dilaan. Qudhaanjada-casi waxa ay qudhaanjada-madow u aqoonsanaysaa inay cadaw ku tahay, halka qudhaanjada madowguna ay ta cas u qaadanayso mid cadaw ku ah. Balse cadawga dhabta ahi waa qofka ruxaya weelka. Isla sidaas oo kale ayaa in badan ku dhacda bulshada aaddamaha. Ka hor intaan midiba midkeenna kale weerarin, aynu arrimaha dhexda inoo ah sal iyo baar u baadhno inay bal yihiin kuwa ka unkamay dhexdeena, iyo inay yihiin kuwa la inoo soo waariday.