View in Telegram
Zaaxiibka_Nolosha
π
β¨
πΏ
π€
π
π
π
Hooyada iyo gabadha aad jeceshahay kee dooran lahayd? Waxaan ahay wiil 27 sano jir ah, waxaan la soo koray aabahay iyo hooyaday, waxaana ahaa wiilka ugu yar ee xaafada. Walaaladay hablo iyo inamoba way iga waynaayeen. Aabahay wuxuu ahaa qof adag marka laga eego dhanka inamada, hase yeeshee, hooyaday aad ayay uga naxariis badanayd. Intii aan jaamacadda galay, guriga naga soo horjeeda ayaa la soo dagay oo waxaa soo degay jaar leh gabadh. Maalintii ugu horeysay ee aan aragtay, waxaa uqaadey jacayl xad dhaaf ah. Markii aan jaamacadda dhammeeyay, waxaan go'aansaday inaan u sheego jacaylkayga, nasiib wanaagna way iga aqbashay. Aad ayaan u farxay. Waxaanan isku dayay inaan noqdo maalgashade weyn, waana ku guulaystay inaan furto ganacsi gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhacday in aabahay geeriyooday waqtigaas. Markii aan hooyaday u sheegay in aan guursan rabo, si aad ah ugu faraxday, laakiin markii aan ku dhahay gabadhaan jaarkeena ayan jecelahay oo aan guursanayaa, hooyaday aad ayay uga xanaaqday. Waqti dheer ayaan murgoonayay, waxaanan dareemay murugo daran. Waxaan hadda raadinayaa xal, waxaana iddinka codsanayaa asxbey talooyin wax ku ool ah. Fiiro gaar ah: Gabadhani waxay ila soo qaadatay 7 sano oo ay idhiirigelisay aniga oo sabool ahaa. Waxay igu taageertay inaanan kalinimo dareemin, waxaana ugu mahadcelinayaa sabirkeedii. Si kastaba ha ahaatee, waxaan u baahanahay xal macquul ah si aan u xalliyo khilaafka dhanka hooyada iyo gabadha aan jecelahay.!!
π
Bal adiga maxay kula tahay akhriste? ββ - MΚ α΄α΄α΄α΄Κα΄α΄‘
π
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start