Kanaalkan waxaan idinku soo gudbin doona qormooyin aan ugu talagalney dhalinyarada, sidii ay u horumarin lahaayeen aqoontooda iyo shakhsiyadooda.
@Qormooyiin
Wixii talo iyo tusaale ah halkan noogu soo dir @CabdirixiinMaxamuud
Qaar badan oo naga mid ah waxay sanad kasta sameystaan qorsheyaal ay doonayaan inay hirgaliyaan inta uu sanadkaas socdo, ama wax cusub oo ay billaabayaan, qof kasta oo naga mid ahna wuxuu asteystaa arrimo uu ku hormarinayo noloshiisa.
Ma laga yaabaa inay qorsheyaashaas ka mid yihiin inuu qofku caafimaadkiisa toosiyo ama inuu xoogaa lacag ah keydsado? Ama xitaa suurtagal ma tahay inaad go'aan ku gaartay joojinta balwad aad lahayd ama dabeecad aad dooneyso inaad iska dhaafto?
Wax walba oo uu qorshahaaga sanadka cusub yahay, waxaa jira hal arrin oo aadan u hirgalin karin la'aanteed - waana dhiirrigalin. Laakiin sida aan dhammaanteen ka warqabno, taasi si sahlan kuma imaato. Kaliya 8% ka mid ah dadka qorsheyaasha dajista sanadka ayaa ku guuleysta inay fuliyaan, sida lagu qeexay daraasad. Hase yeeshee, khasab ma aha inaad tiradaas adiga ku jirtid.
1. Ku bilow wax yar: In qorsheyaal macquul ah la sameysto waxay horseedi karaan fursad lagu guuleysto. Meel hoose oo macquul ah ka billow ka dibna si tartiib ah kor ugu sii soco. Qeyb ka mid ah dhibka na heysta waa inaan dajisanno qorsheyaal aad u waaweyn oo ay adag tahay inay suurtagalaan, taasna waxaa sabab u ah inuu qof walba isku maleeyo ruux dadka kale ka duwan isbaddal dhab ahna sameyn kara sannadka cusub. Inaad waxyar ka billowdid, waxay kuu sahleysaa inaad wax kasii weyn uga sii gudubtid. Haddii aad jeceshahay cunto karinta, waxaad cook jikada ku jira ku caawin kartaa inaad isbuuciiba hal raashin u karisid, sidaasna aad xirfadda kusii baratid. Isbaddalladu waxay u imaadaan si tartiib tartiib ah, iyadoo wakhti qaadanaya.
2. Wax diiradda saar: Ka fikir waxa saxda ah ee aad damacsan tahay, meesha aad ku sameyneysid iyo wakhtiga aad ugu talagashay. Inta badan waxaan qorsheyaal dajisannaa annagoo aan fikrad sax ah ka heysanin qaabka aad wax u fulineyno. Laakiin waxaa muhiim ah inaad si faahfaahsan wax u qorsheysatid. Inaad tiraahdid, Waxaan gym-ka aadayaa galab kasta oo Talaado ah iyo subax kasta oo Sabti ah" waxay ka fiican tahay inaad si guud u dhahdid "gym ayaan aadayaa". Marka aad sidaas wax diiradda u saarto, waxay ka dhigan tahay inaadan fikradda kaliya ku ekeyn oo sidoo kale aad heysatid sidii aad u qaadi lahayd tallaabada hirgalinta qorshaha.
3. Dhis taageero: Inaad heshid dad kale oo qorshahaaga oo kale damacsan waxay ku siineysaa dhiirrigalin aad u weyn. Taasi waxay micnaheeda noqon kartaa inaad qof saaxiib kula ah wax isla sameysaan ama inaad qorshahaaga ku soo bandhigtid dadka dhexdooda. Marba haddii aan muujinno qorshaheenna shaacinno waxay u badan tahay inaan ku dadaalno hirgalintiisa.
4. La dagaallan guuldaradda: Marka ay sii wadista qorshahaaga kugu adkaato, ka fikir sidii aad dib u eegis ugu sameyn lahayd.
Maxay yihiin caqabadaha kusoo wajahay?Maxay yihiin kuwa ugu adag? Maxayse yihiin kuwa ugu fudud?
Sii khafiifi qorshahaaga si uu u sii socdo, kuna farax guusha yar ee aad ka gaartid. Haddii aad dooneysid inaad ku taagnaatid isla qorshahaas adkaaday, ka warran haddii aad dhinac kale kasoo gashid adigoo sidii hore kasii dhiirran?
5. Qorsheyaashaada ku astee ujeedooyin waqti dheer leh: Qorsheyaasha la dajisto ee ugu wanaagsan waa kuwa looga gol leeyahay wakhtiga dheer ee aad dooneysid inay noloshaada ku waaraan. Waxay ka fiican yihiin kuwa aan la hubin iyo kuwa laablakaca ku yimaada. Haddii aadan waligaa daneynin ciyaaraha, way adagtahay in lagu taagnaado qorshe ku saabsan sidii aad ciyaaryahan guuleysta ku noqon lahayd. Dadka qorsheyaashooda ku saleeya laab-la-kaca badanaa way ku guul darreystaan. haddiiba aad heysatid qorshe ku saabsan wax aad daneyn jirtay ama aad xiiseyneysid - u sameyso qorshe toosan oo maalinta ugu horreysa billowda. xigasho.
Sadka dabeecadahaan leh waxay ku fiican yihiin shaqooyinka la xiriiro bini'aadannimada iyo u adeegidda bulshada, loona yaqaano "Social work" sida shaqooyinka kalkaalnimada, horumarinta bulshada, gargaarka, wacyi gelinta iyo baxnaaninta.
Waxay shaqooyinka noocaan ah kaga badbaadayaan niyadjabka iyo cudurrada la xiriiro. Waxayne noqonayaan dad wax u qabtay bulshadooda, faa'ido badanne u soo hoyay naftooda, abuurtayne mustaqbal ay hiigsan karaan.
SIDEE LOOLA DHAQMAA DADKAN ?
1. Dadka dabeecadahaan leh kama ahan ajar ku raadso ama naftaada iyo maalkaada u hur saaxiibadaa ilaahay dartiis ee waxay ka tahay dabci, sidaas ayay farxad ku dareemaan, kagana hortagaan in la naco ama saaxiib ku waayaan, sdiaa daraadeed waa in aad iska ilaalisid in aad xaqooda cuntid ama ku daneesatid taasoo si sahlan dambi kaaga soo raaci karo.
2. Ogow dadkaan ma ahan daqomo oo caqliga ku yar yahay, waa dad Alle siiyay maskax fiican laakiin dabcigooda ayaa ka xoog badan, sidaas ayayna ugu muuqdaan dad laga caqli badan yahay maadaama dantooda aysan garanayn, marka qaabka aad ula dhaqmaysid iyo khaladaadka aad ka galaysid wuu dareensan yahay, laakiin ma jeclo inuu ka hadlo ama kaa diido si uusan qalbigaaga u dhaawicin.
3. Maadaama naftoodu ay tahay waxa ugu dambeeyo oo ay ka fakaraan, waxay u nugul yihiin cudurro badan oo ka dhasho daalka, hurdo la'aanta iyo welwelka, sidaa awgeed hadduu xanuunsan yahay, lagama yaabo inuu shaqo fasax ka qaato ama uu dhaho "waan xanuunsanahay, ma qaban karo howshaan", marka iska ilaali xuquuqdooda.
4. Haddii aad leedahay saaxiib dabeecadahaan leh, ku dadaal sidaa u xajisan lahayd, ugana ilaalin lahayd niyad-jabka, isagane ilaalin lahayd xuquuqdiisa, sababtoo ah maanta dunida ma jiro qof intaa kuu samaynayo si bilaash ah.
5. Qofka dabcigaan leh waxaa haboon inuu guursado qof ka dabci duwan si guriga uusan uga dhumin dheelitirnaanta, caruurtane u helaan tarbiyo dhexdhexaad ah.
MA LA BEDELI KARAA DABCIGAN ?
Dabciyada waxaa loo kala qaadaa laba: mid waad ku dhalatay, midne waad kasbatay. waxaadne ka ogaan kartaa dhaqanka iyo taariikhdiisii hore, haddii ay tahay dabci aad kasbatay nolushu way kaa baddali kartaa, laakiin haddii ay tahay mid aad ku dhalatay way adag tahay in qofka iska badalo ama laga badalo. waana sababta qoysaska qaar ay quus uga taagan yihiin caruurtooda dabeecadahaan leh.
Dabciga loo yaqaano ma-diidnimada, afka qalaadne lagu dhaho (agreeableness), waa dabci ilaahay ku abuuray dadka qaarkiis, waxaa lagu gartaa inay yihiin dad naxariis badan, caadifad badan, caawinaad badan, bixiya ogolaansho iyo kalsooni aan shardi lahayn, waa "madiide" iyo "madiido".
CALAAMADAHA AY LEE YIHIIN
1. Waa dad ku kalsoonaada qof walba oo ay la tacaamulaan, haday saaxiib noqdaan kuma sii jirto oo waqtigooda iyo juhdigooda way ku bixiyaan, uma arkaan culeys inay dad kale caawiyaan, waliba u dayacaan howlahooda iyo danahooda khaaska ah, taasi waxay ka qaadaan farxad iyo tamar badan.
2. Maadaama ay kalsooni buuxda siiyaan asxaabtooda iyo dadka ay la dhaqmaan, waxay aaminsan yihiin in iyagana sidaa loogu kalsoon yahay, sidaa darteed dadka waxay ula hadlaan si saraaxa ah oo aan gambasho lahayn, waxne ma qariyaan, taasoo mararka qaar keenayso in si qalad ah loo fahmo iyagoo wax xumaan ah aanan ula jeedin falka ama hadalka ay ku dhaqaaqeen. 3. Waa dad bixiya waxa ay heestaan, kamana fakaraan meesha ay ku bixinayaan iyo qaabka ay u bixinayaan, waxay jecel yihiin inay asxaabtooda la qeybsadaan mushaarkooda iyo wixii dhaqaale soo gala, waana dhaqan ay badanaa isku dagaalaan qoysaskooda iyagoo u arka inay umado kale u adeegaan ama shisheeye kalkaal ay yihiin, lacagtaasne uu isaga iyo iyagaba ay ka qadan yihiin. dabcigaan deeqsinimada iyo caawinta kama ahan is-tus-tus.
4. Maadaama aysan diidmo aqoonin oo ay iska ilaaliyaan wax walboo isku dhac keenayo, waxay diyaar u yihiin inay wax walba huraan si aysan asxaab la'aan u noqon, sidaa darteed waxyaabo badan oo aan dan ugu jirin ayay sameeyaan, taasoo badanaa dib ugu soo laabato una keento dhib, haddii lagala taliyo arintaas ama lagu canaantane isma difaacaan oo wax walba "Haye" ayay dhahaan, laakiin dabcigoodii ayay horay u sii wataan.
5. Waa dad la danqado dhibaatooyinka dadka kale, aadne ula murugooda, cudur daar walbana aqbalo, cafintane u sahlan tahay, ma ahan dad cuqdad ku abuuranto. kamana fakaraan inay daalan yihiin iyo inay howl ku jiraan ama u socdaan markii wax looga baahdo, wixii laga dalbado iyagoo faraxsan ayay sameeyaan.
6. Waa dad ka dhex muuqdo ololaha deeq aruurinta, caawinta, gurmadka iyo caawinta bulshada iskugu timaado xafladaha aroosyada iyo meelaha kalaba. waa dad wax loo dirsado, loona wacdo markii caawinaad loo bahdo.
7. Dabeecadahaasi waxay keentay inay yeeshaan asxaab badan, mid xun iyo mid fiican, waana dad aad bulshadu u jeceshahay maadaama ay leeyihiin dabciyo dadka soo jiito, laakiin waa dad dulman oo xuquuqdooda lagu tunto.
MAXAA KU KALIFAYA INEY SIDAN SAMEEYAAN?
Dabcigaan ma-diidnimada, qofka maskaxdiisa waxay dhibsanaysaa diidnimada, wax walbane inuu ogolaado ayuu farxad ku helaa, asxaabta badanne ku ilaashadaa, taas ayaa keenayso in qofka uu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo siduu asxaabtaas iyo farxadaas uu ka helayo u ilaashan lahaa isagoo u luminayo danahiisa guud iyo mid khaasba.
Taas waxay keentay in qofka uu horumar ka gaari waayo noloshiisa dhinaca shaqada khaasatan hadduu shaqo masuulnimo uu hayo, maxaayeelay shaqadii way dayacantaa, waxaana shaqada la maamulo ama ku takri falo asxaabta ka ag-dhaw, sidaa darteed waxaa la yiraahdaa, dadka dabcigaan leh waa laga ilaaliyaa shaqooyinka maamulka la xiriiro aam shaqooyinka u baahan go'aan qaadashada ama wax sixitaanka ama xisaabinta iyo shaqooyinka ganacsiga iyo beec-mushtarka oo u baahan gorgortanka, waana sababta ay niyadjab uga qaadaan shaqooyinkaas haddii loo dhiibo, way isku dayaan shaqooyinkaas laakiin way ku fashilmaan.
Dhibaatooyinka kale ay ka dhaxlaan shaqooyinkaan waxay tahay in lagu shaqeysto oo awoodooda wax ka badan la saaro, mushaarkane lagu yareeyo maadaama aysan wax cabasho ah aysan la imaanaynin. Lasoco qaybta 2aad W/Q: Dr Abdullahi Mahdi
1. Ha isku dayin inaad qofka kaa sareeya ama booskaaga aad isaga dhigto mid ka aqoon iyo maskax badan, waayo waxaa laga yaabaa inaa shaqadaada halkaas ku weydo, wixii aqoon ah laabtaada ku heyso waayo aqoonta umaad baran inaad dadka isugu xariifiso.
2. Aad ha u aaminin asxaabtaada kalsoonidaada oo dhana ha siin, waayo waxyaabo badan ayey kaa yaqaanaan, si fududna wey kuu khiyaameyn karaan haddii aanad ka digtoonaan, kamana wadno in saaxiibadaada oo dhan ay qiyaanoolayaal yihiin.
3. Qari oo ha muujin hadafyada aad nolosha ka leedahay, waayo cadawgu waa badan yahay laga yaabaa ineyba guriga kula joogaan sidoo kale ay saaxiibadaa ku jiraan. Dadku wey arki doonaan markaad xaqiiso hadafkaa weyna kuu hambalyeeyn doonaan.
4. Ha yaraado hadalkaagu, hadalkaagu hadduu bato waxaa hoos u dhacaya qiimahaaga iyo sidoo kale shakhsiyadaada. Laakiin haddii hadalkaagu yaraado aad ayaa loo daneynayaa loona dhago nuglaanayaa.
5. Waxyaabo badan ayaa ku xidhan sumcadaada iyo karaamadaada sidaa daraadeed ilaasho. Haddii wax sumcad darro ah aad sameysan qof kasta faham xun ayaa uu ka heysanayaa, mana jrri doonto cid kusoo dhaweysaneysa.
6. Dadka ku kalif iney iyagu kuu yimaadaan oo kusoo raadsadaan badalkii aad adigu raadsan jirtey una tagi jirtey. Dulucdu waa ha noqon qof meel kasta jooga, meel kastana taagan, waqti kastana la heli karo.
8. Hadaafyadaada ku muuji ficil oo hakaa muuqdaan, badalkii aad dadka uga sheekayn laheyd kan iyo kan aan sameeyey iyo kanaan ahey. Dadka indhahooda ayaa u markhaatiya.
9. Qofka dantiisa ka tus hawlaha aad rabto inuu kuu qabto. U sheeg in haddii hawshan qabto uu waxyaabahaas ka faa'idi doono, haddii kale waxa uu isu arkayaa inuu adiga uun kuu shaqaynayo. Iska dhig xariif magaalo.
10. Noqon shakhsi aan la saadaalin karin, dadku laga yaabaa iney kugu mashquulaan kuguna dawakhaan waxaa tahay, waxaa qabato, meeshaad ku nooshahay, sidaa u nooshahay iyo sidoo kale waxaad aaminsan tahay, waayo dadku waxay jecel yihiin iney dadka wax ka ogaadaan.
11. Ha isku dayin inaad cadowgaaga ka fogaato oo xayn daab yarna aad isku soo xidho, waayo haddii aad dhexgasho waxaad ka ogaaneysaa macluumaad si aad isu difaacdo, mana ogaan karaan inaad ku dhex jirto.
12. Waxaa heli weydo kasoo qaad inaad u baahneynba, haddii aadan sidaa sameynin werwer iyo niyadjab ayaa ku jiri doontaa.
1. Cidna ha salaamin adiga oo fadhiya: marka aad qofka u istaagtid si aad u salaanto waxay muujineysaa ixtiraam iyo qadarin aad u hayso.
2. Qofka ka maqan ee saaxiibkaa difaac: saaxiibkaa oo maqan haddii agtaada wax looga sheego waa inaad difaacdaa, una sheeg iney hortiisa ka sheegaan waxay ku durayaan.
3. Wax u reeb: haddii saaxiibkaa ku casuumo ama wax ku siiyo waxaas oo uu isaguba u baahan yahay ha isku dayin inaad waxaba wada qaadato, sharaftu waxay ku jirtaa inaad wax u reebto.
4. ha raadin shaqo aanad qaban amaanteeda: ha noqon qof mar walba raadiya amaanta ilaa ay kula gaadho inaad raadiso amaanta shaqo aanad qaban.
5. Qaado eeda aad leedahay: haddii lagu soo jeediyo eed aad ku sugan tahay waa inaad qaadataa, bani'aadam ayaan nahay waan qaldami karnaa, ha noqon qof aan eeda qaadan cid kalena dusha uga rida.
6. Ha dalban in lagu casuumo: waa muhiim inaad ilaaliso xuduuda dadka idiin dhaxeysa, inaad dalbato in lagu casuumo waxa laga yaabaa iney sharaftaadu ku lunto, oo aad keligaa meel keli ku noqoto.
7. Weligaa ha baryin xidhiidh: inaad naftaada iyo karaamadaada ilaashato waa muhiim, haddii aad aragto inaan lagu rabin ha ku isku dhejin, adiga naftaada ma jeclid in lagu qasbo waxaaney jecleyn, dadkuna waa sidaas oo kale.
8. Marwalba waa iney jeebkaaga lacag ku jirto: waa inaad u diyaarsan tahay xaalad kasta oo ku soo wajahda, si aanu qiimahaaga shakhsiyadeed u lumin.
9. Xakamee naftaada xilliga aad cadhooto: waa inaad xakameyn kartaa cadhadaada, waayo waxay kuu sababi kartaa wax aad in badan ka shaleyso xilli aaney qoomamo wax tareyn.
10. Go'aan yeelasho: haddii ay go'aan ka noqnoqoshada iyo labalabeyntu kugu badan tahay ma jirto cid ku aamineysa, waxaanad noqoneysaa qof aan la isku haleyn.
Dadka guurdoonka ah waxay is weydiiyaan tolow tani ma tahay gabadhan aan rabey? War gabadhani ma tahay gabadh ii qalant? Khubaradu waxa ay ku hawlan yihiin sidii ay uga gungaadhii lahaayeen sida dadku isugu habboon yahay iyo tilmaamaha labada qof u horseedi kara guur farxad leh oo waara.
1. Gabadh Alle ku xidhan, aaminsan sababta dunidaan loo keenay, cibaadada ku dadaasha, salaadda ku dedaasha, dareensan iney tahay adoon daciif ah, Alle aan ka maarmin. Ogow qof garan waayay Allihii abuuray, amarradiisane dhagaha ka fureystay ma ahan qof adigana naf kuu haya, waa inaad ka tashataa gabadha noocaas ah oo aanad ku walaacin.
2. Daacadnimo: Mararaka qaar qof walba qalad wuu sameeyaa go’aan khaldanna wuu qaataa. Waa muhiim in aad heysato qof jidka saxda ah dib kuugu soo celiya kolka aad gefsan tahay. Daraasado ayaa tilmaamaya in raggu ay rabaan gabadh daacad ah marka ay damacsan yihiin guur waara. Haddii aad heshay gabadh daacad ah ha sii deyn.
3. Niyad fiican: Dadka niyadda xun waa sun waxa ayna u daran yihiin caafimaadkeenna. Sababtoo ah niyad xumada ayay nagu daaran karaan dadka noocaas ah oo aan waqti dheer la qaybsanno. Tani waxaa lagu caddeeyay daraasad. Niyad xumida iyo aragtida taban waxa ay kor u qaadayaan garaaca wadnaha, waxa ay carqaladeynayaan dheefshiidkeenna waxa ayna hoos u dhigayaan awooddeenna diirad saaridda.
4. Gabadh taqaan tanaasul: Noloshu mar walba janno ma aha oo mar uun adiga iyo lammaanahaagu waad is qabaneysaan. Waa wax caadi ah marnaba lagama fursan karo. Balse guurku wuxuu sii jiri karaa kaliya marka labada qof ay diyaar u yihiin in ay meel dhexe isugu yimaadaan oo midkoodba wax ka tanaasulo.
5. Gabadh waalidkeed xidhiidh wanaagsan la leh: Haddii aad u baahan tahay in aad ogaato sida ay gabadhan kuula dhaqmi doonto hadhow, u fiirso sida ay waalidkeed ula dhaqanto. Gabadh waalidkeed aan waalidkeed u fiicneyn, adigana hadhow kuuma fiicnaan doonto.
6. Gabadh naxariis badan: Cilmigu waxa uu sheegayaa in furayaasha qoyska waara ay yihiin naxariis iyo deeqsinnimo.
7. Gabadh danteeda taqaana: noloshu mar kasta ku wanaajin meyso, mararka qaar xaaladuhu wey adkaan karaan, markaa waxaa loo baahan yahay gabadh la qabsan karta is bedelada nolosha.
8. Is-moogsiinta gafafka: lamaanayaal fara badan ayaa u muuqda kaliya in midkood uun kan kale cambaareeyo. Gaf kasta oo laguu geysto maaha inaad ka cadhooto kana jawaabto sidoo kale kusoo celceliso, dadka wanaagsan gafafka loo geysto badoonkooda wey is-moogsiiyaan, sababta oo ah haddii aad isku daydo gef kasta inaad saxdo laga yaabaa inuu kala tag iyo isku dhac ku danbeeyo.
9. Gabadh Calool Xaadhan: Haddii aad heshay gabadh dadka kale cafin karta, waqti dheer ayaad wada noolaan doontaan. Daraasad la sameeyey ayaa waxa ay soo bandhigtay in dadka si shuruud la’aan ah u cafiya dadka kale ay ka caafimaaad badan yihiin. Intaa waxaa ka sii muhiimsan, Saamaxaaddu waa gundhigga xidhiidh caafimaad qaba. Dadku ma dhammeystirna adiguna la mid baad tahay. Waxaa jiri doonta marar aad si kama ah u dhaawacdo xaaskaaga. Hadhow danbe waxaad u baahan doontaa adna in ay iyadu ku saamaxdo.
FAA'IDADA LA SAAXIIBIDDA DADKA LEH DABCIGA AF-GAABNIDA
1. Waxaad ka heli kartaa talooyin wax ku ool ah khaasatan markaad rabtid in aad qaartid go'aan kugu adag, sababtoo ah waa dad ku dheereeyo falaanqaynta maadaama wax walba ay sameynayaan ay jecel yihiin inay ka fakaraan ayne sii qorsheeyaan.
2. Siday u neceb yihiin in loogu xad gudbo, lagama yaabo inay ku dulmiyaan ama wajiga kuu badalaan ama dabci aadan ku aqoon inay kuula soo baxaan.
3. Haddii aad kalsooni isku qabtaan, waa dad aan sirta faafin maadaama ay iyagu aysan jeclayn in sirtooda la ogaado, xitaa qorshahooda mustaqbalka in laga hordhaco oo la ogaado ma jeclo.
3.Waa dad waqti kuu heli karo, haday shaqo aadaan ama iskuul aadan markay howshoodu soo dhameystaan lagama yaabo in meel aan guriga ahayn ku leexdaan illaa inay dan qasab ah ku soo baxdo mooyee.
4. Waa dad aan buuqa jeclayn iyo is-qabqabsiga, waxayna ka doorbidaan inay ka aamusaan.haddii adigane aad sidaa tahay waad isdabci keenaysaan.
5. Qiimo uma yeelaan waxa dadka kale ay ka aaminsan yihiin iyaguna kama helaan falaanqeynta dabciyada dadka kale, muuqaalka iyo labiska dadka kale, waxaa muhiim u ah siday iyagu isku arkaan ama ku faraxsan yihiin.
6. Haddii aad isku dhacdaan lagama yaabo inuu kula tirsado, haddii ay dood idin dhex marto oo aad kala ra'yi duwanaataan lagama yaabo inuu ku caayo ama kugu xadgudbo.
7. Waa dad jecel inay ku dhagaystaan, wayna xiiseeyaan in aad u sheekeysid, haddii dhibaato ay ku haysato waa dad ay haboon tahay in aad la sheekaysatid sababtoo ah way ku dhagaysanayaan, talane waad ka helaysaa, hadalkaagane badanaa lama wadaagi doonaan qof kale.
8. Waa dad isku taxallujiya inay isku filnaadaan, ma jeclo inay culeys saaraan dadka kale, hadday xanuunsadaan ma sheegsheegaan xanuunkooda, waxay aaminsan yihiin inay wax kasta xallisan karaan.
9. Waa dad saaxiibadood iyagu doorto ee aan la dooran, aadne u jecel inay helaan dad fahansan dabcigooda.
10. Waa dad si sahlan looga farxin karo, uma baahnid in aad is dhibtid si aad uga farxisid, waxaa ku filan inaad usoo hadiyaysid buug xiiso leh ama meel cidla ah inaad wada fadhiisataan oo aad sheekaysatiin.
11. Waa dad neceb isku dirka, beenta, xanta iyo inay dadka u kala war qaadaan, sidaa darteed inay ku xantaan lagama yaabo.
12. Saas ay tahayne waxay jecel yihiin inay nolosha la wadaagaan qof furfuran oo bulsho ah, laakiin dabcigooda fahmi karo (hadday labadaas qof is helaan way dhib badan tahay in la kala dhex galo), dadkuna way la yaabaan oo waxay yiraahdaan "maxaa labadaan isku keenay?" "Sideese isku fahmeen?".
Si aad u ogaatid qaabka ugu haboon ee dadkaan kula dhaqmi kartid, waa inaad iska ilaalisaa khaladaadka badanaa bulshadu ka aaminsan tahay sida:
1. In aad si dhakhso isku barataan oo kuu furfurmo oo kalsooni timaado waqti ayay qaadataa, laakiin markaad kalsooni ka hesho dadka dabcigaan leh, safiican ayaa la isku fahmaa, wayna kuu hagar baxaan, laakiin haddii aad kalsoonidaas ku ciyaartid waxaa laga yaabaa in xiriirka kuu jaraan oo aadan dib dambe kuula hadlin, wayna ku adag tahay in mar kale ay ku aaminaan.
2. Waxaa kaloo dabcigaa lagu qaldaa xishoodka, laakiin kalinnimada ayay xiiseeyaan kaliya, wayna ka fogaadaan meelaha bulshadu ku badantahay, laakiin qofka xishoodka badan wuu ka cabsadaa bulshada iyo isu-soo-baxa, meel fagaare ahne kama hadli karo, laakiin dadka afka-gaaban way ka hadli karaan meel la wada joogo laakiin waa inay ku soo tala galeen oo ay ka soo baaraandageen, hadalkooduna ma badno, in hadalka ka dibne su'aalo la waydiiyo ma jeclo.
3. Waxaa kaloo dabcigaan lagu qaldaa niyad jabka iyo murugada, dadka afka-gaaban ma ahan dad niyad jabsan, inkastoo ay u muuqdaan dad xanaaqsan maadaama aysan hadal badnayn, fara-ka-ciyaarka iyo faduulintane ay aad u neceb yihiin laakiin haddii aad isku kalsoon tihiin way kaa qoslisiin karaan, wayna shactireeyaan.
4. Waxaa kaloo dabcigaan lagu qaldaa isla-waynida, sababtoo ah maadaama ay neceb yihiin hadalka badan, booqoshada kadiska ah, ay xiiseeyaan la sheekaysiga dadka waawayn iyo ka baaqashada martiqaadka in loo arko inay kibir badan yihiin oo ay dadka iskala wayn yihiin taasina waa qalad badanaa lagu dhaco.
5. Waxaa kaloo dadkaan loo maleeyaa inay fahmad yaryihiin markay shaqo ama waxbarasho ku cusub yihiin, sababtuna waa culeys dhinaca la qabsashada ah, laakiin markay la qabsadaan aad ayay ugu fiican yihiin shaqooyinkooda, waana dad si dhakhso ah loo dallacsiiyo, dadka ay u shaqeeyaan way ka helaan dadka noocaan ah maadaama wax shaqada ka baxsan aysan iskugu imaanayn.
6. Waxaa kaloo dadkaan lagu qaldaa inay yihiin dad maahsan, maadaama ay yihiin dad ku dheereeya fakarka iyo khayaalka, badanaa gees ayay uga baxaan dadka ay ku dhex jiraan, tusaale ahaan hadday gaari soo raacaan ma jeclo inay kuraasta hore fariistaan.
7. Waxaa kaloo dadkaan loo maleeyaa inay caajis badan yihiin, sababtoo ah markay dad la joogaan ma lahan firfircooni muuqdo, oo maskaxda ayay aad uga shaqaysiiyaan.
8. Waxaa kaloo dadkaan lagu qaldaa inay yihiin dad aan jeclayn mutadawacnimada ama hogaaminta, taasina waa khalad kale, sababtoo ah ma jecla inay isa soo sharraxaan ama soo muuqdaan, lagama yaabo haddii su'aal la waydiiyo inay dhakhso farta taagaan illaa in iyaga farta lagu fiiqo mooyee, haddii howl u baahan hogaamin loo xilsaaro, way ku fiican yihiin inay dadka isku wadaan, go'aamadoodane aysan badanaa ku soo laaban.
9. Waxaa kaloo dadkaan lagu tilmaamaa dulqaad la'aan, sababtoo ah waxay neceb yihiin wax sugidda, waxayna jacel yihiin wax walba waqtigii ay filayeen inay ku helaan, tusaale: haddii aad la balantid oo aad ku soo daahdid aad ayay u dhibsadaan. laakiin howlaha ay hayaan iyo wixii dhibaato ah ee soo wajaha way u dulqaadan karaan.
10. Waxaa kaloo dadkaan lagu tilmaamaa xag-jirnimo, qallafsanaan iyo ad-adayg, sababtoo ah ma jecla dadkaan inay xafladaha tagaan, ma jecla sawaxanka, balwadda, fadhi-ku-dirirka, siyaasadda iyo ka qeyb galkeeda, sidaa darteed waxaa loogu yeeraa magacyo ay ka mid yihiin "suufi" IWM.
Waa arrin culays ku ah arday kasta, oo aysan si fudud ugu suura geli karin inuu doorto waxbarashada jaamacadeed, taasoo ku haboon xiisihiisa, awoodiisa aqooneed ama dhaqaalaha qoyska iyo weliba sida ay waxbarashadaasi ardayga ugu suuro geli karto inuu ku shaqaysto mustaqbalka.
Inta badan, isku dayashadu waa sida ugu badan ee ay ardaydu wax ku doortaan. Taasna waxaa sabab u ah saameynta saaxiibadu isku leeyihiin. Xayeysiisyada iyo hardanka Jaamacadaha ayaa iyana maanta saamayn weyn ku leh doorashada ardayda.
Haddii aan soo koobo qodobada aasaaska u ah doorashada waxbarashada jaamacadeed waa:
1. Xiisaha: Maxaad xiiseynayaa inaad barato? Runtii qofku waxa uu xiiseeyo way sahlanaataa inuu wax ka barto. Xiisuhu waa waxa keena inuu qofku hawl ku dhaqaaqo. Inkasta oo ay Soomaalidu tiraahdo xiiso iyo xubo way baaba'aan, haddana xiisuhu waxaa furaha waxbrashada.
3. Awooda Aqooneed: Maxaad awood u leedahay oo aad baran kartaa? koorsooyinka waxbarashada jaamacadaha waxay u baahan yihiin aasaas adag. Tusaale, ardayga raba inuu barto caafimaadka, waa lagama maarmaan ah inuu aqoon buuxda u leeyahay aasaaska maadooyinka bayolojiga, kimisteriga iyo kuwo kale. Sidoo kale aqoon intee le'eg ayaad u leedahay afafka wax lagu baranayo? Ardaydu waa inay fahmaan guusha waxabrashadu waxa ay ku xiran tahay awooda aqoonta ardayga ee aan kor kaga soo hadalnay.
4. Shuruudaha: Sida caadiga ah, waxbarasho kasta oo jaamacadeed waxa ay leedahay shuruudo, haddii lagugu xiro iyo haddii kaleba. Marka su’aashu waxa ay tahay waxa aad doonaysid ma buuxin kartaa shuruudihiisa?
5. Dhaqaalaha: Qoyskaagu ma bixin karaa dhaqaalaha ku baxaya waxbarshadaada? Waa arrin muhiim ah oo loo bahan yahay in arday kasta tixgeliyo dhaqaalaha qoyskiisa inta uusan dooran waxbarasho jaamcadeed. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa:” Dani waa seeto”. Haddaba ardaydu waa inay ogaataa, awooda dhaqaale ee qoyskoodu inay tahay waxa xadidaya waxbarashadooda. Inta badan ardaydu wax kuma dhisaan dhaqaalaha qoyskooda.
6. Shaqadaada: Inta aadan go’aansan waxa aad ku baranaysid jaamacada, is weydii fursadaha shaqo, ee aad ku gaari karto waxa aad baratay? Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu doorto waxbarashada heerka jaamacadeed waa sida aad ugu shaqaysan karto wixii aad baratay ama aad shaqo ugu heli karto.
7. Xaggee wax ka Bartaa?: Marka ardaygu dooranayo jaamacad uu wax ka baranayo, waa inuu ogaadaa aqoonsiga jaamacada (Accreditation), adeega ay jaamacada bixiso (university service), magaca iyo sumcada jaamacada (reputation and rank), bixinta maadada aad baranyso iyo qiimaha. Ma dalka ayaad wax ka barataa mise dibada? Haddii aad doonayso inaad dibad wax ka barato, ugu horeyn tixgeli dhaqaalaha qoyskaaga, tan xigta helida dal-ku-galka (visa) iyo in waxaa aad rabo inaad barato dalka laga helin ama si fiican loogu baran.
1. Howlkarnimada: waa dad lagu aamini karo shaqadii loo dirsado, sidaa darteed dadka dabciyadaan leh way xiiseeyaan shirkadaha qaarkood.
2. Nidaamka iyo qorsheynta: waa dad aad u ilaaliyo heshiisyada iyo balamaha.
3. Taxaddarka iyo foojignaanta: dhacdhacooda iyo khaladaadkooda aad ayuu u yar yahay, maadaama ay tallaabo walba ay qaadayaan ka sii fakraan iyo waxii ka dhalan doonaba.
3. Guusha: maadaama ay waqti iyo juhdi ku bixiyaan inay hadafkooda gaaraan, badanaa waxay soo hoyaan guul, mustaqbalkoodana horumar ayay ka gaaraan.
4. Kalsooni: waa dad aan cabasho badnayn oo naftooda ku kalsoon, waxay aaminsan yihiin wixii dhib soo waajaho in iyaga qof aan ahayn uusan xallin karin.
5. Dhiiro-gelinta: dadka dabcigaan leh uma baahno in la dhiirogeliyo, sababtoo ah ayagaa isugu filan dhiirogelin.
SIDEE LOOLA DHAQMAA DADKA DABCIGAN LEH ?
Qofka dabcigaan leh waa lala heshiin karaa
1. Haddii la ixtiraamo xeerarka noloshiisa u dagsan.
2. Haddii waxa aad ka damacsan tahay aad waqti hore la sii socodsiisid sida haddii aad soo booqanaysid iyo haddii aad howl uga baahan tahay.
3. Haddii howlaha ay hayaan aadan ka mashquulin ama aadan fara gashan waad is dabci keenaysaan.
Qofka iska leh dabcigaan waxaa lagu yaqaanaa feejignaan, qorshayn iyo nidaam. waxaa dabcigaan afka qalaad lagu dhahaa "Conscientiousness". Waa dabci faa'ido u leh qofka Alle siiyay, laakiin isku-dhac ayuu badanaa u keenaa. dadka dabcigan leh waxaa la ogaaday in qeyb ka mid ah maskaxdooda loona yaqaano "Anterior cingulater cortex (ACC) ay aad u shaqayso, qeybtaas oo bini'aadanka u xilsaaran urursanaanta, kala-dambaynta, qorysheynta, xisaabinta, foojignaanta iyo falanqaynta dhacdoooyinka.
WAA MAXAY DABEECADAHA DADKAN ?
1. Shaqo badnaan: dadka dabcigaan leh waa dad shaqada aad u jecel, qaarkood waxaa loo yaqaanaa "workaholics" oo ah dad shaqada ku waalan, waxay jecel yihiin wax walba inay hagaajiyaan oo sidii loo rabay u sameeyaan (perfection) sidaa darteed waqti badan ayay ku bixiyaan, wayna neceb yihiin in shaqadooda oo qabyo ah ay ka tagaan, saas ay tahayne ma jeclo in shaqada lala qabto oo loo sheegsheego ama loo tilmaamo, sababtoo ah qaabka ay u rabaan in laga qaldo ayay ka nacayaan. Waa in shaqada ay hayaan meel ku hubsadaan inta aysan shaqo kale bilaabin.
2. Waa dad jecel nidaamka iyo is-ururinta, wayna neceb yihiin kala daadsanaanta iyo isku-dhex-yaaca, tusaale ahaan haddii aa booqatid meesha ay dagan yihiin, wax walba way isdul saaran yihiin, lagama yaabo in aad aragtid alaab ama dhar meel daadsan, kabaha meel gooni ah ayaa la dhigaa, shanlada, saliida, cadayga iyo qalabyada kale ay isticmaalaan meel ayay leeyihiin, ma jeclo in alaab walba meeshii loogu tala galay laga qaado, wayna la dagaallamaan dadka aan nidaamkooda ilaalin, waxayna ugu neceb yihiin wax ay meel ku ogaayeen inay ka waayaan, arintaan aad ayaa loogula yaabaa waxaana loo arkaa dad nolosha isku dhibayo laakiin iyagane waxay dadka ka soo horjeedo u arkaan dad aan nidaam aqoonin oo wax ka qaldan yihiin, waxayna isku dayaan in dabcigooda ay baraan dadka la dagan.
3. Waa dad jecel qorsheynta iyo ka baaraan dagidda, ma jeclo wax aysan ku tala galin in la geliyo sida in la soo boqodo iyadoo aan loo sii sheegin, in howl aysan diyaar u ehayn loo dirsado, wax walba ay qabanayaan waxay jecel yihiin inay ka sii fakaraan oo wixii ay qaban lahaayeen maskaxda ku sii haystaan iyagoo aan qofne la wadaagin, marka dadka dabcigaan leh waa qasab in wax walba oo noloshooda ka mid ah ay sii qorsheystaan xitaa waxyaabo aad u yaryar oo aad la yaabaysid mararka qaar in ay ka sii fakaraan.
4. Dabcigaas qorsheynta iyo foojignaanta wuxuu ku abuuray dabci ah in aysan la heshiin karin dadka lugooyada u saaxiibka ah, balantana ka baxa, qorshahane aan lahayn oon waqtiga qiimo ugu fadhiyin.
5. Maadaama ay yihiin dad go'aan leh way ku fiican yihiin waxbarashada iyo shaqada, heerar fiicanne way ka gaaraan, dadka dabcigaan leh markay yar yihiin uma baahna in la diro ama lagu booriyo howl laga rabay inay sameeyaan, waalidku dhib kama maro waxbarshadooda iyo noloshooda kalaba.
1. Natfaada waa inaad taqaanid: Dad badan marka ay dood galayaan waxay u galaan oo keliya iney fal celin sameeyaan ama dooda qofka kale uga imaaneysa iney difaac ka galaan. Si aad dooda marka horeba ula qabsato waxaad u baahan tahay inaad fahamto nuxurka iyo waxa uu ka hadlayo qofka kaa soo horjeeda ama dooda aad la galeyso balse haddii aad aqoonba u laheyn waxa laga doodaya waad ku fashilmi doontaa doodaas.
2. Waa noocee niyadda aad ku galeyso doodda: Haddii saaxiibkaa dood gashaan oo aad ka doodeysaan siyaasadda, laakiin niyadaadu tahay inaad dooda kaga adkaato, oo aad sidaa dood u gasho waad khaldan tahay, niyadda aad dooda u galeyso waa iney tahay mid aad kala faa'ideysataan oo doodu laba dhinac yeelato, maaha keliya inaa ku fikirto inaad ka guuleysato qofka dood wadaaga tihiin. Waa iney isku mid kuu noqoto inaa dooda ka hesho iyo in uu isagu kaa helo. Waxaa kale oo qaldan inaan sii qiyaasto qofka nala doodaya niyadiisa iyo waxa uu ka hadlayo oo aan u aragno inuu sax ahayn oo uu qaldan yahay, waxa laga yaabaa inuu hadhow kaa saxnaado.
3. Dhageysi wanaagsan: waxaa haboon qofka aad wada doodeysaan inaad si fiican u dhageysato si aad u dhuuxdo hadalkiisa una fahanto nuxurka waxa uu ka hadalayo. Dhageysiga wanaagsan waa inaad qofka la socoto jidh ahaan iyo maskax ahaan. Inaad qofka tusto inaad hadalkiisa daneyneyso.
4. Dareenkaaga soo jeedi: qofka doodu kaala dhexeyso waa inaad hadalkiisa diirada ku haysaa, qodobada uu ka hadlayo aad calaamadsataa si hadhow ugu soo celisid qodobadaa aad Isla ogoshihiin iyo kuwa aad isku diidan tihiin oo aad dood ka gashaan, haddii aad sidaa sameyn weydid laga yaabaa in waxyaabo badan laguu hoos geliyo adiga oo dareensaneyn.
5. U fiirso hadalkaaga: mararka aan xanaaqno hadalkeenna kor ayaan u qaadnaa, sidaa daraadeed yaan laguu maleyn inaad xanaaqdey ama cadhootey, markasta isku day inaad si caadi ah u hadasho.
6. Afkaarta la isaga mid yahay: waxyaabaha doodaheenna dila waxaa ka mida inaan soo horeysiino waxyaabaha aan ku kala duwanahay, waxaa haboon in marka hore lasoo bandhigo afkaarta la isaga mid ka yahay, wixii lagu kala aragti duwan yahayna si degan looga wada doodo, arrintaasi waxay ka qayb qaadaneysaa isu soo dhawaanshaha doodayaasha. Waxaa la isku hayo waxaa ka badan waxa la isu yahay.
1. Koritaanka badan ee shacabkeenna: waxaan nahay umad shacabkeedu aad u koroyo, dhalinyaraduna shacabkaas koraya ayey ka mid tahay. Kobaca dhaqaalaheennu wuu ka gaabinayaa koritaanka tirada dadkeenna. Shaqada abuurmeysa ayaa ka yar dhalinyarada saaxadda shaqada soo galeysa.
2. Xirfadda: dhalinyarada soomaalidu waa bilaa shaqo haseyeeshee deegaanada soomaalidu waxaa joogaa kumaakun oo shaqaale ajnabi ah kuna shaqeysanaya xirfad inagu keenay baahi aan u qabno xirfadooda awgeed, sababta oo ah xirfadii ayey leeyihiin, dhalinyarada soomaaliduna xirfadii ma laha .
3. Dhalinyarada oo ay ku adag tahay iney deymo qaataan: shuruudaha lagu xidho deymo qaadashada kama bixi karaan dhalinyaradu, shuruudaha waxaa ka mida inuu qofku keeno hanti damaanad ah iyo sidoo kale qof damaanad qaada deyntaa dhalinyarada ma heysaan hanti ay damaanad u dhigaan, sidoo kale ma helayaan qof damaanad qaada.
4. Dhalinyarada hal-abuurka heysa oo aan taageero helin: dawladda iyo haayaduhu ma taageeraan dhalinyarada la timi ama haysa fikrad ganacsi oo shaqeyneysa, dawladu waxaana haboon iney dawlada iyo haayaduhuba dhalinyarada hoos u eegaan oo wax la qabtaan.
5. Nidaamka waxbarasho ee jaamacadaha: inta badan jaamacadaha wadaankeenna ka jira nidaamkooda waxbarasho ee ay adeegsadaan kuma salaysna baahida taalla suuqa shaqo. Wadankeenna waxa uu Allaah ku maneystey khayraadka dabiiciga ah sida macdanta, xoolaha nool, beeraha iyo sidoo kale kalluunka. jaamacaduhu ardeyda si qoto dheer uma bixiyaan kulliyadahaas, sidii khayraadkaa mashaariic waaweyn oo shaqaynaya looga sameyn lahaa ardeydana kuma dhiirigeliyaan kamana garabsiiyaan. Sidoo kalena kulliyado xirfada ma bixiyaan
6. Noloshii baadiyaha oo gabi ahaan meesha kasii baxaysa: laf-dhabarta dhaqaalaha soomaalida waa xoolaha nool, balse waayahan danbe meesha way kasii baxaysaa, sababo jira awgeed, dadkii xoolo dhaqatada ahaa waxay waayeen baahiyaha asaasiga ah ee nolosha sida biyo iyo caafimaad ka dibna waxay noloshu ku kalifyey iney u soo qaxayaan magaalooyinka iyaga oo aan laheyn wax xirfad ah oo aan ka aheyn xoolo dhaqashada, sidaa ayna shaqo la'aan ku noqdaan.
1. Dhalinyarada qaarkood nolosha ayey ka hadheen, sababo la xidhiidha isticmaalka faraha badan ee mobile-ka, qaar waxay ku seegeen waxbarashadoodii, caafimaadkoodii iyo waqtigoodii dahabiga ahaa ee dhalinyaranimada.
2. Dhalinyarada qaarkood waxa uu ka galaaftey hurdadii ay seexan lahaayeen habeenkii, sunaha noloshu waa iney naftu habeenkii hesho nasasho iyo hurdo ku filan, ugu yaraan waa iney hesho ilaa todobo saacadood oo hurdo ah, si caafimaadkeedu u wanaagsanaado, balse dhalinyarada waqtigan nool badankoodu maalinta iyo habeenku waa isugu mid, habeenkii waa soo jeedaan maalintiina waa hurdaan, si kasta hurdada habeenkii wax u dhigma ma jiraan xitaa haddii aad maalintii oo dhan hurudo.
4. Dhalinyarada qaarkood ayaa ku andacoonaya iney subaxii shaqeynin sidaa daraadeed ay habeenkii soo jeedayaan si ay maalintii u seexdaan, habeenkii goor hore aad jiifsan kartaa, subaxii waxbaad baran kartaa, xirfad cusub oo aad ku shaqeysato beri ayaad baran kartaa shaqooyin ayaad raadsan kartaa, cudurdaar kuuma noqoneyso bilaa shaqo ayaan ahey.
5. Inaad habeenkii ku dhafarto mobile-ka waxa laga yaabaa in saameynta xun ee laga dhaxlo ay kugu soo degdegto ama laga yaabaa iney kaa raagto ama mustabalka ay kusoo ridato, xanuunka ugu badan ee laga qaado dhafarka waa xanuunka faaliga ama qalaylka, dad badan oo dhafarka la saaxiibey xanuunkaas ayaa ku dhacay oo la dhibaateysan yihiin.
6. Qaar ka mida dhalinyarada habeenkii qabintey isticmaalka mobilada waxay la dhibaatoonayaan in haddii ay is dhahaan goor hore jiifsada aaney hurdaba ka imaameyn, waxaana u sabab ah qabatinka soo jeedka habeenkii, markaa inta aanad la qabsan dhafarka waxaa haboon inaad is barin oo aad goor horeba habeenkii iska jiifsato. Waa wax lala yaabo qof labada habeenimo soo jeeda oo aanan garaneyn waxa uu ku soo jeedo iyo waxa uu ku waayey hurdadiisii, hawlahaaga fiidka horeba iska dhameyso horena ka jiifso.
7. Inaad habeenkii kusoo jeedo mobile-ka uma fiicna indhahaaga, khubarada caafimaadku waxay ku talinayaan in gebi ahaanba la yareysto habeenkii isticmaalka mobile-ka si aad ilaaliso caafimaadka indhaha. Inta Waxaa kasii daran inaa mobile-ka habeenkii ku isticmaasho meel mugdi ah taas oo dhaawaceysa indhahaaga. Waqtiga habeenkii Iftiinka shaashadaha toos ayey ugu dhacayaan indhahaaga.
Qormadan lagu daabacey majaladda Sayidati oo ka falloota arrimaha qoyska, waxa aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah dabeecadaha u gaarka ah shakhsiyadda haweenka laakiin ragga badankoodu aanay fahmin:
1. Gabadhu waxa ay jeceshay in taariikhdeeda hore aanay ka warramin: Wax badan baa ka jira hal-ku-dhegga Soomaalida ee yidhaahda, “Rag waa ba’ood, dumarna waa badhaadhahood” waxaa cilmi ahaan loo ogaaday in dumarku aanay jeclayn in ay ka warramaan taariikhaha madow ee ay soo mareen, cid kasta oo xusuustooda ku soo celisana ay u qalbigoodu ka sii jeedsado. Keliya gabadha ka warayso badhaadhaheeda iyo waxa hadda taagan iyo xitaa waxa ay mustaqbalka raadinayso ama qorshaynayso in ay noqoto.
2. Gabadhu waxa ay jeceshay in la dhegeysto: Ma jecla in ninku uu iska dhego mariyo marka ay hadlayso; sidaa awgeed waa in uu ku dadaalo in uu dhegeysto warkeeda, ama ugu yaraan u muujiyo in uu dhegeysanayo, haddii ay ka fursan weydana waxaa fiican in uu si xikmadaysan mawduuca uga duwo si aanay u fahmin in warkeeda uu nacayo. Gabadhu waxa ay jeceshay dooda iyo falanqaynta, taas oo aad fahamtaana waa fure muhiim ah.
3. Gabadhu ma jecla in awood lagu muquuniyo: Siraha muhiimka ah ee shakhsiyadda gabadha ku duugan waxaa ka mid ah in aanay jeclayn amar ku taaglaynta iyo in wax loo yeedhiyo; gabadhu haddii ay dareento in aragtideeda ama doonisteeda uu ninku kaga duwayo ragannimadiisa, waxa ay u fahamtaa xaqiraad iyo in uu yasayo, sidaa awgeed ninku waa in uu ka digtoonaado in uu ku dhaco qalad noocaas ah.
4.. Gabadhu ma jecla in la dhaawaco: Xilliga dooda iyo falanqaynta ama muranka uu ninku kula jiro gabadha waxaa muhiim ah in uu iska ilaaliyo in uu shucuurteeda dhaawaco, in uu ku yidhaahdo ereyo afxumo ula muuqda iyo hadallo liita. Nin kastaa waa in uu ogaado in gabadhu ay tahay shakhsiyad xasaasi ah, sidaa awgeed uu ku dadaalo in uu ka fogaado wax kasta oo hadalka duulin kara ama cadho iyo khilaaf abuuri kara.
5. Beenta iska jir: Gabadhu ma jecla in arrimaha qoyska la xidhiidha ay beeni soo dhex gasho, weliba fiiro gaar ah ayaa ay ku eegtaa kuna dhegeysataa ninka, mar kasta oo uu ka hadlayo arrimaha qoyskooda, sidaa awgeed waa in uu ka fogaado beenta iyo wax kasta oo khiyaamo u muuqda. Macnuhu ma’aha in aanay iyaduna been sheegin, balse waa in ay ninka uga nugushahay u dulqaadashada beenta. Waxaa iyaduna muhiim ah in ninku ogaado in gabadhu ay beenta ninka si sahal ah u ogaato, ama ay leedahay awood abuur oo nafsi ah oo ay ku garato marka been iyo khiyaamo uu wado iyo marka uu daacad yahay.
6. Gabadhu waxa ay u baahan tahay jacayl: Si kasta oo ay gabadhu u tahay gabadh awood badan, bulshada saamayn ku dhex leh, mansab iyo maal haysata, haddana weli waxa ay u baahan tahay jacayl iyo in uu hareer taagnaado ruux dareensiiya xasilooni iyo ammaan, sidaa awgeed ninka fahamka fiicani waa kan ogaada in si kasta oo ay xaaskiisu u tahay shakhsiyad awood badan aan hareerteeda ka fogaan.
2. Guurku agteenna ma aha mid ku dhisan saaxiibtinimo ee waa mid ku dhisan jacayl ay isku calmadaan laba qof oo lamaanaha ah. Ma isku midbaa xeedho hal-qof quutay iyo mid boqolaal gacmood dhex galeen? Waa maya, waakaas farqiga u dhaxeeya dumarkeenna iyo dumarka reer galbeed.
3. Dhallinyaradu wakhti kasta waxa jira wax ay horumar u yaqaanaan. Kun-sano ka hor awoowayaasheen waxa ay fuuli jireen Geela, manay aqoon baabuur iyo diyaarado toonna. Waxa ay ku noolaayeen nolol adag waxa ay iftiinsan jireen dabka maanta innaga ina guba! Haddana waxa ay ahaayeen Rag maamuusan oo aan cidna waxba ka sugin cidna ayna guumaysan. Haddaba miyay horumareen mise waa ay dib-dhaceen? Innagu waxa aynu noqonay in aynu daba socono Reer Galbeed oo ay ka dhigano halbeegga horumarka. Markii ay iska tuureen akhlaaqdii iyo xishoodkii inaguna waxa aynu iska tuurnay xishoodkii iyo xayihiiba! Haddaba miyaynu horumarnay mise waa aynu dibdhacnay?
4. Qofka saboolka ah ee ku nool nolosha adag waxa uu jecleysanayaa nolosha taajirka uu ku nool yahay. waxa uu filayaa in uu dareemi lahaa macaanka Adduunka oo dhan. Laakiin midka haysta waxa uu dareemayaa in ayna Adduunka macaankiisa midkaas ahayn! Dhal-dhaalka Adduunka waa sida dhalanteedka oo garan maysid waxa uu yahay? Marka aad ka fog tahay waxa aad moodaysaa Balli Biyo ah Laakiin marka aad soo gaadho waa meel madhan!.
5. Tuugu Hurdo wanaagsan ma seexdo xataa isaga oo hubkiisu gacanta ugu jira. Hadda siduu qofka Yuhuudiga ah Falastiin hurdo iyo rayn-rayn ugu dareemi inaga oo u jeedna! Falastiin kuma gaar aha oo qudha reer falastiin iyo carab oo kaliya ee waa Qadiyad ka dhaxaysa muslimiinta oo dhan.
6. Waxa aan doonayaa in aan idin tuso shay aad u macaan badan, faa’iido wayn leh. Oo cidda taqaanaana ay yar tahay waana wax akhrintq. Waxa aan soo tijaabiyay mac-macaanka oo dhan dhamaantood, maan helin wax ka macaan in aan Buug (kitaab) aad la gaar noqoto akhrintiisa. Haddii ay dadku leeyihiin Yoolal iyo Himilooyin Himilada ugu wayni Mudaalacada ama wax akhrinta waa Yoolka ugu wayn.
7. Naftu Waxa ay jeceshay wax kasta oo aanu ku jirin horu socodkeedu. Waxa ay jeceshay in ay soo jeedo oo ay habeenkii dhafarto subixiina ay iska seexato. Naftu waxa ay jeceshay wax kasta oo caado xun ah oo ay barato in ay qabatinto oo ay joogtayso. Haddii ay barato cabbista Khamriga in aad ay joojiso waa ay neceb tahay waxa ay jeceshay in iska wadato. Laakiin naftaada haku odhan “waxaan ma awoodo mana iska joojin karo waad awoodaa waanad iska joojin kartaa.” xigasho.
Inaad wixi aad soo baratay oo aad muraajaco ku sameyso wey adag tahay iyada oo mararka qaar ay dhacdo inuu qofku uu garan waayo halka uu ka bilaabayo.
khubarada ayaa soo jeedinaya qodobo muhiima oo ku saabsan arrinkan hoos ka akhriso.
1. Quraacda iyo cunnooyinka maskaxda: Jidhkeenna si waajibaadkiisa uu sidii la rabay uu ugu guto waxaa loo baahan yahay in ahmiyadda la saaro cuntooyinka nafaqada leh ee dabiiciga ah. waa inaad maalinka imtixaanka qaad ku billaabataa cunnooyinka tamarta laga helo, cunnooyinkaasi oo ay ka mid yihiin boorashka, rootiga nafaqada leh oo ay sokor ku jirin ama ay ku yartahay. Sida oo kalana cunnooyinka borotiinka laga helo sida caanaha, caanaha garoorka iyo ukunta. Cunnooyinka kale ee awoodda xifdinta maskaxda sare u qaado waxaa ka mid ah: Ukunta, kalluunka iyo saliiddiisa, hadhuudhka, koostada, kaabajka, xabuubka, avocado iyo khudaarta cagaaran ee kale. Cunnooyinkana waxay ku sii wanaagsan yihiin iney marwalba isku dheella tirnaadaan xilliga ku habboonna uu qaataa
2. Akhriska horey u biloow: Imtixaanka wakhtigiisa inta aan la gaadhin waa inuu qofka uu akhriska billaabo si uu uga yaraado cadaadiska soo foodsaari lahaa marka uu imtixaanka soo dhawaado. qofka wax akhrisanaya marka uu dhammeeyo waxa uu akhrisanayo waa inuu wakhti muraajaca uu sameysto ka hor inta uu imtixaanka gelin.
4. Akhriskaaga wakhti geli: Akhriska oo wakhti badan la geliyaa waxay ka mid tahay istiraatiijiyada ugu wanaagsan uu qofku guul ka gaadho sheyga aad wakhti badan gelisidna waxay u badan tahay iney marwaba xusuustiisa kula jirto. Waxaadse ogaataa xeeladaha loo akhristo iyo waadada loo mara iney maadooyinka ku kala duwan yihiin.
5. Adigu tijaaba iska qaad: sida ugu wanaagsan oo aad akhriska guul uga gaadhi kartid isla-markaana wixi aad akhrisataya inaad illaawin gacan ka geysanaya ayaa waxay khubarada dhinaca waxbarashada ku tilmaamaan iney tahay tijaabada uu qofku iska qaado. Farasamadaasi waxay sidoo kale kaa caawineysaa inaad fahanato, inaad xifido iyo inaad dib ugu laabato meelaha aad isleedahay waad ka liidataa. Sida ugu wanaagsan ee aad tijaabada isaga qaadi kartid waxay tahay inaad qoraal ahaan isaga qaaddo ama iney cid kale ku weydiiso.
6. Macalin isu noqo: Haddaba, haddii aad muraajaca sameeysay, tijaabana aad iska qaadday maxaa xigaya? Waxaad aaddaa sabuuradda adiga oo cid kale barayo wixi aad akhrisatay. Qofkale inaad wax barto waxay kaaga baahan tahay inaad si weyn isugu soo diyaariso cashar kasta oo aad dadka kale bari lahayd.
7. Taleefanka gacanta iska fogee: Taleefanka wuxuu leeyahay faa'idooyin badan marka dhanka wanaagga laga eego balse barnaamijyada baraha bulshada uu xiriirkooda fududeeyo taleefanka gacanta inta badan waxay caqabad ku noqdaan akhriska qofka. Tijaabooyin horay loo sameeyey ayaa waxay sheegayaan markasta oo taleefankaaga aad wakhti badan gelisid, inuu hoos u dhacayo natiijada aad imtixaanka ka keeneysid.
8. Jawi degan wax ku akhri: Ardayda jawiga deggan ku akhrista ayaa la ogaaday iney ka natiija wanaagsan yihiin ardayda aan ku akhrisan jawi deggan ama wax dhageysta xilliga ay akhrisanayaan.
9. Wakhti nasasho sameeyso, jimcsina samee: Markasta oo aad cashar ama maaddo akhriskeed aad dhammeyso waa inaad sameeysataa wakhti kooban oo aad ku nasato inta aad akhris kale u gudbin.
10. Hurdo kuugu filan seexo: Habeenki inaad hurda kuugu filan seexato waa lagama maarmaan, ma wanaagsana muraajacada habeenkii hurdada ka hor la sameeyo, waayo waa xilli maskaxdu daalan tahay, hore u jiifso ka bacdi xagga danbe kasoo kac. Xigasho.
6. Muraajaco samee: Diyaarso liis ay kuugu qoran yihiin su'aalaha macquulka ah ee lagu weydiin karo isla markaana isku day inaad jawaabahood sii muraajaceysato. Haddii ay kugu adkaato waxaa jira meelo badan oo baraha bulshada ah oo aad ka heli karto qaar ka mid ah su'aalaha wareysiga la isku weydiin karo.
7. Ka feker dharka aad xidhaneyso: Aragtida ugu horreysa waa muhiim, qaar ka mid ah dadka wax shaqaaleysiiya waxay go'aan gaadhaan 30-ka ilbidhiqsi ee ugu horreeya. waa laga yaabaa inaad si fiican uga jawaabto su' aalaha laakiin haddii uu dharkaaga niyad jebiyay markii horaba, waxaad qarka u saaran tahay inaad guul darreysato. Hubi in dharka aad wareysiga ku aadeyso oo aad diyaarsato waqti hore. khubarrada shaqaaleysiinta ayaa kugula talinaya inaad soo xidhato suud.
8. Si fiican u gacan-qaad: waa waxa ugu horreeya ee dhacaya marka aad qolka wareysiga gasho. Inaad qofka si fiican u gacan-qaaddo waxay muujineysaa inaad tahay qof isku kalsoon. hubi inaad xiriir indhaha ah la sameyso qof walba oo aad salaameyso. Mar walbana tiish hakuugu jiro jeebka qofna ma doonayo inuu salaamo gacan dhidideysa!
9. Dhoolla-caddee!: dhoolla-caddeyntu waa luqad caalaami ah oo micnaheedu yahay "Waan ku faraxsanahay inaan halkan imaado, waxaana ahay qof fiican". Si fiican u dhoolla-caddee marka aad qolka gasho iyo sidoo kale wareysiga dhexdiisa. Waa hab fudud oo lagu kasbado buundooyin!. Si hagaagsan oo toosan u fadhiisato, marna hoos ha u fooraarsan.
10. Xakamee neerfahaaga: Walwalka badan wuxuu sababaa in dhammaan baaritaanka aan soo sameynay iyo wixii aan soo xifdinnayba inaan illowno. khubarrada shaqaalaha waxay soo jeedinayaan inaad neerfahaas u adeegsato inaad diiradda ku saarto jawaabahaaga.
11. Noqo qof soo jiidasho leh: Wareysiyada fool-ka-foolka ah waxay fursad kuu siinayaan inaad qofka u muujiso waxaad tahay, waxa aad ka hesho. Marka uu wareysigu dhammaado, u sheeg sida aad u jeceshahay shirkadda iyo sida aad ugu farxi lahayd haddii aad fursad u hesho inaad halkaas ka shaqeyso, laga yaabaa inaad taas kaga guuleysato qof kale. .
12. Ha niyad jabin: Haddii aad dareento inaad tareenka ka dhacday oo aadan shaqadaas heli doonin ha moodin inay intaas ku ektahay. Sii wad inta karaankaaga ah, ha niyad jabin bilowga ilaa dhamaadka. Xigasho.
Sanad ayaa kasoo wareegay asaaskii chanel-kan qormooyin. Waad ku mahadsan tihiin sida fiican ee aad ula socotaan qormooyinka aan halkan ku soo qorno.
1. Yeelo tababar xirfadeed oo wanaagsan: Shaqooyinka la heli karo ayaa aad u yar markii la barbardhigo dadka shaqo-doonka ah. Tartanku aad ayuu u sarreeyaa. Markaa si aad uga soo dhexmuuqatid dadkaas badan, waa inaad marka horaba leedahay tababar xirfadeed oo wanaagsan. Waana in qofku uu yaqaan waxa uu qabanayo. Ganacsaduhu ma iibsanayo aqoon, ee waxa uu doonayaa qof garanaya sida loo qabto shaqada, xirfaddiina leh. Qofka shaqa-raadiska ku jira ee aanan wadan shahaadooyinka waxbarasho ayaa leh fursad yar oo uu ku heli karo shaqo wanaagsan.
2. Shaqo ka dhigo shaqo-raadinta: Baadigoobka shaqo waa inay shaqo u noqotaaba dadka aan shaqo-haysan. Waa inaad maalinwalba toostaa oo aad baadigoobtaa shaqooyinka la heli karo, xogta la xiriirta waaxaha shaqooyinka haya, balse waa inaad sidoo kale xog ka haysaa xaaladda shaqo ee qaranka. Taasi waxa ay kuu sahlaysaa inaad ogaatid waaxda shaqada laga codsan karo iyo sida halkaas lagu gaadhi karaba.
3. Baro sida loo qoro tusmada taariikh nololeedkaaga (CV): Tusmada taariikh nololeedkaaga (CV) waa xiriirka ugu horreeya ee dhexmara qofka wax shaqaalaysiinaya iyo qofka shaqo-doonka ah. Haddii aad haysatid CV aanan u qornayn si wanaagsan, oo aan diyaarsanayn ama aanay ku jirin xog la xiriirta xirfadaada, dhinac ayaa la iska dhigayaa ee ogow. CV-ga waa inay ku jirto qeyb aad ku muujinaysid xirfadaha aad garanaysid. Waa goobta aad ku sheegaysid howlaha aad ku guulgaartay goobta aad hadda ka shaqaysid. CV-gu waa inuu si wanaagsan u qoran yahay waana inaan iska ilaalisaa inaad ku dartid wax baashaal u muuqan kara. Tusaale ahaan, waa inaad u yeeshaa qeyba casaan ah iyo qeyba cagaar ah, iwm.
4. Ogoow hab dhismeedka shirkadda aad shaqada ka raadsanaysid: Marka aad u timaadid in imtixaan aad u gashid shaqo, waxaa lagaa filayaa in aad la jaanqaadid anshaxa iyo dhaqanka goobtaasi, waa in aadan soo xidhan surwaal jiinis ah oo jeexjeexan iyo kabo dacas ah. Ahoow mid naftiisa ku kalsoon, halkan uma aadan iman in aad shaqo usoo baryo tagtay, balse waxaad la timid shaqo , xifad iyo adeeg. Qof shahaado haysta shaqo uma baryo tago. Marka aad qoratid tusto taariikh nololeed, waa in aad tahay qof isku kalsoon, waana in aad muujisaa qof guuleysan kara shaqo kasta oo loo dhiibo.
5. Samee baadhitaan: Wax ka ogow cidda ku weydiin doonta su'aalaha ( interview) waxna ka baro iyaga intaad awooddo. Si qoto dheer u baadh shirkadda; Maxay qabataa? Yaa ka mas'uul ah? waa kuwee shirkadaha ugu waaweyn ee ay tartanka kula jirto? Meesha ugu habboon ee baaritaankaas laga bilaabana waa website-ka shirkadda. Sii diyaarso qoraallo, iskuna diyaari marka uu wareysigu dhammaado inaad weydiiso su'aalo muujinaya baaxadda uu la'eg yahay baaritaanka aad sameysay. Waa wax aad sameyn karto maalin kahor maalinta wareysiga si aad u diyaar garowdo una noqoto qof isku kalsoon.