1. Jooji ka codsashada dadka wax aadan heli karin.
2. Jooji inaad tiraahdo wax ka badan inta loo baahan yahay.
3. Marka laguu xadgudbo, iska aamus oo si xikmad leh uga dhaqaaq.
4. Ha cunin cuntada dadka kale wax ka badan inta ay adiga kaa cunaan.
5. Ka fiirso inta aad dadka xiriir la sameyso; haddii tamartooda aysan kula mid ahayn, ku ekaaw tan ay ku siinayaan.
6. Naftaada maalgeli, dadka kale maalin walba ha ku tiirsanaan.
7. Ha filanin in dadka kale ku farxad geliyaan; farxaddaadu adiga ayay gacantaada ku jirtaa.
8. Jooji ka sheekeynta dadka kale; arrintaas waxay u wanaagsan tahay carruurta.
9. Naftaada xakamee oo ha siin jidhkaaga qof aan qiimo kuu lahayn.
10. Marka lagugu xadgudbo, Ujawaab si toos ah oo xushmad leh.
11. Ku dadaal inaad naftaada farxad geliso, qof kale kuma tiirsana farxadaadu.
12. Ha ku mashquulin dadka aan dan ka lahayn jiritaankaaga.
13. Ka fiirso dadka aad noloshaada u dhawaanayso; ka xulo kuwa ku taageeraya oo qiimahaaga og.
14. Cuntooyinkaaga iyo agabkaaga qiimee, hana u isticmaalin wax kasta si xad ka bax ah.
15. Ka fogow dadka had iyo jeer caajis iyo caqabada ku ah hormarkaaga.
16. Ha oggolaan in aad dadka wax ka hooseeya iska dhigto si aad kalsoonida dadka u kasbato.
17. Baro inaad "maya" tiraahdo marka aad dareento in ay naftaada waxyeelo ku tahay inaad oggolaato.
18. Qof kasta oo kugu caajisa ama kaaga fogaada si tooska ah, iska dhaaf; qof walba noloshaada ma istaahilo.
~ Ixtiraamka naftaadu: waa furaha ugu weyn ee aad ku gaadhi karto nolol hufan oo farxad leh. Taasina waa masโuuliyad adiga ku saaran oo aan cid kale ku tiirsanayn.!! ๐ฏ๐ฅโ๐๐๐
Markaa laga bilaabo waxa ay Salma noqotay qof saaxiib igala wayn, walaalna iiga dhaw, gacalisana aan ka jeclahay, waxa ay noqotay flick sare oo maankayga ku dhex wareegaysa, dareen mug wayn oo lubbigayga ku duugan iyo riyo qurxoon oo naftayda dens la ah. โจ๐๐
- Hal fikrad oo habeenkii kugu soo gudda ayaa wanaag ama waali kuu horseedi karta. ๐
- Eegmo qura oo aad indhaha haweeneey eegto ayaa kaa dhigi karta kan dadka ugu ladan ama ugu liita. ๐๐ฅน
- Eray kaliya oo kasoo baxa nin afkii ayaa kaa yeeli kara tanaad saboolnimo dabadeed, ama sabool tanaadnimo dabadeed. ๐ฏ
โ Noloshu waa Is-bedello dabiici ah oo iyagu is wada, weligaa adigu ha ka hor iman; waayo is-hortaggaasi murugo ayuun buu dhalaa. Runta u ogoloow in ay run ahaato. (Lao Tzu)โค๏ธ๐ฏ
"Waxay ahayd QURUX, laakiin ma ahayn sida gabdhaha sawirradooda lagu soo daabaco joornaalada.
Waxay ahayd qurux, maxaa yeelay sida ay u fikiraysay ayaa ahayd mid soo jiidasho leh.
Waxay ahayd qurux, maxaa yeelay dhalaalka indhaheeda ayaa iftiimi jiray marka ay ka sheekaynayso waxyaabaha ay si kalgacayl leh u jeclayd.
Waxay ahayd qurux, maxaa yeelay awooddeeda ay dadka kale ku farxad gelin karto ayaa ahayd mid cajiib ah, xitaa haddii ay iyadu qalbiga ka tiiraanyeysneyd. Maya, quruxdeedu ma ahayn wax ku dhow oo kaliya muuqaalkeeda; balse waxay ahayd mid qoto dheer oo ka imanaysay nafteeda gudaha ah." ๐ฏโจโค๏ธ๐ง๐๐ฅ๐ฑ๐
Waxaan ahay wiil 27 sano jir ah, waxaan la soo koray aabahay iyo hooyaday, waxaana ahaa wiilka ugu yar ee xaafada. Walaaladay hablo iyo inamoba way iga waynaayeen.
Aabahay wuxuu ahaa qof adag marka laga eego dhanka inamada, hase yeeshee, hooyaday aad ayay uga naxariis badanayd. Intii aan jaamacadda galay, guriga naga soo horjeeda ayaa la soo dagay oo waxaa soo degay jaar leh gabadh.
Maalintii ugu horeysay ee aan aragtay, waxaa uqaadey jacayl xad dhaaf ah.
Markii aan jaamacadda dhammeeyay, waxaan go'aansaday inaan u sheego jacaylkayga, nasiib wanaagna way iga aqbashay. Aad ayaan u farxay.
Waxaanan isku dayay inaan noqdo maalgashade weyn, waana ku guulaystay inaan furto ganacsi gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhacday in aabahay geeriyooday waqtigaas.
Markii aan hooyaday u sheegay in aan guursan rabo, si aad ah ugu faraxday, laakiin markii aan ku dhahay gabadhaan jaarkeena ayan jecelahay oo aan guursanayaa, hooyaday aad ayay uga xanaaqday. Waqti dheer ayaan murgoonayay, waxaanan dareemay murugo daran. Waxaan hadda raadinayaa xal, waxaana iddinka codsanayaa asxbey talooyin wax ku ool ah.
Fiiro gaar ah: Gabadhani waxay ila soo qaadatay 7 sano oo ay idhiirigelisay aniga oo sabool ahaa. Waxay igu taageertay inaanan kalinimo dareemin, waxaana ugu mahadcelinayaa sabirkeedii.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan u baahanahay xal macquul ah si aan u xalliyo khilaafka dhanka hooyada iyo gabadha aan jecelahay.!! ๐